Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 16aad)

0
690

dddMarkii dambe haddana kiiskii Dr. Afridi dhanka kale ayaa loo qallibay, oo waa la joojiyey, laakiin haddana weli xabsiga ayaa uu ku jiraa oo waxa uu ku qaadanayaa ciqaab la sheegay in uu ku mutaystay dhagar uu geystay.

Barak Obama khudbaddiisii uu ku sheegayey weerarka lagu dilay Usaama Bin Laadin, waxa uu sheegay in markii ay ciidamada SEALS dileen Usaama, ay maydkiisii qaadeen. Hadalkaasi jaahwareer iyo mushkilad hor leh ayaa ayuu sabab u noqday. Sida aynu hore u soo sheegnay qorshaha hore waxa uu ahaa, warka dilka Usaama in Maraykanku uu sheego ugu yaraan toddobaad kadib, oo weliba uu sheego in Usaama Bin Laadin ay diyaaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ku dileen buuraleyda xuduudka u dhexeeya Afgaanistaan iyo Baakistaan. Iyada oo baadhitaan lagu sameeyey DNA laga qaaday hadhaaga hilbihiisii lagu xaqiiqsaday in Usaama Bin Laadin weerarkaas lagu dilay.

Laakiin markii Obama uu ku hadlay hadalkan ka duwan wixii la isku ogaa oo dhan, waxaa markiiba la filan karayey in mar haddii uu Madaxweynuhu sheegay in ciidamada Maraykanku si toos ah u dileen Usaama Bin Laadin, uu qof kastaa ka filayo dawladda Maraykan in maydka Usaama ay soo bandhigi doonto. Sidii horeba u dhacday markii uu Maraykanku dilay wiilashii Saddaam Xuseen ee Qusay iyo Cudday oo inta nabarradii rasaasta ay u dhinteen dib loo tolay talefishannada dunida oo dhan la tusay.

Warfidiyeenka ka hawlgala Guriga Cad iyo warbaahinta dunida oo dhami halkii ay ka sugayeen in maydka Usaama hortooda la keeno, waxaa la hadlay uun afhayeen u sheegay in maydkiisii loo duuliyey gego diyaaradeed oo ay Milateriga Maraykanku ku leeyahay magaalada Jalaalabaad ee dalka Afgaanistaan, kadibna si toos ah loogu sii duuliyey Markabka USS Carl Vinson, oo ah Markab weyn oo kuwa diyaaradaha xambaaraha ah oo gaaf-wareegayey badda woqooyiga Carabta. Afhayeenkani waxa kale oo uu warfidiyeenka u sheegay in saacado yar kadib dhimashadiisii, Bin Laadin lagu xabaalay badda.

Taliyihii CIA John Brennan oo 2dii May jeediyey hadal uu isla sheekadaa guriga cad ku xoojinayo, marka laga tago shakiga hadalkiisa guud hadheeyey, waxa ay warfidiyeenka uu la hadlayey ugu shaki badnaayeen daqiiqadihii uu ka hadlayey aaska Usaama Bin Laadin.

Su’aalahaa John Brennan iyo masuuliyiinta Guriga Cadba hor yaallay waa ay cad-caddaayeen oo ay koobnaayeen, “Goorma ayaa la qaatay go’aanka ahaa in haddii la dilo Usaama, badda dhexdeeda lagu xabaalo? In Sidaa la yeelaa marka horeba ma qayb qorshaha ka mid ah ayaa ay ahayd mise mar dambe ayaa ay ku dhalatay ciddii amarka lahayd? Fadlan, ma’aad noo sheegi kartaa sababta ay idinla qurux badnaatay in aad sidaa yeeshaan? John, tallaabadaas aad qaaddeen Sheekh ama Khabiir muslim ah ma kala tashateen? Miyaa aanu jirin hal filim oo maqal iyo muuqaal ah oo laga daawan karo sida ay bad-ku-xabaaliddani u dhacday? In kasta oo Brennan su’aalahan ku haftay, isla markii su’aashii u dambaysay la weydiiyey ee shirkii jaraa’id dhammaadayba, xoghayaha warfaafinta ee Barak Obama ayaa soo baxay, oo hadlay si uu u badbaadiyo John Brennan, waxa aanu yidhi, “Xabaalidda Usaama dadka kalana fursad ayaa aanu u siinnay in ay ereygooda ku darsadaan, oo talo ka bixiyaan iyaga oo u eegaya shareecada Islaamka”

Brennan oo markan aad mooddo in uu marayo wadiiqada uu afhayeenka guriga cadu jeexay ayaa isna mar dambe yidhi, “Waxa aanu filaynaa in aanu hubinnay in maydkiisu uu helay hannaanka ugu habboon ee jinaasada Islaamiga ah” waxa aanu intaas ku daray in arrintan ay kala tashadeen khubaro iyo culimo muslimiin ah, illaa heer xitaa qaabka ay Milateriga Maraykanku u qaadeen maydku uu ahaa mid waafaqsan shareecada Islaamka. Laakiin ma’ uu sheegin halka ay uga heleen jamaca muslimiinta ah ee ku tukaday iyo sidoo kale wadaadka goob joogga ahaa ee hubinayey ama ka talo bixinayey in jinaasada la waafajiyo shareecada Islaamka.

Mar dambe ayaa haddana la abuuray sheeko kale oo lagu sii qurxinayo beenaha hore ee la xidhiidhay dilka iyo aasidda Usaama Bin Laadin, Mark Bowden, oo la sheekaystay qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee maamulka Obama, ayaa markii dambe qoray in maydka Usaama Bin Laadin la maydhay, kadibna sawirro lagaga qaaday magaalada Jalaalabaad ee dalka Afgaanistaan oo la sii mariyey ka hor intii aan loo qaadin markabkii ay Maraykanku sheegeen in la geeyey maydka. “Tallaabooyin dheeraad ah oo nidaamka jinaasada ay shareecada Islaamku u dhigtay ayaa la maray” ayaa uu ydhi Bowden, waxa aanu si gaar ah tusaale ugu soo qaaday in la maydhay, kadibna kafan lagu xidhay.  La soco…….