“Anigu Xagayga Madaxweynaha Tanaasul Maan Idhaahdeen, Laakiinse Sharaf Buu Sameeyey”

0
687

Hargeysa (Geeska)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee la filayo inay ka bilaabmaan dalka Turkiga, waxaanu sheegay in wada hadaladu muhiim yihiin.

IMG_23FE8E-C257B1-1E8CED-1B0042-E3DD0C-875CFE

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan tanaasulka Madaxweynaha ee Musharaxnimada Doorashada ee sannadka dambe, waxaanu sheegay in aanu isagu Madaxweynaha kula taliyeen inuu tanaasulo, balse uu si sharaf leh ku tanaasulay, waxaanu ku taliyey in Madaxweynaha ka dambeeyna uu sidiisa oo kale noqdo, waxa kale oo uu dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey Golaha Guurtida, oo kula taliyey madaama ay fasax galeen in hawlihii qaranka halkaas ka sii wadaan, oo aanay is dhigan, waxaanu ugu horeyn yidhi  "Wada halka Somaliland iyo Somaliya waa loo baahan yahay, si wax la iskula gartana waa in la wada hadlaa, wada hadalka ama waa la is yeelaa ama waa la is diida, wax qasab ahina ma jiraan, wada hadaladaasna wax Somaliland u dan ah ayaa ka soo bixi doona"

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey tanaasulka Madaxweynaha yidhi "Anigu xagayga Madaxweynaha tanaasul maan idhaahdeen, laakiin se si sharaf leh buu sameeyey, dadka xiisaha u qaba Kursiga  wuxuu dhigay Madaxweynuhu waa la arkaaya Madaxweynaha  ka dambeeya wuxuu qabto aynu eegno, waxaan taliyo la aragye waxaan taro ha la arko ayuu joogaa, bal Madaxweynaha ka dambeeya waxa uu qabto aynu aragno, isagu halkii uu ka qaaday weynu aragnaye, kolkii horena jabhadii SNM ee Itoobiya gashay ayuu ka soo qaaday, oo aanu nin xadhig kaga iman, oo aanu nin dilin, oo nabadgalyo ku wareejiyey, maantana nabadgalyo ayuu ku wareejinayaa, ILLAAHAY baa madax u abuuray, inta uu nool yahayna waa madaxa, insha allah Madaxweynaha ka dambeeyana mid khayr roon buu noqon"

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa mar uu talo u soo jeedinayey Golaha Guurtida wuxuu yidhi "Kal-fadhigani nabadgalyo ayuu inoogu dhamaaday, kal-fadhiga soo socdana ALLE nabadgalyo ha inoogu dhameeyo, cidhiidhiga dadka iyo cidhiidhiga adduunyadana ALLE ha inaga qaado, nin walba oo Guurtiyi halka uu tago ayuu Wefti ka yahay, haddii aad fasax gasheen, meesha aad tagtiin ku dadaala nabadgalyadeeda, waxaad tihiin wefti aan habsaan lahayn, dadka wacdiya, dadka is ogolaysiiya,intaas aad fasax tihiin labadii is qabsada heshiisiya, gobonimadana ALLE ha inoo adkeeyo."