“Reer Salaxlayoow Abtinimo Cod Ha Ku Bixinina”Mujaahid Xamarje

0
515

Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje, ayaa bulshada reer Salaxley ugu baaqay inay codkooda siiyaan guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, waxaanu geesta kale ugu baaqay inaanay codkooda ku bixin abtinimo.

xamarje

Xamajre, oo ka mid ahaa wefti uu guddoomiye Cirro hoggaaminayay oo shalay soo kormeeray diiwaangelinta degmada Salaxley ayaa isagoo meel fagaare ah kala hadlaya reer Salaxley wuxuu yidhi ''Abtinimada, Cod ha ku Bixinina Reer Salaxlayow, Nin walba meeriska nolosha meel-buu ku wanaagsan yahay Aniga waxa laga yaabaa maalmihii Dagaalka waan ku fiicnaa, Lixlaa kuu Ficnaa Maxamed Kaahin baa ku fiicnaa rag doora ku fiicnaa, maanta-se Dalkani dagaal kale ayuu ku jiraa waxa uu  u baahan yahay Waa Ictiraaf, Maanta Cid caalamka ina Barta ayaynu Ubaahnahay U malayn maayo ninka Cabdiraxmaan la tartamayaa in Uu ahaan Doono Nin ictiraaf keena laakiinse maalintii uu Ku Fiicnaa inankaad abtiga u Ahaydeen wuu Soo dhamaystay,.''