Shirkada Somtel Oo Macaamiisheeda Usoo Bandhigtay Deeq- Waxbarasho Jaamacadeed Iyo Moobilo Casri Ah

0
565

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Casriga ah Ee somtel ayaa shalay Xarunteeda dhexe ugu soo bandhigtay Macaamiisheeda Deeq-waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah iyo waliba Moobilo Casri ah oo lagu isticmaalikaro Adeegga 4Glus.

s5

Haddaba Ugu horayn Halkaas waxa ka hadlay Maxamed Rooble Oo ah Madaxa waaxda suuqgaynta shirkadda somtel waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Maanta waxa aanu macaamiishayada usoo bandhigaynaa Adeeg cusub oo la magac baxay Hadal Oo Hel Deeq waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah iyo waliba Deeq waxbarasho Dugsi sare aanu ugu talagalnay Ardayda dhigata Dugsiyada Sare ee Dalka intaas waxa dheer oo aanu Macaamiishayada ku abaalmarindoonaa Moobilo casri ah oo ah noocii u dambeeyay oo aad ku isticmaali kartaan Adeegga somtel Qaybta hadalka iyo Qaybta Internetka gaar ahaana 4G plus  hadaba Barnaamijkan cusub ee la magac baxay “Hadal oo Hel Deeq-waxbarasho oo bilaash ah iyo Moobilo casri ah” waxa uu toos u bilaabmay maanta oo taariikhdu tahay 25-05-2016 ilaa  25-08-2016 waxaanu socondoonaa Muddo saddex bilood ah hadaba waxa is waydiin mudan sidee loogu guulaysan karaa Abaalmarintan aad ka u qaaliga ah macmiilkasta oo isticmaala oo ku hadla kaadhka somtel waxa uu jaanis u helikaraa maalin kasta in uu ka mid noqdo Guulaystaha maalintaas iyada oo maalin kasta la bixindoono Hal Moobile oo casri ah oo ah noocii u dambeeyay oo aad ku isticmaali karto 4G plus, sidaa darteed macaamiisha waxa aanu ogaysiinaynaa saddex qodob oo kaliya si ay uga mid noqdaan Guulaysteyaasha Maalin kasta.

Waa In macmiilku Somtel ku hadlay 24 kii saacadood ee u dambeeyay

Waa in macmiilka numberkiisu furanyahay si loola hadlo looguna sheego abaalmarinta uu ku guulaystay iyo nooca ay tahay ,hadii numberkaagu xidhanyay waxa waxa loo wareejindoonaa macmiil kale.

Waxa kale oo muhiim ah in numberkaagu E.Dahab uu leeyahay.

Waxa ay ka koobantahay Abaalmarintan aanu ugu talagalnay macaamiishayada

Deeq-waxbarasho jaamacadeed oo Dalka ah waxaana ku guulaysandoona 6 Macmiil

Deeq waxbarasho Dugsi sare Oo Dalka ah waxaana ku guulaysandoona 2 Macmiil

Moobile casri ah (Smartphone) waxaana ku guulaysandoona 90 Macmiil

 Dhinaca kale waxa Madashaas ka hadlay Madaxa waaxda suuqgaynta ee Shirkadda Somtel Khadar Abdirahman Abdilahi waxaanu ugu horayn u mahad celiyay macaamiisha shirkadda somtel isla markaana waxa uu ugu bushaareeyay Macaamiisha Somtel in shirkadda somtel u samaysay qiimo dhimis ah 50% Adeegga casriga ah ee 4Gplus oo markii hore qiimihiisu uu ahaa $100 in hadda macaamiisha looga dhigay $50 waxaana laga helikara dhammaan xarumaha Somtel ee Gobolada iyo Dhammaan xarumaha Somtel ee magaalada Hargeysa, waxaanu macaamiisha somtel ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan qiimo dhimistan oo socondoonta muddo kooban.

 Ugu dambayn waxa munaasibaddan soo xidhay Awil Saalax Cabdi oo ah Madaxa Suuqgaynta Shirkadda Dahabshiil Group waxaanu iftiimiyay Dadaalka badan ee shirkadda somtel iyo Guud ahaanba Dahabshiil Group ay ugu jirto dhiirigalinta Arimaha Bulshada sida la dagaalanka Tahriibka oo ah aafo Qaran oo dhibwayn ku haysa Bulshada sidaas darteed Somtel waxa ay barnaamijkan Deeqdan oo ah wax barasho jaamacadeed ugu talagashay in ay ku dhiirigaliso Dhalinyarada awoodi kari wayday in ay sii wataan Dadaalkooda waxbarasho taas oo somtel ay ka kafaalo qaadidoonto dhalinyarada  ku guulaysata barnaamijkan Deeqda waxbarasho kharashka Jaamacadda iyo waliba in ay ku guulaysandoonaan moobilo casri ah oo ay si fudud ugu isticmaalikaraan Adeegga internetka, dhinaca kale Dahabshiil Group waxa ay sanad walba shaqaalaysiisaa Dhalinyaro aad u tiro badan oo ah dhalinyarada aqoonyahanka ah ee kasoo baxda jaamacadaha Dalka iyo kuwa dibadaba si ay shaqo abuur ugu samayso bulshada.