Lix Arrimood Oo Sabab U Noqon Kara Xaalado Caafimaad Darro Oo Qofka Noloshiisa Galaafta (Q.3)

0
716

London (Geeska)- Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waa aynu ku eegaynaa caadooyinka cunto iyo cabbitaan ee ugu khatar badan caafimaadka sida ay caddaynayaan daraasadaha khubaradu sameeyeen.

5. Jimicsiga uu qofku sameeyo isaga oo aan si fiican uga soo kaban xanuun ku dhacay: Dhakhaatiir u dhashay dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in qofka oo jimicsi ama ciyaaro kale sameeya isla marka uu ka soo doogo hargabka ama guud ahaanba xanuunnada Fayrasku keeno, ay keeni karto khatar dhimasho ah. sababtuna ay tahay caabuqa ku dhacay muruqyada wadnaha oo inta badan dhaca iyada oo aanu qofku dareensanayn.

Hans-Georg Bridle oo madax ka ah maxadka cilmibaadhista wareegga dhiigga iyo caafimaadka jimicsiga oo hoos taga Akademiyadda ciyaaraha ee Cologne oo ku taalla dalka Jarmalka ayaa isna sheegay in ay habboon tahay ugu yaraan afar maalmood in uu qofku sugo ka soo kabashada xanuunka iyo jimicsiga.

6. Ciddiyaha dhaadheer: Ciddiyuhu caadi ahaan waa muraayad laga dheehdo xaaladda caafimaad ee qofka, in nadaafaddooda la ilaaliyaana waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lagu xakamayn karo faafista cudurrada. Xitaa iyada oo nadaafadda ciddiyaha la ilaalinayana haddana weli waxa ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin in haddii ay dheer yihiin ay sabab u noqon karaan geeri. Waayo waxa ay hoy iyo gabbood u noqdaan Bakteeriyada I-koli (E-coli) oo sababta in qofku uu cuntada ku sumoobo,gaar ahaan carruurta iyo dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka iyo is qurxinta.

Sida ay khubarada caafimaadku qireenna, boqolkiiba 90 bakteeriyada gacmaheenna dul saarani waxa ay ku jirtaa ciddiyaha hoostooda, gaar ahaan dadka ciddiyaha dheer, xitaa haddii ay ku dadaalaan nadaafaddooda iyo in ay burus kaga soo saaraan wasakhda. Dhammaad.