Mucjisooyinka Saddex Xagalka Bermuuda: 10 Xogood Oo Laga Yaabo In Aanad Hore U Maqal (1)

0
684

dddWashington (Geeska)- Shil kasta oo diyaaradi ay biyaha badda ama badweyn ku dhacdaa waxa uu mar kale innagu soo celiyaa xusuusta boqolaal qiso oo la xidhiidha magaca Saddex Geeska Barmuuda; diyaarado dul maray oo la waayey raadkoodaba, iyo doonyo markii ugu dambaysay halkaas marayey oo aan illaa maanta wax war ah oo dambe laga maqal.

Mar kale ayaa qisaska mucjisada u eeg ee Saddex Geeska Barmuuda dib ugu soo noqdeen xusuusta kadib markii dhowaan la waayey diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada dalka Masar oo isaga gooshaysay magaalooyinka Qaahira iyo Baariis, qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaana aynu ku eegaynaa 10 xogood oo degelka Al-Masri Laayt ka qoray saddex xagalka Barmuuda.

10. Saddex Xagalka Barmuuda waxa uu ku yaallaa Koonfurta Bari ee gobolka Falooriida ee dalka Maraykanka, gaar ahaan dhinaca galbeed ee badweynta Atlaantigga, juqraafi ahaanna waxa ay u taallaa qaab u eeg shaxda saddex xagalka oo saddexdeeda xaglood is le’eg yihiin, xagal kastana dhererkeedu dhan yahay 1500 oo Kiiloomitir, halka bedka ay ku fadhidana lagu qiyaaso Milyan Kiiloomitir oo afar-jibbaaran.

9. Badweynta Atlaantigga halka joog ahaan ugu hoosaysa (Godka ah) waxaa lagu magacaabaa Puerto Rico godkaas cidhifkiisa ayaanu ka bilowdaa dhinac ka mid ah xaglaha saddex xagalka Bermuda.

8. Sababta goobtan loogu bixiyey magaca Saddex Xagalka Barmuuda waxa ay la xidhiidhaa saddex diyaaradood oo dhoolla tus ahaa oo qaab saddex xagal ah u duulayey ayaa mar keliya ku wada dul dhacay goobtan oo u dhacay qaab saddex xagal ah. Illaa haddana lama oga sababta diyaaradahani u dhaceen ama xitaa wax xog ah oo la xidhiidha.

In diyaaradaha qaabkan u socdeen iyo in isla shaxdii saddex xagal ka ahayd ee ay u socdeen ay u dhacaan iyo sidoo kale in raadkooda la waayaa waxa ay noqotay arrin qasab ka dhigtay in fiiro gaar ah loo yeesho, waana taa aakhirkii keentay in Vincent Gaddis oo ahaa qoraa u dhashay Maraykanka oo noolaa intuu u dhexeysay 1913kii illaa 1997kii uu sannadkii 1964kii bixiyo magaca Saddex Xagalka Barmuuda oo ka kooban magaca marka hore goobtan loo yaqaanna ee Bermuda iyo Saddex Xagalka aynu ka soo warrannay.

7. Waxa ay sidii ugu weynayd indhaha dunidu ugu jeesteen goobtan bishii Diisambar ee sannadkii 1945kii, kadib markii uu dhacay shilkii caanka dunida ka noqday, ee lagu waayey tiro diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Cirka Maraykanka ka mid ahaa oo tababarro dhoolla tuso ah samaynayey. Waxaa yaab iyo amakaag noqotay in mar keliya la waayo Lix diyaaradood, iyo 27 ruux oo saarnaa, illaa maantana aan wax raad ah laga arag.

6. Macneyaal aad u kala duwan oo qaarkood indho Cilmi ah ku eegayaan Saddex Xagalka Barmuuda qaar kalana aragtiyo khuraafaad ah ku fasirayaan ayaa laga bixiyey mucjisadan ku ladhan Saddex Xagalka Barmuuda, tusaale ahaan waxaa jira khubaro aaminsan in dhulka ay Saddex Xagalka Barmuuda ku fadhido uu ku jiro dhagax si aad u awood badan u birlabaysan, halka kuwo kalana ay ku sheegaan in ay goobtan ku dhaqan yihiin Noole Samaawi ah, iyo in ay ahaan jirtay qaarad lagu magacaabo Atlaantis oo waayo hore qaraqsoontay, halka kuwo kalana sheegaan in goobtan uu Shaydaan deggen yahay, waana sababta aad mararka qaarkood u arkayso dad ku magacaabaya, Saddex Xagalka Shaydaanka.

5. Saddex Xagalka Barmuda waxa uu muran aad u badan ka dhex abuuray culimada Sayniska iyo cilmaadhayaasha caalamiga ah, aragtiyaha qaar waxa ay taageersan yihiin in goobtan ay dul maraan waxa lagu magacaabo Suxuunta wareegta (Duusha) oo iyaguna ah arrin kale oo aan fasiraad cilmiya oo sugan loo hayn, balse qisas kala duwan laga sheego. Aragti kalana waxa ay xoojinaysaa fikirkaas aynu hor u soo sheegnay ee odhanaya sirta goobtan oo dhami waxa ay ku timid xuf-is-jiidad xooggan oo badda gunteeda ka imanaya. . La soco…