Faalo: Falalkii Ugu Halista Badnaa, Howl-gallada Budhcada Internet-ka Caydaruus Sh. Cumar Geedd

0
994

dddddTan iyo markii nolosha bulshada caalamku noqotay mid aan sina uga maarmin internetka , ku xidhnaantiisa iyo baahida loo qabaana  sii xoogaysatay, waxa daris la noqotay nolol maalmeedkii binu aadamka, xaalad wer-wer oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogaysanaysa. Waxa heegan loogu jiraa , difaaca weerarada aan kala go’a lahayn ee ka soo burqanaysa , dadka loogu yeedho budhcada Net-ka (Hackers). Computerada guryaha lagu isticmaalo ee shaqsiga ah uun kuma koobna dhibta budhcada Internetku, laakiin waxa sidoo kale dhibanayaal u ah , shirkadaha iyo ganacsatada ugu waaweyn caalamka, kuwaas oo ka dhaxla khasaare laxaadleh hujuun kasta oo ku yimaada. Waxaynu qormadeenan oo aynu ku bilaabi doono shantii weerar ee budhcada Mareeguhu, soo qaadaan ee ugu khatarta iyo khasaaraha badnaa dunida, gunaanadkeeda ku eegi doono, tallo iyo tusaale amni ee lagaga gaashaaman karo, khataro kale oo soo wajaha dunida Inter-net-ka,  . Waxaanay kala yihiin shanta halisood ee la soo darsay mareeguhu sidan hoose:-

  1. Wiilkii Khal-khaliyey Shabakadihii Ugu Tunka Weynaa Dunida

  Horaantii sanadii 2000, waxa lama arag iyo lama filaan ku noqotay , khubaradii dunida hormuudka uga ahayd arimaha Computer-ka,  falkii uu sameeyey 15 jirkii reer Canada ee Micheal Calce, oo markaa naanays ahaan u watay (Aka-mafia Boy) , kaas oo farsamada uu isticmaalayay oo aad u hoosaysay , isagoo adeegsanaya Barnaamijka “D DOS ama Distributed denial of service Attack” wuxuu hawada ka saaray badi  shabakadihii ugu waaweynaa dunida. Calce, wuxuu walxihii kaydka xogta (Serverada) u diray, amaro badan oo isdaba joog ah , kuwaas oo ay la qabsan kari waayeen , fahmina waayeen, arintaas oo sababtay in gebi ahaanba hawada laga waayo shabakado ay ugu horeysay, YAHOO. Oo markaas ahayd xog-raadiyaha (SEARCH ENCHINE) kowaad ee dunidu wax ku baadhi jirtay. Kadibna wuxuu jabsaday shabakadaha, eBay, CNN, Amazon iyo Dell. Inkastoo shirkadda DELL ay markii hore sheegtay inaan iyada dhibi ka soo gaadhin mashaqadaasi, hadana mudo kadib waxay tilmaameen inay jirtay falkaas lagu jabsaday xogtoodu.

Khasaarihii ka dhashay weeraradaas oo lagu qiyaasay inay gaadhaysay USD 1.2 Million Dollar, isla markaana iftiimisay sida fudud ee lagu jabsan karo xogta website-yadaas ku kaydsanayd, waxay dhalisay in siyaasiyiinta dunida ka qaylido Amaanka mareegaha Dunida , madaxweynihii wadanka Maraykanka ee waagaas BILL CLINTON ayaa kamid ahaa madaxdii degdega uga jawaabtay saamayntii weerarkaas, waxaanu shir degdeg ah isugu yeedhay golihiisa qaranka, kaas oo lagaga arin sanayay amaanka Inter-net-ka. Wiilkaas da’diisu aadka u yarayd wakhtigaas ee khasaaraha aduun ee intaas leeg sababay , oo hada ah nin dhalin yaro ah , la taliyna u ah , shirkadaha waaweyn dhinaca amaanka iyo ilaalinta xogaha Net-ka, ayaa dhawaan waraysi uu siiyey mid kamid ah shabakadihii uu dhibaatada u geystay ee CNN, ayaa sheegay inay wali jirto dhibaatadii dhinaca amaanka ee uu xiligaas iftiimiyey.  

