Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 13aad)

0
609

wwwwShan maalmood kadib weerarkii uu Maraykanku ku qaaday guriga Usaama ka deggenaa magaalada Abbottabad ayaa warfidiyeenka ka hawlgala wasaaradda difaaca Maraykanka waxaa loo qaybiyey cajalado maqal iyo muuqaal ah oo taxane ah, kuwaas oo masuuliyiinta Maraykanku ay ku sheegeen in ay qayb ka ahaayeen xamaam badan oo ay ciidamada SEALS ka soo ururiyeen kaamboolka uu deggenaa Usaama, waxa kale oo ay sheegeen in ay ka soo qaadeen 15 Kombiyuutar. Muuqaal kooban oo Filimada la qaybiyey ka mid ah ayaa laga arkayey Usaama Bin Laadin oo aad u taag-daran oo buste inta uu huwaday, daawanayey wax u muuqda Fiidyow isaga qudhiisa uun laga duubay mar hore.

Sarkaal aan la magacaabin ayaa wariyeyaasha u sheegay in weerarkan Maraykanku ku qaaday guriga Usaama lagu soo helay kayd kala duwan oo aad u badan… waxa aana lagu sheegay in uu yahay kaydkii iyo xamaamtii ugu badnayd ee abid laga helo masuul sare oo ah Al-Qaacida iyo guud ahaan waxa ay Maraykanku argagaxisada ugu yeedhaan. Taas oo suurtogelinaysa in xog aad u badan oo weliba khatar ah laga helo qorshayaasha hoose ee Al-Qaacida.

Masuuliyiinta Maraykanku waxa ay sheegeen in dhukumantiyadan iyo raadadka kala duwan ee laga helay gurigan Usaama lagu dilay ay muujinayaan in Usaama Bin Laadin uu weli ahaa hoggaamiyaha gacanta ku haya talada Al-Qaacida, ee bixiya qorshayaasha iyo Istaraatijiyadaha hawlgallada iyo xeeladaha loo marayo. Waxa ay Maraykanku ku andacoodeen in Usaama aanu ahayn hoggaamiye sare oo keliya, balse uu illaa heer gacanta kula jiray agaasinka iyo isku-dubaridka hoose iyo xitaa Tabaha iyo xeeldaha hoose ee maamulka Al-Qaacida, si uu u dhiirri geliyo waxa uu Maraykanku ku sheegay dhagaraha ururkiisa”

Gurigan Usaama lagu dilay oo markan dambe ay wasaaradda difaaca Maraykan ku sheegtay in xarunta dhexe ee looga talinayey Al-Qaacida iyo taliska Abbottabad ee awaamirta laga bixinayey. “Waxa uu si firfircoon oo buuxda kaalin ugu lahaa hawlaha socda, sidaa awgeed hawlgalkan aanu ku dilnay waxa uu muhiim u yahay amniga qarankayaga” sidaa waxaa yidhi sarkaalka Maraykanka ah, isaga oo intaas ku sii daray in xogta ay heleen ay aad u khatar badan tahay, sidaa awgeed uu maamulka Maraykanku dhisay guddi farsamo oo kala gurta. “Ma’ uu ahayn qof shaqadiisu keliya ku koobnayd qorshaynta Istaraatijiyadda Al-Qaacida, ee sidoo kale waxa uu ku soo kordhinayeyba afkaar dhinaca hawlgallada ah, waxa aanu si gaar ah toos ugu maamulayey xubno Al-Qaacida ka mid ah” ayaa uu yidhi sarkaalkani.

Sheegashadani waxa ay ahayd mid been abuur iyo buun-buunin ah: Usaama Bin Laadin hawlo badan oo uu gacanta ku hayey ma’ay jirin, wax uu u taliyo iyo maamul uu hayeyna ma’ uu jirin. Sarkaalkii hawlgabka ka noqday sirdoonka Maraykanka ee qoraaga u warramay, waxa uu sheegay in wararka gudaha ee CIA ay muujinayaan in tan iyo markii Usaama Bin Laadin ay sirdoonka Baakistaan keeneen Abbottabad sannadkii 2006kii ay faro-ku-tiris yihiin weerarrada agagaxiso ee loo tirin karo ama lagu xidhiidhinayo hadhaaga raggii Al-Qaacida ee sida tooska ah ugu xidhnaa Bin Laadin. “Bilowgii waxaa la’ noo sheegay in ciidamada SEALS ee gudaha u galay guriga Usaama ay ka soo gureen jawaannada qashinka loogu talogalay oo xamaam ay ka buuxdo, iyo in sirdoonku uu maalin kasta warbixin ka soo saari doono hadba wixii cusub ee uu ka helo xamaamtaas baadhitaanku ku socdo. Haddana markii dambe waxaa la’ noo sheegay in masuuliyiintii sirdoonka ee hawshaas loo diray ay marka hore ururin doonaan waxa ay helaan oo dhan, kadibna ay u baahan doonto in la turjumo. (Afingiriisi laga dhigo, maadaama oo ay Carabi ku qoran tahay). Laakiin haba yaraato ee waxba kama ay soo bixin baadhistaas” sidaas waxaa yidhi sarkaalka hawlgabka noqday oo xilligaas shaqaynayey, waxa aanu intaas ku sii daray, “Been kasta oo ay soo dhoob-dhoobaan, waxa ay ku dambaysaa in la fahmo. Waa khiyaamo weyn”

Sarkaalkan hawlgabka ah ee xogtan bixiyey waxa uu sheegay in dhammaan xamaamta iyo dhukumantiyada laga helay Guriga Usaama, waxaa Maraykanka ku wareejiyey Baakistaanida, oo markii dambana dhulka la simay gebi ahaanba dhismahan Usaama deggenaa.

Waxa kale oo xusid mudan in Sirdoonka Baakistaan uu qaaday masuuliyadda masiirka xaasaskii Usaama Bin Laadin iyo carruurtiisii, Maraykankana uma ay ogolaan in ay mid keliya oo ka mid ah waraystaan.

“Annaga ayaa abuurnay sheekada waraaqaha kaydka ahaa ee laga helay guriga Usaama” sidaa waxaa yidhi sarkaalka hawlgabka ah.  isaga oo sii faahfaahinayana waxa uu intaas ku daray, “Guriga Cad, waxa uu ku qasbanaaday n uu dadka tuso macne ah in Bin Laadin uu weli muhiim ahaa oo hawlgallada Al-Qaacida door ku lahaa. Haddii aanay sidaas ahayna maba’ ay dileen Usaama?” Sheeko arrintan lagu daboolo ayaa la’ malo-awaalay, taas oo ah in ay jireen shabakad dhambaal-qaadayaal ah, oo Kaadhadhka xusuusta ee Kombiyuutarka lagu isticmaalo (Memory Sticks) Usaama iyo Masuuliyiinta dibadda joogta ee Al-Qaacida ugu kala qaadi jiray awaamirta iyo warbixinaha. Waxan oo dhan waxa uu Maraykanku u sameeyey in uu muujiyo in Bin Laadin uu weli muhiim ahaa” La soco…