Ururka Tagsiilayaasha Madaarka Cigaal International Airport Oo Soo Bandhigay Adeeg Cusub

0
554

Hargaysa (Geeska)-Ururka Tagaasida Madaarka Cigaal ee la yidhaa Ayaan   Airport Tax, ayaa maanta Barxada hore ee Madaarka Cigaal International Airport ku soo bandhigay Adeegyo cusub oo ay ku soo kordhiyeen shaqadooda oo ah Dirays ay u sameeyeen Darewaliinta Tagaasida, Calaamad Gaar ah oo ay u sameeyeen Baabuurta, iyo Sharci dhexdooda ah oo ay samaystee,  Waa markii ugu horaysay ee ay talaabadsan hore u qaadaan Tagsiilayaasha Madaarku arimaha noocan ah.

13240026_1716456168571667_2439558378493321036_n

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sh Maxamed Faarx oo Munaasibadan ka qayab galaya ayaa aad u soo dhaweeyay qorshan, isaga oo ka hadlaayana waxa uu yidhi:-“ Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aad Shuruuc Samaysateen Nidaam Samaysateen, Madaarada Caalamka oo dhami Shuruucdaas ayey leeyihiin, marka wax la samaynaayo in Maamul loo sameeyo oo Nidaam loo samyeeyo, Sharci loo Sameeyo, oo Sharcigaa loo hogaamsamo oo la isku Ixtiraamaa way haboon tahay.”

Wasiirku waxa uu ku booriyey Tagsiilayaashas in ay ku dhaqmaan Sharciga dhexdooda kala hagaaya ee ay isla qaaten, waxaanuu yidhi:-“ Waxaan idinku Boorinayaa waxa weeye Nidaamkaas aad samaysateen, shuruucdaas aad samaysateen waxanaan jeclahay in aad ku dhaqantaan, waa wixii aan uga Gonay Xamar in aan shuruuc, Nidaam, Distuur iyo Dawlad Samaysano.”

Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport  Maxamed Yusuf Ismaaciil  ayaa  ku booriyey qorshahan Cusub ee ay  ku talaabsadeen Tagsiilayaashu, waxaanu yidhi:-“ Maanta Munaasibadan ama Kulankan, waxan Jeclahay in aynu ku Daah furno laba qodob oo aan hore Madaarka uga jiri jirin, qodobka 1aad waa Tagaasidan u adeega Dadka Madaarka ka soo degaaya, iyo kuwa ka dhoofaaya, hawshan waxaa kow ka ah Nidaamkii Sharcigii idinka idin kala hagaayey, qodobka 2aad waxa weeye Tagsiilayaasha ka hawal gala Madaarka wax Dirayas ah may lahaan jirin, waa Ilaahay Mahadii  iyada oo aan Wasaarad iyo Madaarna idinku Caawin in aad samaysataan Dirays iyo Nidaan Maanta, si aad ula jaanqaadaan Madaarka intiisa kale.”

Ayaanle Maxamed Xasan oo ah Guddoomiyaha Ururka Ayaan Airport Tax ayaa isagu iftiimiyey qorshaha Cusub ee ay soo bandhigeen, iyo sababaha ku kalifay.