2- Sonny Play Station System Oo God-kiisa Biyo Ugu Galleen

 Ilaa maantadan aynu joogno, waxaa jira dad aan aaminsanayn in Virus-ku dhex mushaaxi karo, aalada Maaweelada (Play Stations),  waxase tuhunkaas meesha ka saaraya, falkii lagu bartilmaameed saday shirkada SONY oo ah tan ugu caansan soo saarida barnaamijka ciyaaraha (Play Station ) , bishii April, sanadkii 2011. Weerarkan  qawlaysatada (Hackers) ku ku qaadeen SONY , waxay isla markiiba ka mid noqotay, weerarada ugu khatarta iyo khasaaraha badnaa ee ka dhaca mareegaha taxan ee INTERNET-ka loo yaqaan. Waxa ladhacay oo la jabsaday , 77 million oo qof, accounaddii ugu furnaa shabakada SONY,  maamulka shirkaduna wuxuu markiiba shaaciyey inay so oaf-jareen oo dib ula soo noqdeen data-dii la xaday, laakiin waxay markii dambe mar kale shaaca ka qaadeen , in howshu ka culus tahay sidii ay markii hore filayeen, system-kii maaweelada fool-ka-foolka ahina (ONLINE PLAY_STATION SYSTEM) wuxuu hawada ka sii maqnaa muddo saddex asbuuc (Todobaad) ah oo kale. Khasaarihii soo gaadhay shirkadda SONY , waxa lagu qiyaasay inuu dhan dhamaa, $171 million ( Boqol iyo kow iyo todobaadan Million oo Dollarka Maraykanka ah)

3- Qawlaysatada InterNet-ka oo sanad & Lix Bilood Haystay System Shirkaddeed

 Shirkadaha la isku yidhaahdo TJX companies, ayaa mudo 18 bilood ah budhcada Inter-net ku ka haysteen systemkii ay ku shaqaynayeen, taasoo noqonaysa muddaddii ugu dheerayd ee taariikhda koox budhcad ahi iska maamushaan system shirkadeed. Badhtamihii sanadkii 2005 ilaa bishii December 2007, waxay qowlaysatada mareeguhu gacanta ku dhigeen xogta 45.7 million oo kaadh-bangiyeedyada Credit-ka iyo Debid cards-ka loo yaqaano ah ee wax lagaga iibsaday ( lagu xoqay) systemka bakhaarada shirkada TJX. Waxa iyagana xisaabohoodu ku jiraan kuwa la xaday, dhamaan dadkii kaadhadhka wax kaga iibsaday dukaanada, BK’s, Office Max, Barnes & Noble iyo TK Maxx. Sida oo kalena, waxa la jabsaday, numberada kaadhadhka (credit card numbers), xogihii shaqsiyeed ee kale, oo ay kamid yihiin liisamadii dirawalnimada iyo number aqoonsiyeedkii qofka ee xafiiska arimaha amaanka (Social security number ). Shabakad wireless ah oo aan xafidnayn ( a non secure wireless network) ayaa loo aanaynaynaa inay tahay meesha kaliya ee loo soo maray af-duubkan. TJX shirkadaha la isku yidhaahdo ayaa lagu xukumay inay bixiyaan magdhow iyo qalab amaan oo wakhtiga la jaanqaada oo ay iibsadaan, aduunkii khasaarahani u soo hooyey ee laga shubayna wuxuu noqday, $130 million ( boqol iyo soddon million oo lacagta Maraykanka ah) oo looga qaaday lacagta dayactirka iyo sugida amaanka ah iyo $40.9 million oo magdhow ahaan loo siiyey bangiga kaadhka Visa ee wadanka USA. In kastoo kharashka ka baxayna uu aad u sareeyo, hadana arintii anfariirka ku noqotay, khubaradii cilmiga computerku waxay ahayd dheerida muddada la haystay systemka shirkadaha

4- Mashaqadii Siyaasadda Salka Ku Haysay

Weerarada ka dhex dhaca mareegaha Inter-netka, ama samaynta jeermis-ka wax yeela aalada Computer ku , waxa badiyaa  ujeeddada ka dambeysaa tahay , mid hanti ama magac raadin ah ama siyaasadi dabada ka riixayso. Dhab ahaan ururkii budhcada inter netka caanka ku noqdy loo yaqaanay ‘hacktivists‘, ayaa tusaale fiican u ah , budhcada Mareegaha ee siyaasadu dabada ka riixdo . ururkan oo aan aqoonsigooda kale cidina garanayn ( Anonymous) ayaa lagu eedeeyaa inay  ka dambeeyeen xadhigii loo geystay aasaasihii shabakada caanka ah ee Wikileaks, Mr  Julian Assange. Dhamaan qoraaladii laga iibsaday Wikileaks, khaas ahaan kuwii lacagta lagu bixiyey inter netka dhexdiisa (Online-ka), iyadoo la adeegsanayo kaadh-bangiyeed-yada MasterCard, Visa, PayPal  iyo kuwa kale ee Xisaabohoodu netka sida toos ka ah ugu xidhan yihiin, ayaa la xanibay oo la carqaladeeyey. Kooxdan aan wejiyadooda cidina aqoonsanayni, waxay fadhiisiyeen (disable) oo hawada ka saareen, baddi website-yaddii xawilaada lacagaha Internetka dhexdiisa mara (online payment websites ), iyadoo waliba lagu jiro, maalaha ugu wax iibsiga badan sanadka ee mashquulka suuqu jiro. Boqolaal kun oo qof oo sita Kaadhka bangiga ee wax lagu iibsado, ayay u suuro galli weyday inay hal xanjo ah lacagteed iska bixiyaan. Khasaarihii dhacdadan ka soo gaadhay tusaale ahaan shirkada Paypall ayaa lagu qiimeeyaa inuu ahaa aduun dhan US $5.5 million. Shirkadaha kalena sidoo kale ayaa ku dhacday. Bishii koowaad ee sanadkan aynu ku jirno ee 2013, ayaa afar nin oo Ingiriis dhalashadoodu tahay loo qabtay mashaqadaas ku dhacday Bangiyada Online-ka ah, kuwaas oo kan ugu da’da yari 18 jir ahaa.  

