Guddiga Doorashada Oo Ka Hadlay Diiwaangelinta Maroodi-jeex

0
760

Hargeysa (Geeska)-Guddida Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ka hadlay Diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex oo si rasmiya loo soo gunaanaday, waxayna sheegeen inay si nabadgalyo ah oo aanay wax dhib ahi ka dhicin ay ku dhammaatay Diiwaangelinta Marood-jeex, waxayna sidoo kale sheegeen in qaban-qabadii Diiwaangelinta Gobolka Sanaag oo Ramadaan kadib bilaami doonta ay hawsheedii galeen.

DSC05594

Guddida Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Shalay shir jara'iid ku qabtay xaruntooda, ayaa waxa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Xisbiyada Qaranka, Guddida Diiwaangelin ee Gobolka Marood-jeex iyo Degmada Hargeysa.

Cabdifataax Xasan   oo  ka mid ah Xubnaha Guddida Komishanka Qaranka oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Sodonkii Bishii April bay ahayd markii aynu bilaabaynay Diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex, 27-may waxa inoo soo af xidhmay Diiwaangelintii ka socotay Gobolka Maroodi-jeex, marka maanta waxa aanu iskugu kiin yeedhnay in aanu ku dhawaaqno inay inoo soo xidhantay Diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex".

Dhanka kale wuxuu Cabdifataax Cabdilaahi Xasan  ayaa dhanka kale wuxuu u mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay Diiwaangelinta, waxa kale oo uu ka xog waramay shir caalamiya oo ka dhacay dalka Rwanda oo ay lagu soo casuumay dalka Somaliland,isla markaana ay isaga iyo Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka ay ka qayb galeen, waxaanu xusay in Calanka Somaliland Shirkaas  ka dhex muuqday,isla markaana talooyin ku saabsan Diiwaangelinta wax laga weydiiyey.

Guddoomiyaha Guddida Komishanka Somaliland Eng: Cabdiqaadir Imaan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maalmihii hore ee bilawga Diiwaangelinta Maroodi-jeex gaabis ka muuqday, balse markii dambe dadku ay si aad ah isku diiwaangeliyeen, waxaanu xusay in qabsoomida Diiwaangelinta uu ugu mahadnaqayo ILLAAHAY ka sokow Ciidamada, Shaqaalaha Komishanka, Madax-dhaqameedka, Saxaafada, isla markaana si bilaa turxaan ah oo wax dhib ahi ka dhalan ay Diiwaangelintu ku dhammaatay, haddana ay wadaan qorshihii iyo qaban-qaabadii Diiwaangelinta Gobolka Sanaag oo uu sheegay in Ramadaan kadib ay si toos ah u bilaami doonaan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Masuuliyiin ka socday Saddex Xisbi Qaran oo iyana halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Komishanka Doorashooyinka, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay si wanaagsan Diiwaangelinta Maroodi-jeex u dhamato, waxayna baaq u direen Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag oo ay ugu baaqeen inay iyana si wanaagsan isku diiwaangeliyaan.