Obama Oo Xilka Kadib Loo Soo Bandhigay Shaqo La Doonayo In Uu Ku Barto Dulqaadka Diinta Islaamka

0
735

ddddAbu Dhabi (Geeska)- Ciise Bin Xaydar oo ah Garyaqaan u dhashay dalka Isu-tagga Imaaradaha Carabta ayaa dhowaan madaxweynaha Maraykanka ee dhowr bilood kadib uu xilku ka dhammaanayo, Barak Obama u soo bandhigay shaqo.

Garyaqaanku waxa uu bogga uu ku leeyahay bar-kulanka bulsho ee Twitter ka ku qoray, “Madaxweyne Obama, waxa aan ogaaday in dhowaan aad shaqo beeli doonto, waxa aan kuu soo bandhigayaa in aad ka shaqayso xafiiskayga”

Waxaa suurtogal ah in Garyaqaanku uu daawaday barnaamij maqal iyo muuqaal ah oo qaab maadays ah uu madaxweyne Obama u jilay filim waqti kooban oo muujinaya isaga oo xilka kadib shaqo raadinaya, filimkaas oo uu baahiyey guriga cad ayaa noqday mid dunida daafaheeda oo dhan si aad ah looga daawaday. Isaga oo Garyaqaan Xaydar sii wada qoraalkiisa dad badani xiiseeyeen waxa uu sheegay in shaqada uu Obama siinayaa ay tahay mid aad u mushahar badan, iyo in guri bilaa lacag ah la dejinayo, isla markaana la siinayo tigidho diyaaradeed bilaa lacag ah oo uu ku tago dalalka Carabta.

Xaydar oo sababta uu Obama ula jeclaaday dalalka Carabta tegistooda sharraxayaana waxa uu sheegay in uu doonayo in uu bal hadda soo barto hab-dhaqanka fiican ee Islaamka, waxaana ka mid ahaa qoraalkiisan “Waa aan fahmi karaa in soo bandhigista safarradani ay la’ yaab kugu noqon karto, laakiin waxaa waajib ah in aad la noolaato muslimiinta, si aad si dhow ugu barato, adiga oo ka fog masraxiyadaha siyaasadda ee Maraykanku jilayo”