  1. Warkii Geeridaada ee Gurigaaga Laga Baahiyey –

Bal malee haddii, war laliye sida , website ama idaacad ama Television aad leedahay inta la qabsado laga baahiyo warka geeridaada, Runtii waa arin dareen keeda leh. Arintani waxay si dhab ah u qabsatay bishii July 19 keedii sanadii 2011, Rupert Murdoch oo ah mulkiilaha jaraa’idka ugu afka dheer Ingiriiska ee THE SUN, kadib markii koox budhcad inter net ahi jabsadeen website-kii jaraa’idka THE SUN, warkii koowaad ee ugu muhiimsanaana ka bedeleen cinwaanka kana dhigeen “ Maydka mulkiile caan ah oo warbaahineed oo la hellay” , iyagoo faah faahintiina ka dhigay, in Mudoch oo mayd ah laga dhex hellay beerta gurigiisa. Inkastoo farsamayaqaanada THE SUN, ay meesha ka saareen warkii halista ahaa oo ay hoosta dhigeen , hadana taasi ma noqon mid soo afjarta , weerarkii ku socday , xatooyadiina halkeedii ayay ka sii socotay. Waxaba kaga sii darnayd in sheekooyinkii kale ee ku qornaa website-ka marka aad riixdo (Click) si toos ah ay kuugu dhex gaynayaan barta Twitterka ee ay leeyihiin budhcada LulzSec, mudo markii ay sheekadaasi sii socotayna markii dambe waxaabay keeneen inay hawada ka wada saaraan dhamaan Links’kii wararka. taasina ay noqotay mushkilad kale oo la soo daristay THE SUN , baahida loo qabo in laga takhalusaana markale keentay in siweyn looga fadhiisto. Waxa la is weydiin karaa , arintani maxaa keenay.? Jawaabta kaliya ee la hayaana waxay tahay, shakiga ah inay arintu dabada ku haysay fadeexadii dhinaca telefoonka ee dhex martay Dowlada Ingiriiska iyo wargeyskii markii dambe xukunka xidhida ah lagu riday ee mataanka la ahaa THE Sun  ee THE NEWS OF THE WORLD.

Sidoo looga Badbaadi Karaa ama Loo Xakamayn Karaa Budhcada Netka?

  Inkastoo ay dunida khasaare badan oo aan la koobi Karin hore u gaadhsiiyeen, hadana waxaan meesha laga saari Karin oo xaqiiqo ah, inuu jiro qof haddadaa ku hawlan sidii uu u ridi lahaa, dhacdadii budhcad internet-nimo ee ugu balaadhnayd dunida. Goorta iyo marka ay dhacaysana qof kastaa maskaxdiisa wey ku jirtaa oo waxa ka guuxaysa tolow ma maanta mise berri. Hadaba maadaama  faa’iidada uu leeyahay Inter-netku ay barbar socoto khasaaraha balaadhan ee uu keena, waxa mudan in laga feejignaado oo qof kastaa computerkiisa ka hubiyo inuu xor ka yahay Virus iyo Mulaaqe ( Worms) .  haka fikirin in systemkaagu bad qabo ka hor inta aadan ka fikirin in computerkaaga khaaska ahi ka fayow yahay walax kasta oo waxyeelo soo gaadhsiin karta. Ogow in computer-kaaga oo la qabsadaa khasaare gaadhsiin karo , ehelkaaga , asxaabtaada, iyo cid kasta oo xidhiidh idin dhex maro xaga internetka ahi. Ka taxadar talaabooyinka aad qaadayso : Tusaale ahaan , Hubso emailada aad furayso, hana furin email wata Link- kugu hagaya meel kale, si aad taas u xaqiijisana ha furin email aanad ga ranayn cida kuu soo dirtay, taasaa sahlane. Isticmaal software-rada caabiya hujuunka virus ka iyo wixii la hal maala kuwooda la aaminsan yahay, waliba si toos ah ugu xidhnow bu’da shirkadda leh ama kaa iibisay (Server-ka shirkadda nuqulka saxda ah leh ).

DHAMMAAD Diyaarintii: Caydaruus Sh. Cumar Geeddi/Hargeysa