Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey

0
741

ddddBishii toddobaad ee sannadkii 2011kii, wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa faafiyey, wax lagu sheegay xog la soo koobay oo laga helay xamaamtii Usaama Bin Laadin. Laakiin sheekadan wargeysku qoray is-burinteedu sida dharaarta ayaa ay u caddayd. Tusaale ahaan, waxa ay tidhi, ‘Dhukumantiyadan uu wargeysku faafinayo waxaa laga soo ururiyey in ka badan Afar boqol oo warbixinno sirdoon ah oo lix toddobaad gudahood lagu akhriyey’ warbixintan waxaa lagu sheegay; in qoraallada la soo akhriyey ay ka digayeen dhagaro Al-Qaacida maaggan tahay oo haddana aan la caddayn; waxa ay tilmaamtay in ay jiraan dad tuhunno argagaxiso loo xidhay oo magacyadooda iyo warkooda laga helay farriimo E-mail ahaa oo Usaama Bin Laadin loo dirray’

Wargeyska Washington Post ma’ uu caddayn cidda ay yihiin ama darajada dadka la tuhunsan yahay ee uu sheegay in la qabtay, sidoo kale ma’ uu is waafajin faahfaahintaas iyo hadallada uu hore maamulka Maraykanku u yidhi, oo caddaynayey in dhismaha Abbottabad aanu lahayn wax internet ah. haddana wargeyska Washington Post waxa uu ku andacoonayaa jiritaanka boqollaal warbixinood, Washington Post waxa uu masuuliyiin Maraykan ah ka soo xigtay in qiimaha dhukumantiyada la helay aanu ahayn xogaha sirdoon ee ficilka loo rogi karayo oo keliya, balse sidoo kale ay yihiin xogo laga helayo fahamka badan oo la xidhiidha ururka Al-Qaacida”

Bishii Shanaad ee 2012kii, Xarunta la dagaallanka argagaxisada, oo qayb ka ah Akademiyadda Milateriga ee Maraykanka oo lagu magacaabo West Point, ahna koox cilmibaadhiseed oo gaar loo leeyahay, ayaa sii deysay turjumaado ahaa qandaraas ay dawladda Federaalka Maraykan kaga qaadatay turjumidda 175 bog oo ka mid ah dhukumantiyadii laga helay Usaama Bin Laadin gurigiisa. Laakiin waxaa yaab leh inwarfidiyeenka warbixintan akhriyey ay warbixintan ka waayeen gebi ahaanba masraxiyaddii la faafinayey maalmihii weerarka ka dambeeyey.

Patrick Cockburn oo wax ka qoray kala duwanaanshiyaha u dhexeeya sheegashadii hore ee maamulka Maraykanka oo ahayd in Usaama Bin Laadin uu ahaa caarada isku xidha xuubka mu’aamaradda iyo xogta ay xaruntani turjuntay waxa ay sheegayso oo ay ka mid ahayd in Bin Laadin uu ahaa ruux dhalanteed iskaga nool, oo xidhiidh aad u kooban la leh dunida ka baxsan guriga uu deggen yahay.

Sarkaalkii hawlgabka ahaa ee inoo warramayey, waxa uu dood ka keenayaa saxnaanta xogta ku jirta warbixinta ay soo saartay xarunta West Point, “Ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya dhukumantiyadan iyo xarunta la dagaallanka argagaxisada ee CIA. Kuma jiro wax falanqayn iyo lafagur ah oo ay sirdoonku ku leeyihiin. Waxaa is weydiin leh; Goorma ayaa ay CIA sheegtay in ay heshay xogo sirdoon oo sidaas u muhiim ah? Goorma ayaa ay sii deysay xogahaas? Maxaa ay u sheegi weyday hannaanka ay u martay kala hufidda iyo soo xulista macluumaadkaas ku jiray xamaamta iyo dhukumantiyada Usaama gurigiisa laga soo qaaday? CIA ma sheegtay waqtiga ay qaadatay soo saarista warbixintan la soo xulay? Mase sheegtay cidda u qaabilsanayd lafagurka iyo soo ururinta xogtan iyo goobta lagu sameeyey midna? Maxay u faafisay xogtan u soo baxday ee xasaasiga ah iyada oo aan la qaadin tallaabooyinkii ay ahayd in ay ka dhashaan?”

Su’aalahan oo dhammaantood muujinaya sida uu madow ugu jiro warbixinta uu wargeysku faafiyey, halka uu ka helay iyo sida uu u helay, taasina ay raadayn ku yeelanayso xaqiiqada waxa uu qoray, waxa uu sarkaalka CIA halwgabka ka noqday ee xogtan bixiyey jawaabtooda ku soo koobay, “In aanay sirdoonka xirfadda lihi marnaba aqbaleen oo aanay taageereen sheeko baraleydan”

***

Aynu ku noqonno bishii Lixaad ee sannadkii 2011kii, wargeysyada New York Times, Washington Post iyo dhammaan warbaahinta dalka Baakistaan ayaa qoray warbixin sheegaysa in Amiir Casiis ay qabteen ciidamadda ammaanka ee Baakistaan si ay su’aalo u weydiiyaan; waxaa warbixintan lagu sheegay in Janaraal Amiir Casiis uu yahay Basaaska u shaqaynayey CIA ee basaasayey cidda gasha ama ka baxda guriga uu Usaama Bin Laadin deggenaa. (Hore ayaa aynu u soo sheegnay in Janaraal Amiir Casiis uu ahaa dhakhtarka daweeyey Usaama Bin Laadin markii Baakistaan qabatay isla markaana fududeeyey in DNA laga helo Usaama” Laakiin Casiis markiiba waa la sii daayey.

Sarkaalka sirdoonka Maraykanka hawlgabka ka noqday ee xogta siiyey qoraaguna waxa uu dood ka keenay cidda bixisay warka sida aadka u heer sarreeya loo ilaaliyey, ee la xidhiidha in uu Casiis ku lug lahaa hawlgalkan.

Saraakiisha Washington ayaa ku adkaystay, in aanay rumaysan karin, in ay jirtay haba yaraato ee fursad lagu ogaan karayey xogta ah in uu Amiir Casiis kaalintaas ku lahaa soo helidda DNA ga USaama Bin Laadin. (Taas oo macnaheedu yahay in xogta doorka uu Amiir Casiis ku lahaa arrintan aanay jirin cid ka baxsan masuuliyiinta muhiimka ah oo warkaas sirta ah laga heli karayey).

Cid bixisayba, markii ay kaalinta Amiir Casiis ku lahaa hawshani dibadda u soo baxday, waxa ay masuuliyiinta sirdoonka Maraykanku durbadiiba ka fikireen sidii ay ninkooda (Amiir Casiis oo u basaas ahaa) ku badbaadin lahaayeen, waxa aanay soo heleen ciddii lagu furan lahaa. Sidaa awgeed sirdoonnada Maraykanka iyo Baakistaan cidda uu Amiir Casiis ku sadqeeyey waxa ay noqotay Shaakil Afridi. La soco…