Dharaaro Xusuustood Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 48aad

0
666

eeeeMidabkaaga kii neceb

Madawgaaga kaan rabin

Kiisana ha meel marin

Marxuun Cabdi Muxumud 1974

Sawirkani dhagaxa la qoray ah, waxa laga soo saaray meel xeebta Laas-qoray ah. Waxa ka muuqata far. Waa sawirkii ama xaradhkii ugu horreeyey ee far ay ku qoran tahay ee arladda Soomaalidu degto ilaa hadda laga helay!

Sida Xeel-dheerayaasha sheegeen, fartan waxa markii u horreysay laga helay dalka Eretria. Fartan waxa lagu adeegsan jiray Koonfurta Yemen maamulladii ka tisqaaday ee kala ahaa Sabyaaniinta, Ximyariinta, Qabyaaniinta , Hadaramootiyiinta. Waxa kale oo ay la hayb tahay oo ka soo farcamay farta Amxaarada iyo Tigreyga.

Waxa ay xidhiidh fog la leedahay farta Cibriyiinta iyo farta Giriigga, waxa lagu hilaaday in la adeegsan jiray 900 oo sanno dhalashadii Nebi Ciise (CS) ka hore (900BC) ilaa qarnigii afraad (400AD) dhalashadii Nebi Ciise (CS) kadib. Fartaas waxa la odhan jiray Almusanad, farta Carabiga ee hadda jirta waxa la yidhaahdaa Aljasam. Waxa lagu dooddaa inta Aljasam ka soo jeeddoo farta gabawday ee hore ee Almusanad.

Haddaba, haddii dad kala duwan oo kala af ahi ay fartan adeegsan jireen, qoraalkan laga helay xeebta Soomaalida afka ku qorani ma afkan Soomaaliga ah baa? Mise waa af hore oo Soomaaliga la hayb ah? Mise waa af kale? Dadka sawirradan sameeyey ma Soomaali hore miyaa? Mise waa dad aan shaqo ku lahayn oo meesha degi jiray? Waa su’aalo u baahan baadhitaan dhab ah, si fudud loogama jawaabi karo, balse waxa cad in arladan weligeed aanay ahayn meel dad Reer Miyi ah oo xoolo dhaqato uun ahi ay ku noolaayeen ee ay marar ahayd meel ilbaxnimada adduunka qayb ka ah.

Sawirkani dhagaxa la qoray laga soo qaaday, waxa uu muujinayaa laba qof oo mid dumar yahay midna rag yahay oo laga yaabo inay dad madax ah ahaayeen sida Boqor ama Boqorad. Sawir dhagaxan waxa ku xardhan ama ku qoran fartii aan soo sheegnay ee Musanad. Saddex xaraf ayaa ku qoran oo fallaadho muujinayaan.

Fartan waxa loo qoraa midig ilaa bidix iyo markii la doono dhinaca bidixda ayaa laga soo bilaabaa. saddexda xaraf ee dhagaxa sawirkan ku qoran ee fartaas ah oo markan dhinaca midig laga soo bilaabay sida xarfuhu u jeedeen, waxa ay kala yihiin, (M), (Dh) iyo hamsa (‘).

Haddaba, haddii laga dhawaajiyo shibanaayaashaas oo shaqal la dhex geliyo amase la xarakeeyo, maxaa ka soo baxaya codayntaa? (Mudha’, Muudhe’, Madhe’, Maadhe’, Medhe’, Meedhe’, Midhe’ Miidhe’, Modhe’ moodhe’)Intii suurtagal ah rogrog, qaar ayaa micne samaynayaa qaarna ma samaynayan, waase wada suurtagal.

Erayga Mudh’, waa erey Soomaali ah oo la micne ah ‘Muuqday’  marka “ Mudhe” waa kii ka muuqday wixii ag joogay ama ka soo baxay. Waxa jira magacyo Soomaali ah oo habkaas ah sida “Dhala-mudhe” oo loo bixiyo qofka dheer.

Haddii markaas aan u xaglino dhinaca Af-Soomaaliga, (illeyn meesha laga helay sawir dhagaxeedku waa carri Soomaaliyeed eh), sida kale taariikhda dadku markasta waxa saldhig u ah Afrika, taas oo gibilcaddo qariso. Si aynu uga hortagno kibirka iyo islaweynaanta Khawaajaha waa inaan ku adkaysanaa inay dad madaw oo Soomaali ah ayey ahaayeen.

Midabkaaga kii neceb,

Madawgaaga kaan rabin,

Kiisana ha meel marin…

Marxuun Cabdi Muxumud 1974. Waxa erayada ku xardhan ama ku qoran sawir dhagaxani yihiin, Mudhe’ oo la micne ah Buruc (Ma xusuusataa Buruc-bacayr iyo Aw Barkhadle?) ama Furuc oo ka soo jeeda Fircoon.

Haddii aan sii jiidno oo xarafka “Dh” u rogno “R” sida ku badan af Soomaaliga markuu joogo bari, waxa uu noqonayaa “Mure.” Waxa yaab ah waxa jira magacyo qadiimi ah oo aan la aqoon oo barigaas lagu soo qaado mar mar, sida “Mure-Sante iyo Mure-Case” oo beelo magacyo kale leh mar mar lagu sheego, intaan la qaadan abtirsiga Sheekhyada Carabta ah.

