Heshiiska Casriyeynta Dekeda Berbera Kuma Hakanayo Hagardaamada Cadowgiisa Maxamuud Walaaleeye

0
695

Salaanta islaamka ka dib, waxaan jeclahay Inaan warbixin kooban ka qoro siday ku bilaabmatay iyo sababaha keenay inuu yeesho cadow badan markii uu soo baxay heshiiska casriyeynta dekeda Berbera ee dhexmaray xukuumada Somaliland iyo wadanka Imaaraadka carabta, oo hadaldayntiisu mudooyinkii u dambeeyey ku badnayd warbaahinta geyiga Soomaalida iyo baraha bulshooyinku ku xidhiidhaan.

Sannadkii 2006, shirkada DP World iyo xukuumada Jabuuti waxay wada galeen heshiis iskaashi soconaya muddo soddon sannadood inay ku maalgeliyaan deked la dhigo konteenarada (containers) oo laga dhiso deegaanka Dooraale. Dhismaha dekeda oo ah ta ugu casrisan qaarada Afrika, ayaa wakhtigan u muuqata inay tartan dhexmari dooono dekeda Berbera, hadii heshiiska Dp World iyo xukuumada Somaliland wada saxeexdeen dhaqan galo, (Insha alaah, wuu guulaysan doonaa.)

Shirkada DP World, oo xilligan shan wadan ka hawlgasha qaarada Afrika,  sida Masar, Jabuuti, Senegal ayaa wakhtigan u muuqata mid hawlaheedu ku sii negaan qaarada Afrika, wakhtigan oo heshiiskooda  cusub ee Somaliland u muuqdo mid ay ku beddelatay kii hore uga dhexeeyey jabuuti, isla markaana noqonaya wadankii labaad ee DP World ka baxdo, ka dib markii hore DP World u iibiyeen saamigii ay ku lahaayeen dekeda Cadan ee dalka Yemen, waxaana la saadaalinayaa in dekeda Berbera noqoto mid ka balaadhan doonta dekeda Dooraale, marka la geliyo maalgashi lagu qiyaasay $442 milyan dollar.

Sidoo kale, dalka Jabuuti oo hore joogitaanka DP World uga soo geli jiray dakhli badan, qeybna ka qaatay koboca dhaqaalaha dalka, sida uu hore loogu sheegay qoraal DP World soo saartay “Waxaan gelinay lacago maalgashi tiro badan sannadahii aanu joognay, oo kaalin weyn ka qaatay koboca dhaqaalahooda iyo nolosha dadkooda.” Ayaan ka baaqsan doonin hadimaynta heshiiska DP World iyo Somaliland, mar walbana ku dedaali doona, siduu u dhicisayn  lahaan una maraya dariiq kasta hirgelinta qorshahooda, taasoo la moodo in xilliganba  ifafaalahiisu ka muuqdo gudaha Somaliland, oo qaar ka tirsan warbaahinta dalkeena, shaqsiyaad ama xisbiyada dalkeenu qaarkood inay ku shaqeynayaan fulintiisa.

Wax kastoo cusub marka uu bilaabmo waxuu leeyahay caqabado ka horyimaada, oo dabiici ah ama kuwo loola badheedho oo cadow guddo iyo dibed-ba leh danno gaar ahna fulinaya kala hor yimaadaan, laakiin, wuu hirgalaan hadii loogu dhabar-adaygo, laguna socdo qorshahii lagu hirgelin lahaa, sidoo kale, heshiiska DP Worl iyo Xukuumada Somaliland oo ah guushii ugu weynayd ee dalka iyo dadka Somaliland gaadhaan 25 sannadood, ka dib markii ay madaxbanaanidooda la soo noqdeen, ayaan ka madhnayn inuu yeesho cadow badan oo guddo iyo dibedba leh, maadama danno badan oo dhinacyadaasi lahaayeen uga dhexmuuqanayn imaatinkiisu, ama dhinaca kale qaarkood u arkaan in hirgelitaankiisu guuldaro u yahay damacooda siyaasadeed.

Dhinaca kale, heshiiska casriyeynta dekeda Berbera oo shacabka Somaliland yihiin daneeyaasha koowaad ee faa’iidada u horeysa ka soo gaadhayso, xukuumada Somaliland oo hirgelintiisu u gelayso taariikhda, horena u sheegtay inaanay horumarinta Somaliland cidna u daba-fadhiisanayn iyo ugu dambayn xukuumada Imaaraadka Carabta iyo shirkada DP World oo talaabo kasta u qaadaysa inay kaga hortagto dhinac kastoo isku daya hagardaamaynta heshiiskan ayaa looga fadhiyaa inay la yimaadaan, qorshahii ay waajahi lahaayeen kuwa aynu ku magacaabi karno lib-gadka loo soo kiraystay inay qodxo hordhigaan hirgelinta heshiiskaa, inkastoo wakhtiganba, sida xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan dalka Imaaraadka Carabtu wado qorshe ay si dhow ugula soconayaan dhamaan dhinacyada u heelan hagar-daamaynta heshiiskooda dekedaa Berbera, isla markaana ka qaadi doona talaabooyinka ku haboon, inkastoo aan la shaacin waxay noqon doonaan.

Waxaan kaga baxayaa, heshiiska casriyeynta dekeda Berbera ee dhexmaray xukuumada Somaliland iyo shirkada DP World ee dalka Imaaraadka Carabtu wuu hirgeli doonaa, hadii Ilaah yidhaahdo, maadama shacabku soo dhoweeyey, niyadana ku wada hayaan inuu ku jiro dantooda iyo ta dalka Somaliland, waxaanse leeyahay, kuwa ugu adeegaya danno cadowga Somaliland ee gudaha iyo dibeda dhuuni maalmo ah iyo balanqaadyo rajjo saadambe inay dib ugu noqdaan damiirkooda, isna weydiiyaan, horumarka wadankooda iyo hagardaamada cadowgiisu, keebaa dhaxalka dambe yeelan  doona? Ilayn horaa loo yidhi, “Waxii rag u kaco, Rabbina aqbalo way rumaabaan, Insha alaah heshiiskanina wuu higeli doonaaye.