Xubin Ka Tirsan Guddiga Ictiraaf Raadinta Somaliland Ee Dalka Sweden Oo La Soo Dhaweeyay

0
701

Hargeysa (Geeska)-Marwo Kawsar Aadan oo ka tirsan Guddida Ictiraaf raadinta Somaliland ee dalka Sweden, oo dalka dib ugu soo laabatay shalay ayaa lagu soo dhaweeyey, waxayna sheegtay inay aad iyo aad ugu faraxsan tahay inay dalkeedii ku soo laabato.

www

Maxamed Dhamac Xasan oo ka mid ah Guddida Ictiraaf raadinta, isla markaana ah Musharaxa u taagan xilka Barlamaanka Doorashooyinka soo socda oo isagu dalka ku soo dhaweeyey Marwo Kawsar Aadan ayaa isna ku taliyey in laga wada qayb qaato ictiraaf raadinta isla markaana mucaarad iyo muxaafidba garbaha la is qabsado oo loo midoobo danta qaranka, waxaanu yidhi "Maanta (Shalay), oo ay bishu tahay 28 waxaanu Madaarka ku soo dhaweeynay Kawsar Aadan, oo ka timid dalka Sweden, waxay xubin ka tahay Guddida Ictiraaf raadinta oo Maxamed Yuusuf Guddoomiye u yahay, Madaxweynuhu markii uu magacabay Guddida Ictiraaf raadinta waxa laga sameeyey Wadamo badan oo Yurub ah. waxaana ka mid ah UK,  Holland, Sweden,insha allaah waxaanu rajaynaynaa in imikana Afrika laga sameeyo, oo wadamo badan aynu ku foofno, dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Hambalyo wacan 18-may sannadkaas sanadkiisana ILLAAHAY bash-bash iyo barwaaqo ha inagu gaadhsiiyo, Somaliland heerkay gaadhay waanu ognahay guulo fara badan baanu raynaynaa guulahaas oo ah in ILLAAHAY aqoonsi keeno aqoonsiga wax badan inagama hor taagna ee inaga waxa inaga hor taagan inaga oo is aqoonsana fariinta aan Somaliand u gudbinayaa waa iyaga oo midaysan ama ha ahaado Muxaafid ama Mucaarid dhinaca ka wada socda tiim adag baa loo baahan yahay oo sodon qof ah oo miiska u garaaca cid kasta.”