“Annagu [Djibouti] Ma Ogolin In Madaxweynahayaga La Aflagadeeyo”Safiirka Djibouti u fadhiya Somaliland

0
695

Hargeysa(Geeska)-Safiirka Dawlada Djibouti u fadhiya Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Djibouti.

dddd

Ambassador Xuseen Cumar Kawaaliye oo waraysi gaar ah siiyay wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Shirwac ayaa sheegay in aanu ogolayn in la aflagaadeeyo madaxweynihiisa isla markaana ay arintan ka wada haldeen wasaarada arimaha dibada Somaliland.

Ugu horeynba waxa uu ambbassdor Xuseen kawaaliye ka hadlayaa kulan ay jaaliyadaha Djibouti ee qaar ka mid ah dalalka dibadu ay isugu imaadeen magaalada Hargeysa. “Jaaliyadaha waxay ka kaal yimaadeen, Faransisiika, ingiriiska, maraykanka, Kanada, waxaanay isugu yimaadeen si ay u hambalyeeyaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo markii afraad si dimuqraadi ah loo doortay oo doorashadii ku guulaystay.”

Safiirka oo la weydiiyay waxa uu ku tilmaami karo xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti wuxuu yidhi “Waxaan ku tilmaami karayaa xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti , waa xidhiidh qoto dheer, walaatilnimo wada shaqayni ka dhaxayso, iyo qadariini ka dhaxayso oon maanta bilaabin oo taariikh leh.” ayuu yidhi.

Safiirka oo la weydiiyay doodda mudadan dambe ka dhex taagnayd reer Somaliland ee ku saabsanayd hab maamuuskii ay Djibouti ku qaabishay Madaxweyne Siilaanyo wuxuu yidhi “Waxaanu u aragnay annagu sidii ugu wanaagsanayd ee madaxda kale oo dhan loo soo dhaweeyay ayaan u soo dhawaynay, welibana waxaan fadalnay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed siilaanyo. Laakiin nasiib xumo waxa dhacday in dadka qaarkood ay aflagaado u gaystaan madaxweynahayaga, markaas annagu waxaan odhan lahaa diblomaasiyad ayaa wax kasga lagu xalilaa, madaxweynahayagu waa madaxweynihii jamhuuriyadda Djibouti, karaamadii, sharaftiisii yo haybadii reer Djibouti oo dhan ayuu sitaa, ma ogolin in la aflagaadeeyo, waayo annagu ma jeclin in madaxweynaha Somaliland iyo oridiiisa aanu aflagaadayno namana siinayo damiirkayagu.”

Safiirka oo la weydiiyay bal inuu arrintan kala xidhiidhay dawladda Somaliland wuxuu yidhi “Anigu khaasatan waan kala hadlay wasaaradda arrimaha dibadda, waxaanan aniga iyo wasiirku nidhi waxaanu ku dhammaynaynaa si diblomaasiyadeed. Wixii jiraba wasiirka si fiican ayaanu isku afgaranay, waxaanu sheegay inay ka xunyihiin iyagu.”

“Anigu waxaan u arkaa wadan kastana wuxuu u madaxbanaanyahay qorsihiisa iyo horumarkiisa, isagaa ka tashada, annaga taasi nama khausay hadday meeshay donaan tagan, wixii udana Anaya iyagaa garanaya,waxaanan u aragnaa inay horumarkooda io baraamijoooda wataan, waxanu ka dhex galaynaa ma jrto.”