Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Ka Hadlay Markabkii Sahayday Xilkiisa

0
488

Hargeysa(Geeska)-Taliyihii ciidanka ilaalada xeebaha Maxamed Xuseen Xiirane, oo shalay xilkii wareejiyay ayaa ka hadlay xil ka qaadistiisa iyo markabka sahayday xilkiisa.

1

Taliye Xiirane, wuxuu isagoo ka hadlaya markabka yidhi ” Dhacdadii markabka anuu amnigiisa si baan u arkayaay sidii ugu habonayd baanan go’aankayga ka yeelay ka go’aan ahaan aniga,  laakin hadday dawladu si kale u aragtay oo ay igu badashay waxba kama qabo oo waan soo dhaweeynayaa laakin anigu sidaan u arkay arintaa waxa lala wareegayaa waa intaa. Waa la iska badala kursiga waanana soo dhawaynayaa  ” taliyihii hore.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu siiyo dalacsiinta ciidamda badda oo uu xusay inay niyad jabsanyihiin ” Waxa kale oo aan codsanayaa in dawladu igu wadacdo anigoo tabanaya xiddigihii ciidamada badda oo laga reebay ciidamdii kale. Waxaan leeyahay haddii karaama jirto waa in ciidamda darajadooda la siiyaa oo way mooraal xun yihiiine waxanana leeyahay cidamadda ha la siiyo darajadoodii ”