Jagada Xoghayaha Guud Ee Ururka FIFA Oo Markii Ugu Horaysay Taariikhda Loo Magaacay Gabadh

0
851

160513163317_fatma_512x288_bbc_nocredit     Guddiga kubadda cagta Dunnida ee magacooga loosoo gaabiyo FIFA, ayaa u magacaabay Xoghayaha Guud Ee Ururka Gabadh Markii ugu horeysay taariikhda, Gabadhan ayaa kasoo jeeda qaarada Afrika waxayna u dhalatay dalka Sinigal.

Gabadhan loo doortay xoghaya Guud ee Ururka ayaa magaceeda la yidhaahdaa Fatma Samba Diouf Samoura, waxayna muddo gaadhaysa 21 sanno kasoo Shaqaysay Qaramada Midoobay, iyadoo wakhtigan ahayd isku duwaha arrimaha bini’aadamnimo iyo Wakiilka khaaska ah ee UNDP u jooga Wadanka Nigeria.

Madaxwaynaha FIFA Gianni Infantino ayaa shirwaynihii 66naad ee FIFA kaga dhawaaqay magacaabista xoghayaha guud ee ururka kubada cagta dunnida taasoo oo loo doortay gabadhan, sida sharciga FIFA yahay waxa ansixin dooona magacaabisteeda Gudi madaxbanaan kuwasoo hubiniya sida ay ugu haboon tahay jagadaasi. MS Samoura, ayaa howsheeda bilaabi doonta badhtamaha bisha soo socota ee June. Dhanka kale Madaxwaynaha FIFA Infantino ayaa amaan u soo jeediyey khibrada Ms Samoura, kaas oo tilmaamay inay wax wayn kusoo kordhin doonto ururka kubada cagta dunnida ee FIFA.

 

 Ms. Samoura, ayaa shahaadada Masterka ka qaadatay luuqadaha Ingiriiska iyo Spanishka Jaamacadda Lyon ee wadanka France, halka ay shahaadooyin kale oo Xidhiidhka caalamiga ah iyo Ganacsiga ka qaadatay Machadka IECS.

Ugu danbayn magacaabista Samoura ayaa taariikh cusub noqonaysa, iyadoo ay tahay gabadhii ugu horaysay ee qabata jagada xoghayaha Guud ee ururka FIFA.