Maalqabeenku Lacagta Uma Kharash Gareeyaan Sida Aynu Moodayno: Caadooyinka Dhaqaale Ee Qaar Ka Mid Ah Maalqabeenka Waaweyn Ee Dunida (Q. 3aad)

0
640

Washington (Geeska)- Waa qaybtii Saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay ee soo bandhigaysay hab-nololeedka qaar ka mid ah maalqabeenka dunida ugu caansan iyo siyaabaha ay lacagta u kharash gareeyaan ayaa lagu ogaaday:

6. Michael Bloomberg Waa ganacsade weyn iyo siyaasi Maraykan ah, Saddex jeer oo isku xigta ku guulaystay Duqa (Maayirka) magaalada New York. Waa maalqabeen 74 jir ah oo lacagta uu haysto lagu qiyaaso 44.7 Bilyan oo doolar, taas oo ka dhigaysa qofka Lixaad ee ugu lacagta badan dalka Maraykanka iyo qofka siddeedaad ee dunida oo dhan ugu maalqabeensan.

Bloomberg waxa uu cinwaannada warbaahinta dunida qabsaday markii uu si badheedha u qirtay in uu Labaatankii sano ee u dambeeyey xidhanayey beer kabo ah oo uu shaqada u samaystay, si aanu ugu qasbanaan in ay kabuhu hore uga madhaan oo hadba laba cusub u iibsan. Arrinta yaabka lihi ma’aha in uu Labaatan sano beer kabo ah oo keliya haystay isaga oo dhaqaalaha intaa le’eg haysta, waxase ka sii yaab badan in mar kasta oo kabahu ka go’aan uu u tegeyey warshadda kabaha farsamaysay oo uu sar cusub, ama suun cusub ama cidhib cusub ku soo rakcayey kabihiisa.

7. Jay Lenu Oo ah ganacsade u dhashay dalka Maraykanka oo 66 jir ahi, carruurnimadiisii waxa uu ka shaqayn jiray xarun lagu iibiyo baabuurta iyo hudheel cuntooyinka fudud ee dhaqsaha ah laga iibsado. Laakiin markii dambe dhinaca warbaahinta ayaa uu u baydhay oo intii u dhexeysay 1992kii illaa 2009kii waxa uu u wareegay dhinaca warbaahinta oo uu Talefishanka NBC ee Maraykanka ka sii deyn jiray barnaamij maadays ah oo lagu magacaabo ‘Tonight Show with Jay Leno’.

Labadaa shaqo ee aynu sheegnay in Jay Lenu uu yaraantiisii isku dhex waday, mid ka mid ah mushaharka laga siiyo noloshiisa ayaa uu ku dabbari jiray, halka mushaharka labaadna waa uu urursan jiray. In kasta oo uu Jay Lenu markii dambe lacagaystay, gaar ahaan intii uu barnaamijka maadayska ah bilaabay oo ay Malaayiin doolar soo gashay, haddana waxa uu weli u nool yahay sidii hore waxa aanu ku dadaalaa in dakhliga badan ee soo gala uu si bilaa kibir ah u kharash gareeyo waxa dheeraadka ahna urursado. Jay oo ku nool nolol kharashkeedu u dhow yahay dabaqadda hoose waxa uu haystaa lacag dhan 350 Milyan oo doolar.