Ciraaq Oo Mar Kale Urdun Ka Codsatay In Loo Soo Gacan Geliyo Gabadh Uu Dhalay Saddaam, Iyo Jawaabta Urdun

0
687

ddddCammaan (Geeska)- Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ciraaq ayaa mar kale si rasmi ah uga codsatay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Urdun in Ciraaq loo soo gacangeliyo shakhsiyaad Ciraaqiyiin ah, oo ku nool boqortooyada Urdun, kuwaas oo ay dawladda Ciraaq ku eedaynayso in ay taageeraan waxa ay ugu yeedhay Argagaxisada iyo in ay lacag-dhiqis sameeyaan. Dadkaas ay Ciraaq doonayso in loo soo gacan geliyana waxaa ka mid ah Raqda Saddaam Xuseen oo uu dhalay madaxweynihii la dilay ee Ciraaq Saddaam Xuseen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq Ibraahiim Al-jacfar oo xaqiijiyey in dalkiisu uu dalabkan u gudbiyey dalka Urdun ayaa mar uu waraaqaha aqoonsiga Qunsulnimo ka guddoomayey Heytham Saalix Calyaan oo ah diblumaasi uu dalka Urdun u soo magacaabay in uu noqdo Qunsulka u fadhiya magaalada Erbiil ee Ismaamulka Kurdiyiinta Ciraaq, waxa uu ku celiyey in shakhsiyaadka ay Urdun ka doonayaan in ay u soo gacan gelisaa ay yihiin kuwo taageera argagaxisada isla markaana ku lug leh hawlo lunsi iyo khiyaamo maaliyadeed ah.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Alcarabiya ayaa intaas ku daraya in dhowr jeer ooh ore dalka Urdun ka codsatay in uu u soo gacan geliyo Raqda Saddaam Xuseen oo dalkaas ku noolayd tan iyo sannadkii 2003da markii Isbahaysi Maraykanku wataa uu weeraray dalka Ciraaq. Laakiin dhowrka jeerba dalka Urdun waa uu diiday in uu dalabkaas Ciraaq hoos u eego.