Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali (2))

0
603

1Hersh waxa uu buuggiisan ku ururiyey xogo iyo tafaasiil muhiim ah oo uu ka helay ilo Maraykan ah oo dhacdadan xogogaal u ahaa, waxa aanu si shakhsi ah ula xidhiidhay Durraani oo uu ka helay xog ay ka mid tahay in Usaama Bin Laadin gurigan uu deggenaa ee lagu dilay uu ahaa guri ay xabsiguri ahaan ugu xidheen sirdoonka Pakistan sannadkii 2006dii. Sidaa awgeed dawladda Pakistan ay muddadaasba ogeyd in Usaama gurigaa iskaga nool yahay, isla markaana go’aanka dilkiisa ay iyadu kala shaqaysay Maraykanka. Sidoo kale waxa ay xogtani muujinaysaa in aanay marnaba suurtogal noqoteen in diyaarado dal kale ay sidaa sahalka ah ku soo galaan hawada dalka Pakistan oo ah dal Milateri ahaan iyo sirdoon ahaanba awood leh, iyada oo ay sii dheertahay guriga oo ku yaalla meel aan ka fogeyn xeryo ciidan. Hersh waxa uu ogaaday in dawladda Pakistan ay si caadi ah u ogolaatay in labadan diyaaradood ee ay Maraykanku wateen oo ahaa nooca Qummaatiga u kacaa ay soo galaan hawada Pakistan oo inta ay gudaha hore dalka u soo galaan ay ciidamo dhigaan gurigan uu deggenaa Usaama Bin Laadin.

Baadhitaannada Hersh uu sameeyey ee buuggiisa uu ku xusay waxa ay sheegayaan in been ay tahay sheegashada Maraykanka ee la xidhiidha ogaanshiyaha gurigan uu deggenaa Usaama Bin Laadin. Waxa ay Maraykanku ku andacoodeen in muddo ay la socdeen dhaqdhaqaaqa gurigan lana socdeen dhambaallada qoraalka ah ee ay is weydaarsanayeen sirdoonka cidda gurigan ku jirtay iyo hoggaamiyeyaasha saree e Al-Qaacida. Taas oo macnaheedu yahay in sirdoonka Maraykanku muddo la socday ama la shaqaynayey ninka Usaama bin Laadin ka soo qaadayey farriimaha uu u dirayo madaxda kale ee ururka Al-Qaacida. Laakiin Hersh waxa uu sheegayaa in xaqiiqadu tahay in sarkaal hore darajo aad u sarraysa uga gaadhay sirdoonka Pakistan uu Maraykanka ka iibiyey sirta joogitaanka Usaama Bin Laadin ee gurigan, kaas oo qaatay lacagtii 25 Milyan ahayd ee Maraykanku dul dhigay madaxa Usaama, kadibna arrintaas uu Maraykanku kala hadlay dawladda Pakistan oo ogolaatay in la khaarajiyo Usaama.

Haddaba inta aynaan eegin sida Baakistaan loogu qanciyey arrintan iyo waxa ay dhaafsatay, aynu xagga hore kaga noqonno qisadan. Dabagalka iyo la socoshada gurigani waxa ay bilaabatay bishii Ogos 2010kii, markii sarkaal hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Baakistaan uu la xidhiidhay Jonathon Bank oo ah xoghayaha hawlaha sirdoonka ee wakaaladda CIA u qaabilsanaa safaaradda Maraykanka ee Pakistan. Isaga oo u sheegay in uu doonao in uu bixiyo xog muhiim ah oo la xidhiidha halka uu joogo Usaama Bin Laadin si uu u helo abaalmarintii 25 Milyan ahayd ee uu Maraykanku madaxiisa saaray.

Waqtiyar kadibba waxaa dalka Baakistaan loo duuliyey koox ka socota CIA oo ku xeeldheer tijaabinta ogaanshiyaha beenta, waxa aanay kulan xog-waraysi xooggan ah la yeesheen sarkaalkii Baakistaaniga ahaa, kaas oo sida uu Hersh sheegay ka gudbay dhammaan tijaabooyinkii iyo halbeegyadii ay CIA u adeegsanaysay in ay beenta qofka ku fashiliso. Laakiin haddana weli CIA kuma ay wada kalsoonaan karayn warka ninkan, sidaa awgeed waxa ay u baahnayd hubin in dammaanado dheeraad ah oo la xidhiidha shakhsiyadda ninkan oo isagu ka mid ahaa saraakiil Bakistaani ahaa oo deggenaa xarunta kuliyadda milateriga ee Baakistaan, qaybta deggenaanshiyaha oo isla markaana ay deggenaayeen cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka mid ah ciidamada Baakistaan. Goobtan milateri ee uu sarkaalkan warka sheegay deggenaa waxa ay ku taallaa isla magaalada uu deggenaa Usaama Bin Laadin, masaafad 15 daqiiqo ay diyaaradda Qummaatiga u kacdaa u soconayso ayaanay u jirtay degmada Taraabilaa Qaasi oo uu ku yaallay mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan ee sirdoonka Baakistan leeyahay.

“Dawladda Maraykan bilowgii warka sarkaalkan waa ay ka qarisay dawladda Pakistan. CIA waxa a qabtay cabsi ah in haddii warkan ay u sheegaan Baakistan ay dhici karto in sirdoonkeeda Baakistaan ee ISI ay Usaama si qarsoodi ah uga raraan gurigan si ay u fashiliyaan Maraykanka. Sidaa awgeed dad aad u yar oo ah masuuliyiinta ugu sarraysa Maamulka Obama ayuun baa warkan lo osheegay. Ujeedada koowaad ee CIA waxa ay ahayd in ay iska hubiso tayada sarkaalkan hore ee warka u keenay. Sidaa awgeed xaruntii Usaama lagu sheegay waxaa markiiba lagu soo jiheeyey dayaxgacmeed si gaar ah ula socda dhaqdhaqaaq kasta oo ka jira gudaheeda iyo hareeraheeda. Sidoo kale CIA waxa ay kiraysatay guri ku yaalla Abbottabad si ay ugu dhigato saldhig kooban oo lagala socdo lanaga qorsheeyo hawlaha degdegga ah ee la xidhiidha arrintan.

