Guddoomiye Cirro Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
516

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ahna hoggaamiyaha mucaaradka Somaliland ayaa ka hadlay heshiiska Dekadda Berbera.

12-6-740x493

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo shalay ka soo laabtay safar uu muddo ugu maqnaa dalalka Mareykanka iyo Kanada, ayaa waxa si balaadhan oo diiran u soo dhaweeyay taageerayaasha xisbiga Waddani oo iyagoo baabuur calanka Waddani ka lusho wata buux dhaafiyay duleedka madaarka Hargeysa.

Guddoomiye Cirro, wuxuu u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay  “Dhammaan shacbiga reer Somaliland ee  halkan(Madaarka Hargeysa), nagu soo dhaweeyey ee isagu jira mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Waddani aad ayey u mahadsan yihiin, waxaana aan uga mahadnaqeynaa soo dhaweynta diiran ee ay na soo dhaweeyeen, waxaana aan lee nahay mar kale aad ayaad u mahadsan tihiin. ILLAAHAY ayaana aanu ugu mahadnaqeynaa in aanu dalka si nabad-galyo ah ugu soo noqonay.”

 Guddoomiyaha Golaha Wakiilada mar uu ka hadlaayey ujeedada safarkiisa ayaa yidhi “Waxa aanu ku maqneyn safar illaa muddo bil ah qaatay, oo runtii ahaa safar shaqo qarana, waxaanu tagnay dalalka Mareykanka iyo Kanada, waxaana aanu dawladda Mareykanka kala kulanay wasaaraddeeda arrimaha dibadda, Kongeraska iyo Senatka labadaba, waxa kale oo aanu la kulanay mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ba, ana oo kulano la qaadanay mas’uuliyiinta gobalada  aanu maraynay, hadday yihiin Kongaras iyo haddii ay Senatarkooda yihiin ba. Sida oo kale isna dalka Kenada waxa aanu la kulanay Mas’uuliyiinta iyo Senatka. Intaa waxa noo weheliyey in aanu iyagana la kulmay guud ahaan jaaliyadaha reer Somaliland dhammaantood magaalooyinkii aanu tagnay, waxa kale oo aanu la kulmaynay madaxda Xisbiga iyo Laamahooda, ama oo shacabka reer Somaliland-na xuskii sannad guurada 25aad ee 18ka May, aanu kala qeyb-galnay shacabka reer Kanada ee ku dhaqan magaalada Toranto, waxaana aanu shacabka Somaliland ku hambalyeynaynaa maalinta qaranka, ciid wanaagsan ayaanu lee nahay.

Waxay nala  tahay in Xukuumadda Somaliland hadda jirta ama ta imanaysa qurbo joogooda iyo shacabkoodu haddii ay iskaashadaan in wax badan ka bedeli karaan sida ay hadda tahay”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada mar uu ka hadlaayey Xuskii 18-may iyo hadalkii ayaa yidhi “18 may waa maalintii Qaranka waa maalintaydii, waa maalintiini, waa maalintii Somaliland, Somaliland waxay leedahay taariikh weyn oo ka horeeysy 18-may, waxaynu gobonimadeena qaadanay 26-june, oo waad ka warqabtaan, waxaynu la soo noqonay 18-may gobonimadii aynu qaadanay 26-june, waa in la ixtiraama 18-may, waana  in  la ixtiraamaya taariikha kala ee Somaliland, tii Daraawiishta ayaa la ixtiraamaya, Somaliland waa la wada leeyahay”.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu mar uu ka hadlaayey Heshiiska Dekadda Berbera ayaa yidhi “Horumarka Somaliland waanu taageersan nahay boqolkiiba boqol, waxaanu qabnaa in aanu cid kasta uga lexe jeclo badan nahay, Dekadda Berberna waxa aanu Xukuumadda ku nidhi Barlamaanka keen, waxaad Dekadda ku saxeexday, ee aad uga wakiil tahay, wax kasta sharci ayaa loo raacayaa, ama wareejin ha noqdo haddii wax la wareejinayo sharci baa lagu wareejinaya haddii sharci daro lagu wareejinayo sharci maaha.”