Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Oo Sharaxay Biyo Xidheenkooda

0
543

Addis Ababa (Geeska)- Wasiirka warfaafinta iyo isgaadhsiinta ee dalka Itoobiya Getachew Reda ayaa sheegay in xukuumadda dalkiisu ay qarka u saaran tahay dhamaystirka boqolkiiba 70 dhismaha biyo-xidheenka Kor-u-kaca ee ay ka samaynayso daafta webiga Niilka.

ddd

Waraysi uu wargeyska Asharq Al-awsat baahiyey jimcihii dorraad ayaa uu wasiirku ku sheegay in hawlaha la dhamaystiray ay ka mid yihiin dhismihii iyo hawlihii injineeriyadda dhismaha la xidhiidhay, rakibiddii Marawaxadaha iyo hawlaha la xidhiidha farsamada iyo shaqada Injineeriyadda biyaha, isaga oo hoosta ka xariiqay in shaqada oo dhamina gabaabsi tahay oo ilbidhiqsi kasta dhammaanshiyaheeda la filan karo.

Waraysigan uu Geeska Afrika soo turjumay waxa uu wasiirku kaga faallooday warbixinno warbaahinta Masar ku sheegtay in dalka Itoobiya ku hawlan yahay sidii uu dhamaytirka hawlaha biyo-xidheenka uga gaadhsiin lahaa waqtiga la sugayo dhamaystirka daraasadaha Masar iyo Itoobiya ku heshiiyeen in xafiisyada la talinta ee wadaagga ahi ku sameeyaan biyo xidheenkan iyo haddii ay dhib ka soo gaadhi karto Saamiga uu dalka Masar ka helo biyaha webiga Niilka. Wasiirka warfaafinta iyo isgaadhsiinta Getachew Reda waxa uu caddeeyey, “Shaqada guddiyada loo saaray, wax xidhiidh ah lama laha dhismaha biyo-xidheenka, balse waxa ay ogaanayaan illaa heerka uu dhibaato gaadhsiin karo dalalka ku shuraakada ah biyaha Niilka; waayo biyo-xidheenku waa uu dhisan yahay, warbixinaha ay guddidani soo saartaana wax raad ah kuma yeelanayaan. Balse haddiiba ay dhacdo in ay soo baxdo cid daraasadaha guddiyadan kadib u aragta in uu dhibaato gaadhsiinayo biyo-xidheenku, arrintaasi arrin annaga Itoobiya ahaan noo taalla ma’aha”

Dhinaca kalana wasiirka oo la weydiiyey xidhiidhka dalkiisa iyo Sucuudiga ayaa sheegay in dalka Sucuudigu uu Itoobiya ku sameeyey maalgashi ka badan 4 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, kaas oo u badan dhinaca beeraha. Waxa uu sheegay in maalgashigaasi uu yahay mid ay gacanta ku hayaan shirkado gaar loo leeyahay oo Sucuudig ahi, isaga oo intaas ku daray, “Laakiin xukuumadda Sucuudigu waa ay na taageertaa, waxa aanay taageertaa maalgashigayaga”

Wasiirka warfaafinta iyo Isgaadhsiinta ee dalka Itoobiya oo ka hadlaya xaaladda gobolka Badda cas waxa uu sheegay in ay ka jiraan isbedello ay ugu horreyso colaadaha dalka Yemen oo uu sheegay in ay saamayn ku yeesheen, Dalalka gacanka Carabta, Soomaaliya, Jabbuuti iyo Itoobiya, sidoo kale waxa gobolkan ka jira dhibaatada argagaxisada. Isaga oo ka hadlaya aragtida dalkiisa ee sugidda ammaanka gobolkana waxa uu sheegay in dalkiisu aaminsan yahay mabda’a ah in nabad lagu dhammeeyo colaadaha, “Waayo waxa aanu ognahay in xidhiidhka ka dhexeeya dalalkani uu ka kakan yahay sida ay dadku caadi ahaan sawirtaan” ayaa uu yidhi.