Xaruntan kooban waxaa ay CIA ka hawlgelisay shaqaale isugu jira Baakistaani iyo ajaanib kale. Markii dambe ee ay CIA iyo ISI arrinta Usaama ka heshiiyeenna isla aqalkan ayuun baa ay u adeegsadeen in ay hawlgallada ka qorsheeyaan kuna xidhiidhaan. Gurigan CIA ka kiraysatay CIA bilowgii xitaa dawladda Baakistaan ma’ay ogeyn laakiin cidi aad ugama ay shakiyin maadaama oo ay magaalada Abbottabad tahay deegaan loo dalxiis tago oo inta badan lagu arko dad nasasho u socda oo muddooyin kooban guryaha kiraysta.

Sarkaalkaas reer Bakistan ee warka Usaama sheegay iyo qoyskiisaba si qarsoodi ah ayaa looga saaray dalka Baakistaan waxaana la dejiyey meel ka mid ah Washington, iyada oo laga shaqaalaysiisay wakaaladda sirta Maraykanka ee CIA oo uu la taliye u yahay illaa hadda” sida uu Hersh ku yidhi qoraalka uu buuggiisan kaga warramayey.

Bishii Oktoobar ee 2010kii, saraakiisha sare ee milateriga iyo sirdoonka Marayknaka waxaa ka dhex socotay dood la xidhiidha tallaabada ugu habboon ee ay ka qaadi karaan Usaama Bin Laadin haddii uu gurigan ku jiro. Soo-jeedimaha laga dooday waxaa ka mid ahaa in xarunta lagu dhufto bamka afingiriisiga lagu yidhaahdo Bunker buster oo awood u leh in uu burburiyo dhismayaasha dabaqyada badan ee adag ah ama  leh qaybo dhulka hoostiisa aad u sii gashan, isla markaana uu gubo waxa ku guda jira. Waxa kale oo doodda soo gashay fikrad ah in la diro ruux si qarsoodi ah ku gala xarunta oo si toos ah Usaama u beegsada, halkaasna ku soo dilo, habkaas oo ah ka ay sirdoonku afingiriisiga ku yidhaahdaa, ‘Single assassin Style’ laakiin labadan talo waxaa ka xoog badatay xujadii ka soo horjeedday oo ahayd, inta aan tallaabo la qaadin horta yaa huba in dhismahan uu deggen yahay Usaama Bin Laadin? “Sarkaalka hawlgabka ah ee Baakistan waxa uu inoo sheegay in habeenkii aynu dhismahan hareerihiisa ku arki karno rag ilaalo guud u ah Usaama, laakiin ma ogaan karno raggaas qudhoodu waxa ay yihiin maadaama oo illaa hadda aynaan ku arag wax astaan ciidan ah” ayaa ay ahayd doodda burisay labadaa fikradood ee hore sida uu sheegay Hersh.

Sirdoonka Maraykanka ee CIA markii uu ururiyey wixii uu xog heli karayey waxa uu bishii Oktoobar la fadhiistay madaxweyne Barak Obama si loogu wargeliyo xogtan, loogalana tashado tallaabada ay tahay in la qaado. Laakiin Hersh waxa uu sheegay in Obama uu warkaas si aad u taxaddar badan u dhegeystay, isaga oo sida muuqata aan si buuxda u rumaysan una arkay in aanay suurtogal ahayn in Usaama uu naftiisa ku aamino goobtaas ay sirdoonku sheegeen khatarteeda iyo sida ay ugu xeeran yihiin milateriga iyo sirdoonka Baakistan. Obama waxa uu yidhi, “Taasi waa waalli” ayaa uu idhi Obama oo go’aanka uu ku adkaystay noqday, “Arrintan mar dambe ha igala hadlin, illaa aad caddayn sugan ka keentaan in cidda meesha ku jirtaa ay Bin Laadin tahay”

Arrintani waxa ay CIA ku qasabtay in ay dejiso qorshayaal hor leh oo ay ku soo heli karto xogo qanciya madaxweynaha, si uu u taageero weerar ay ku qaadaan gurigan. Waxa ay is tuseen in sida fiican ee ay arrintan ugu caddayn karaan Obama ay tahay in ay soo helaan DNA ga dadka meesha ku jira oo Usaama laga dhex helo, iyo in Madaxweynaha ay hor-dhigaan qorshaha weerar ee ay gurigaa ku galayaan goor habeennimo ah iyada oo aanu wax khasaare ahi ka dhicin. Arrintan taladeeda ugu fiican ee Maraykanku qaateenna waxaa keenay sarkaalkii hawlgabka ka galay sirdoonka Baakistan ee marka hore xogta keenay. Waxa uu ku taliyey in sida ugu fiicani ay tahay in geeddi socodka hawlgalkan lagu soo daro dad Baakistaani ah.

CIA iyada oo arrintaas ka duulaysa ayaa ay diyaarisay istaraatijiyad sirdoonk oo ay ugu horreyso in ay kasbato kalsoonida sirdoonka Baakistaan, kuna qanciso in ay ka waan-toobaan jawaabta kooban ee ay la soo taagan yihiin marka la weydiiyo Usaama Bin Laadin oo ahayd in ay ku celceliyaan uun in aanay waxba ka ogeyn halka uu ku sugan yahay. La soco…