Ramsi: Tababaraha Xulka England Oo Shaaciyey Xulka England Uga Qeyb-geli Doona EURO 2016

0
1110

ENGTababaraha xulka Qaranka England ayaa shalay ku dhawaaqi doona liiska xulka qaranka England ee ka qayb geli doona tartanka Euro 2016 ee ka dhici doona waddanka France.

 

Tababare Roy Hodgson ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay  magaalada London, gaar ahaan garoonka Wembley waxa uu ku shaaciyey magacyada 23 ciyaartoy oo uu u kaxaysan doono waddanka France kaas oo magaalada Paris ka furmi doona bisha June bilowgeeda.

Hadaba liiska ciyaartoyda xulka england ayaa ah sidan;

Goolhayeyaasha: Fraser Forster (Southampton), Joe Hart (Manchester City), Tom Heaton (Burnley).

Difaaca: Ryan Bertrand (Southampton), Gary Cahill (Chelsea), Nathaniel Clyne (Southampton), Danny Rose (Tottenham), Chris Smalling (Manchester United), John Stones (Everton), Kyle Walker (Tottenham).

 

Khadka Dhexe: Dele Alli (Tottenham), Ross Barkley (Everton), Fabian Delph (Manchester City), Eric Dier (Tottenham), Danny Drinkwater (Leicester City), Jordan Henderson (Liverpool), Adam Lallana (Liverpool), James Milner (Liverpool), Raheem Sterling (Manchester City), Andros Townsend (Newcastle), Jack Wilshere (Arsenal).

 

Weerarka: Harry Kane (Tottenham), Marcus Rashford (Manchester United), Wayne Rooney (Manchester United), Daniel Sturridge (Liverpool), Jamie Vardy (Leicester City).

 

Inta aanay Ingiriisku tegin Paris waxa ay sii ciyaari doonaan saddex ciyaarood oo saaxiibtinimo ah oo ay ku kulmi doonaan waddama Turky, Portugal iyo Australia.

 

Ciyaartooyada laga reebi doono xulka:

Dhawr ciyaartoy oo muhiim ah ayaan lagu dari doonin xulka qaranka England, kuwaas oo uu ugu horreeyo Danny Welbeck oo dhaawac muddo 9 bilood ah u jiifi doona, kaas oo la saadaalinayo in booskiisa uu buuxin doono Rashford oo Manchester United ka tirsan.

Ciyaartooyada kale ee la sheegayo in aanu tababaruhu xulan doonin waxa ka mid ah Theo Walcott oo qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay kadib dhaawacyo tiro badan oo haleelay.

Jack Wilshere oo ka soo laabtay dhaawac muddo dheeer ah iyo Andros Townsend ayaa ay warbaahinta Ingiriisku saadaalinaysaa in ay ka mid noqon doonaan xulka England, hase yeeshee marka uu tababaruhu warbaahinta hor yimaaddo ayaa la ogaan doonaa liiska rasmiga ah.

 

Dhanka kale xulka England ayaa Ciyaaro saaxiibtinimo ciyaari doona kuwaas oo uu isugu diyaarinayso Euro 2016, waxaanu la kala ciyaari doonaa 22/05/16 – England vs Turkey halka 27/05/16 – xulka England la ciyaari doono  Australia iyo ciyaarta sadexaad oo 02/06/16 xulka  England la ciyaarayo Portugal.