Maxkamadda Hargeysa Oo Xukuno Ku Riday Salaadiin Iyo Dhallinyaro Xidhnaydf

0
581

Hargeysa(Geeska)-14 qof oo saddex ka mid ahi madax-dhaqameed yihiin ayaa shalay maxkamada Hargeysa ku xukuntay xadhig iyo ganaax lacageed oo kala duwan, magaalada Mandheera ee Somaliland. 

1

Dadkan la xukumay ayaa ku eedaysnaa inay khalkhal geliyeen goob ay ka socotay diiwaangelinta doorashada muwaadinku oo ku taalla waqooyiga magaalada Hargeysa. 

Salaadiinta ayaa kala ah:

Suldaab Ibraahim Suldaan Sulub

Suldaan Mawliid Cali Sabayse

Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore

Garyaqaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ah garyaqaannadii u doodayay dadkan oo in muddo ah xidhnaa, ayaa waxa uu xukunka ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

Garyaqaanka ayaa waxa uu ku dooday in maragyo ku filan aan loo cuskan xukunkan, isla markaana salaadiintu la xukumay ay deegaankaa u tageen inay shaqaaqo ka jirtay xalliyaan. Garyaqaanku wuxuu intaa ku daray inay rafcaan ka qaadan doonaan xukunka.