Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo Soo Dhaweeyey Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera

0
546

Hargeysa:(Geeska)-Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo u halgama inuu mar uun Somaliland madaxweyne ka noqdo, ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin maal-gashiga dekedda Berbera, wada-hadallada Somaliland iyo Somalia iyo waliba qoddobo kamid ah barnaamijkiisa siyaasiga ah ee uu maagan yahay inuu dalka ku hoggaamiyo.

wwww

Cabdiqaadir oo maalintii shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn si hufan uga hadlay  heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda DPWorld ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta, taas oo lagu wado inay dhawaan casriyeyn ku bilowdo marsada Berbera.

Cabdiqaadir Cali Obsiiye, waxa uu ugu horrayn soo dhaweeyey heshiiskaas, waxana uu si cilmiyeysan u sharraxay sida uu heshiiskaasi ku  manfac badnaan lahaa,“Dekedda Berbera iyo heshiiska Imaaraadka lala galay Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Maan Rag Waa Muducyo Afkood, qof waliba si buu u arkayaa, laakiin anigu waxan odhan lahaa Imaaraadku waa dawlad weyn oo dhaqaale leh, heshiiskaasina waxa uu maanta ku qurux badnaan lahaa inagu dad iska masaakiin ah baynu nahaye inay maanta intaas inagu caawiyaan oo ay inaga daayaan wadaagan ay inala galeen, taasaana iyaga iyo innagaba u qurux  badnaan lahayd.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.

Cabdiqaadir, ayaa carrabka ku adkeeyey in heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda dekedda Berbera maalgelin doontaa uu bilow u noqon doono maalgashiyo cusub oo dalka usoo kordha, waxana uu yidhi,“Maalgashigu waa waxa lagu gaadho horumarka, waxana aan aaminsanahay in lasoo dhaweeyo sababtoo ah waxan eegayaa mustaqbalka soo socda, waxana jira shirkaddo badan oo caalami ah oo ina aamini ah oo meelahaas inaga soo quud-darraynaya, laakiin waayey cid ay ku daydaan, heshiiskanina waa wixii aynu kusoo jiidi lahayn. Dadkana waxan leeyahay maanta yaan la eegine berry iyo waxyaabaha kale ee inoo soo socda halla eego.”