Arteta Oo Macasalaameeyey Kooxda Arsenal Oo Mudo 5 Sanno ah Ka tirsanaa.

0
916

3436637E00000578-0-image-m-7_1463364086848Arteta Oo Macasalaameeyey Kooxda Arsenal Oo Mudo 5 Sanno ah Ka tirsanaa.Kubad Sameeyaha ka ciyaara khadka dhexe ee Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in uu ka tagayo kooxda ugu fiican England, ka dib markii uu gacan haadiyay Jamaahiirta Kooxda Gunners.

Ka dib shan sano uu joogay garoonka Emirates Stadium, Arteta ayaa soo gabagabeeyey waayihiisa quruxda badanaa ee Kooxda Arsenal, xilli uu dhamaaday Joogitaankiisa waqoyiga Magaalada London.

Ciyaaryahanka reer Spain ee Arteta ayaa u sheegay websiteka kooxda ee arsenal.com “Waan jecel ahay dhamaan shaqsiyaadka Kooxda, waan jeclahay ciyaariyahanada Arsenal, waxaan dareemayaa Xanuun iga haysta meel walba oo jirkayga ka mid ah, waxaan lumin doonaa Asxaab qaali igu ah, waxaan lumin doonaa Macalinka ugu fiican Macalimiinta Premier League, halkaan waxaan ku qaatay waqtigayga ugu qaalisan noloshayda adbay u adag tahay inaan ilaawo halkan”.

Mikel Arteta ayaa u saftay kooxda Arsenal 535-kulan waxaanu u dhaliyey 73-Gool, waxaanu sidoo kale caawiye ka noqday 43 gool, isagoo imika ahaa Kabtanka kooxdda Arsenal.