Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 15aad)

0
895

ddddSirdoonnada Maraykanka iyo Baakistaan waxa ay isla qaateenin cidda ay Amiir Casiis ka uu warkiisu fashilmay ku sadqaynayaan in ay noqotay Shaakil Afridi.

Shaakil Afridi, waa dhakhtar 48 jir ah oo u dhashay dalka Baakistaan, mararna u shaqeeyey CIA oo uu hantideeda ka mid noqday.

Shaakil ayaa ay ciidamada ammaanka ee Baakistaan xidheen dabayaaqadii bishii May, waxa aana lagu eedeeyey in uu caawiyey CIA da. “Annaga ayaa u tagnay Baakistaanta, una sheegnay in ay qabtaan Afridi” Ayaa uu yidhi, sarkaalka hawlgabka ka noqday sirdoonka Maraykanka ee xogtan muhiimka ah siiyey Qoraaga. Isaga oo arrintaas sidan u sii sharraxay, “Waxa aanu doonaynay in aanu dambabasno gebi ahaanba warka la xidhiidha sida aanu ku helnay DNA ga Usaama Bin Laadin”

Waxaa markiiba la soo saaray warbixin sheegaysa in CIA ay magaalada Abbottabad ka bilowday barnaamij tallaal been abuura ah, iyada oo adeegsanaysay Dr. Shaakil Afridi, si ay u hesho DNA ga Usaama Bin Laadin, laakiin waxa ay ahayd warbixin si badheedh ah loo been abuurtay, oo Afridi in kasta oo uu hore ula shaqeeyey CIA haddana markan dusha ka saaraysa kiis aanu ku jirin.

Afridi waa run in uu tallaal ka waday magaalada Abbottabad, laakiin muxuu ahaa tallaalkaasi? Maxaa se ka jira in uu tallaalkan oo si sharci ah u socday isagu ahaa basaas CIA oo kadhex shaqaynaya? Waayo waa ay kala duwan yihiin in tallaalkaba sirdoonku bilaabay ujeeddo basaasnimana ka lahaa iyo in ay shaqo xalaal ah oo socota qof ku dhex darsadeen.

Dr. Afridi waxa uu waday ol’ole tallaalka jooniska cad (Hepatitis B) ah oo ay dawladda hoose ee degmadu si madaxbannaan oo sharciga waafaqsan u wadday. Waxa uu ahaa ol’ole si aad u heersarraysa ay dawladda deegaanka Abbottabad u maalgelisay si ay dadkeeda uga tallaasho Caabuqan beerka, qarsoodina ma’ uu ahayn ee magaalada oo dhan waxaa lagu dhejiyey boodhadh waaweyn oo barnaamijkan tallaalka ah lagu xayeysiinayo.

Si kastaba ha ahaato ee haddii Alfaridi marka hore qabashadiisa lagu xidhiidhiyey in uu la shaqaynayey CIA, haddana markii dambe ee maxkamadda la geeyey dacwadda lagu soo oogay ee ay sheegtay in lagu helay waxaay ahayd in uu argagaxisada xidhiidh la’ lahaa, waxa aana lagu xukumay 33 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu qaaday dacwad khiyaamo qaran ah.

Sheekadan odhanaysay CIA waxa ay Abbottabad ka bilowday tallaal shaadh beenaad ah oo ay ugu gabbanaysay helidda DNA ga Usaama Bin Laadin, waxa ay dalka Baakistaan ka abuurtay cadho aad u baahsan, waxa aana sumcad darro ay ku ridday tallaalkii nadiifta ahaa oo dhan, taas oo xitaa sababtay in la iska joojiyo barnaamijyo tallaal oo caalami ahaa, oo ay ahayd in la fuliyo, mar haddii ay hadda kadib dadku u arkayeen in uu tallaalkani yahay shaadh basaasidda Maraykanka loo xidho.

Sarkaalkii hawlgabka sirdoonka ka noqday waxa uu sheegay in Dr. Shaakil Afridi ay sirdoonka CIA shaqaalaysiisatay muddo dheer ka hor hawlgalkan dilka Usaama, sababta sirdoonka Maraykanku u shaqalaysiiyeyna ahayd in ay helaan xog ka madax bannaan sirdoonka Baakistaan oo la xidhiidha hawlaha argagaxiso iyo dadka looga shakisan yahay ee magaalada Abbottabad iyo hareeraheeda. “Qorshaha CIA ee ku aaddan Dr. Afridi, waxa uu ahaa in lagu dhex darsado barnaamijkan tallaalka ah, oo isaga oo dawladda hoose arrintaas uga shaqaynaya sifo sharci ah, haddana uu si hoose u soo helo dhiigagga dadka looga shakisan yahay argagaxisada ama ehelkooda ee ku nool xaafadaha magaalada Abbottabad” Waxa se’ la xaqiijiyey in Dr. Afridi aanu haba yaraato ee wax lug ah ku lahayn soo helidda DNA ga dadka deggen dhismahan Usaama Bin Laadin. Warbixinta sheegtay in uu hawshaas ku lug lahaana waxa ay ahayd warbixin si degdeg ah loo diyaariyey oo sirdoonka Maraykanka iyo Baakistaan ay ugu talogaleen in ay ku furtaan Amiir Casiis kaalintii weynayd ee uu ku lahaa soo helidda DNA ga Usaama. Laakiin markii dambe waxaa soo baxday ceebta warkaas sida degdegga ah uun lagu malo-awaalay ee eedda dusha uga riday Afridi.

“Sheekadan CIA ay u been-abuurtay si ay xaqiiqada Amiir Casiis u qarisaa waxa ay ahayd mid loo abuuray si degdeg ah oo aanay xirfadi ka muuqan” sidaa waxaa yidhi sarkaalkii sirdoonka CIA ka tirsanaan jiray ee xogtan muhiimka ah qoraaga siiyey, isaga oo intaas ku sii daray, “Maanta ayaa la arkaa cawaaqib xumadii ka dhalatay beentaas sida degdegga ah loo dhoob-dhoobay.

Mashruuc aad u ballaadhan oo bani’aadamnimo oo ahaa tallaalo faa’ido weyn u lahaan lahaa dadka tuulayaasha iyo beeraleyda ayaa loo arkay khiyaamo basaasnimo ku qarsoon tahay, ama laga baqay in sidaas loo arko oo la joojiyey.

Markii dambe haddana kiiskii Dr. Afridi dhanka kale ayaa loo qallibay, oo waa la joojiyey, laakiin haddana weli xabsiga ayaa uu ku jiraa oo waxa uu ku qaadanayaa ciqaab la sheegay in uu ku mutaystay dhagar uu geystay. La soco…