Wasiirka Khaarajiga Oo Beeniyay In Madaxweyne Siilaanyo Guri Ka Dhisanayo Oo Uu Degayo Dalka Imaaraadka

0
511

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa beeniyay war sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo guri ka dhisan doono dalka Imaaraadka Carabta, marka uu wareejiyo talada Somaliland ka dib doorashada 2017.

sacad

Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii u dambeeyay baahiyay in dalka Imaaraadka Carabtu Madaxweyne Siilaanyo u ogolaaday inuu guri ka dhisto magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, taas oo uu wargeyska Indian Ocean isku xidhiidhiyay heshiiska dekedda Berbera iyo guriga Madaxweynaha. Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo uu waraysi la yeeshay agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Ilig, ayaa mar uu weriyuhu wax ka weydiiyay warkan uu wargeyska Indian Ocean baahiyay wuxuu Dr. Sacad yidhi “Wax alaale iyo wax warkaa ka jiraa ma jiraan, madaxweynuhu uma baahna anuu kolay sidaan arkaayo inuu Dubai dego uma baahna xitaa haddii uu degaayo  uu isagu iskii u degaayo inay noqoto wax ku xidhan heshiiskan. Heshiiskan wax shuruuda oo ku xidhani ma jiraan, heshiiskan wuxuun baynu kala saxeexanay waxa meesha ku qoran, meesha kuma qorna madaxweynuhu Dubai buu soo degayaa, xaalad caafimaad baa laga daryeelayaa waxaasi kuma qorna qayb ka mid ah maaha heshiiskan. “

Wasiir Sacad, wuxuu kaloo baahiyay warar kale oo uu wargeyskaasi baahiyay oo sheegaya in qandaraasyo hoose oo la xidhiidha dhismaha dekedda Berbera la siin doono safiirka Imaaraadka u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo Madaxweyne Siilaanyo soddog u yahay. “Arrinka la xidhiidha qandaraasyada iyo heshiisyada hoose eek an ka sii farcamayo ee la siinayo wakiilkeena Imaaraadka, wax arrinkaasna ka jiraa ma jiraan. Heshiiskan waxa wada galaya dawladda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka oo ay wakiil ka tahay Dubai World.”