Cafartu iyana waxay leeyihiin magacyadaas sida Casa Mure iyo Cadde Mure (Moore ama More waa loogu dhawaaqi karaa oo shaqalku waa doorsoomaa). Mure Sante waa Boqorkii wanaagsanaa ama fiicnaa, erayga “San” waa wanaag, hagaag, caafimaad. Afka laatiinka ayaa qaatay oo Sanita, Sanitation ka soo dheegay. Haye maxaa ku baxay Boowe!!.

Xarfaha sawirkan ku xardhan waa (Q, T iyo Xariiq soo xidhaysa eryga oo ah I). Marka shaqalo la geliyo shibanayaasha oo lagaga codaysiiyo ama la xarakeeyo, waxa soo baxaya eraygan oo kale “Qat, Qaat, Qot, Qoot, Qut, Quut, Qet, Qeet, Qit, Qiit) qaarkood micne ayey leeyihiin qaarna lama adeegsan, waase wada suurtagal, xagga koritaanka afka.

Haddaba, haddii aan soo qaadano eryga Qat, waa erey dhinaca bariga lagaga hadlo. Marka qof hadal la yaabo oo uu garanwaayo waxa uu ku dhawaaqaa (Ari Qat, Qat, Qat). Waxa jirta odhaah reer badeedku leeyihiin oo ah; “Ma Illaahay ayaan tawakalnaa, oo badda ayaan marnaa, mise berriga ayaan sii qat, qatiinaa.” Micnuhu waxa uu sheegayaa marka berriga la maro waa la sii googoosan karaa socdaalka oo hadba masaafo ayaa la goostaa oo la socdaa deeto waa la nastaa. Qat iyo Qat-qatiin, micnuhu waa googoosad ama googoyn. Sidaa darteed, Qat waa goy.

Baddaa doonbaa maraysaa,

Doonbaa maraysaa,

Jaawi iyo cuudbay sidaayeey,

Sheekada waa qatqatiinaynaa. Hadda sawirkan dhagaxa la qoray laga soo qaatay; waxa uu u eg yahay alaabta ragga oo la xalaaleeyey ama la guday ama la qatiinay. Marka Qat iyo Gud waa isku micne. Afka Carabiga oo ka soo dheegmay afafka Kushitiga ee Soomaalildu ka mid yahay gudniinka waxay yidhaahdaan Khitaan.  Xarafkii Q ayaa Kh isu beddelay sida aynu Qayr iyo Khayr isugu beddelno.

Marka haddii aan sawirkii ku soo noqono waa xukun faraya gudniinka ragga, taas oo caado oo noqotay dadka reer Afrika qaarkood markii dambana diimaha Tawraadda iyo Islaamkuba ku dhaqmeen. Hadda ayaa Khawaajayaashu sheegeen in ragga la qatiimo ee la gudo ee balagta laga gooyo inuu ku yar yahay cudurka dilaaga ah ee la yidhaahdo (AIDS). Waxa kale oo sawirku noqon karaa shaabad oo Afka Carabiga Khatam. Micnihii waa isla go’aan.

Sawirkan dhagaxa ku xardhani, waxa uu ka mid yahay aataarta laga helay meel xeebta Laas-qoray ka mid ah. Xarfaha ku hoos qorani waxay noqonayaan sidan.

Sadarka kowaad waa (W, ‘, M, Y, H, T), sadarka labaad waa (G, D, h, Dh, R).

Haddaba sadarka koowaad marka shaqalo la geliyo ee la xarakeeyo waxa uu noqon karaa Wa’ may xit, sadarka labaad waxa uu noqon karaa Geed xi dheer. Sawirku waxa uu tusayaa dameer guri ku ag xidhan. Dameerku wax ka qaylo dheer, qofkii guriga ku jiray ayaa ka cawday madaarkii bahalka.

Akhistaw magaca xayawaankani waxa uu Af-Soomaali ku ahaa markii hore hadda Madeer ee xarfaha ayaa kal hormaray sidaas ayuu magacii dameer noqday. Haddii aad asalka labada erey ee kala ah “Mad” iyo “Dam “ aad ku noqoto dam waa mugdi iyo ilays la’aan, halka mad ay tahay dhawaaq iyo hadal iyo qaylo. Marka bahalko waa Madeer.

Haddii aan ku soo noqono sawirkii, weedhii ku qornayd waxay ahayd wa’ may xit geed xi dheer. Af soomaaliga maanta lagu hadlo waxay weedho u qormaysaa war may xidheen geedkan cida dheer. Maxaa ku baxay Boowee! Oo illeyn waa hore ayaa la qori jiray Af-Soomaaligii. Fartaas hore waxay lahayd dhawr cod oo ah (D, iyo S, H) ah; halka farta hadda la qaatay ay D iyo Dh iyo S qudha ay leedahay, Codad badan ayaa ka maqan fartan hadda la adeegsado.