Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali

0
1101

1Maalin Isniin ah oo ay bisha Shanaad (May) 2 ahayd sannadkii 2011ka ayaa Koox ka tirsan ciidamada Badda Maraykanka oo SEALs loo yaqaannaa iyaga oo ku socda amar toos uga yimid taliska guud ee sirdoonka CIA, waxa ay weerar kedis ah ku galeen kaambool dhismeyaal la deggen yahay ah oo ku yaallay magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, waxa aanay ku dhex khaarajiyeen Usaama Bin Laadin iyo dad kale oo ay ku jiraan xubno qoyskiisa dhow ahi.

Weerarkani sharci ahaan waxa uu jebinayey xeerka caalamiga ah iyo sharciga qarannimada dalka Pakistan, laakiin haddana khasaaraha goobtaas ka dhacay ee nafta iyo maalkaba lahaa waxaa si diirran ugu sacabbo tumay dawladda Maraykan iyo inta badan ee warbaahinta ganacsiga ah ee dunida oo ku tilmaamay guul taariikhi ah oo laga gaadhay dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeedho argagaxisada. Waxaana la aaminsan yahay in ay tahay sababta ugu weyn ee madaxweyne Barak Obama u suurtogelisay in mar labaad uu si sahal ah ugu guulaysto doorashadii madaxtinimada ee uu ku helay xilligiisa labaad ee hadda sii dhammaanaya.

Shan sano kadib guushan waxaa ilayskii farxaddeeda dembiyey xog aad uga duwan tii uu Maraykanku dunida u sheegay oo ka soo baxaya dilkii Usaama Bin Ladin iyo sidii uu u dhacay. Xogahaas waxaa ka mid ah ta uu qorayo buug cusub oo uu soo saaray Seymour Hersh oo ah warfidiyeen ah xog-baadhe iyo qoraa dhinaca siyaasadda ah caan ku ah oo abaal marinno badan oo caalamiya helay.

Hersh qoraal uu ku soo koobay nuxurka buuggiisan oo uu mar sii horreysay ku daabacay Joornaalka London Review of Books oo ah joornaal ka faallooda arrimaha buugaagta oo bil kasta laba jeer ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxa uu ku sheegay in dhammaan warka uu Maraykanku ka sheegay dilkii Usaama Bin Laadin uu been yahay. Waxa aanu dhalleecayn kulul u soo jeedinayaa maamulka madaxweyne Barak Obama iyo madaxweynaha shakhsiyaddiisaba, isaga oo ku eedaynaya in uu khiyaameeyey cod-bixiyaha Maraykanka iyo guud ahaan shacabka dalkaas oo uu ku beer-laxawsaday hal-ku-dhegga ahaa Isbeddel “Change”. Hersh waxa uu ku eedeeyey madaxweyne Obama in uu ku fashilmay in uu gaadho kaalintii hanka muwaadiniintu ka rabay ee ahaa in maadaama oo uu yahay madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah uu noqon doono madaxweynihii ugu wanaagsanaa ee soo mara Maraykanka, waayo waxa uu isagu ka yimid shacabka loo talinayey wax badan oo qaldanaana hoos uu ogaa.

Hersh Buuggiisan lagu magacaabo Dilkii Usaama Bin Laadin (The Killing of Osama Bin Laden), oo soo baxay bishii ina dhaaftay ee Abriil sannadkan 2016ka waxa uu ku soo bandhigayaa dhacdooyin iyo duruufo ku xeernaa dilkii Usaama Bin Laadin waxa aanu caddaynayaa madow badan oo sannadihii tegey si isdaba joog ah u dahaadhayey xaqiiqada weerarkaas la xidhiidha, kuwaas oo uu sheegay in maamulka Obama uu si ula kac ah u qariyey, isaga oo ka doorbidaya danihiisa siyaasiga ah.

Isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu Hersh leeyahay, “Guriga Cad waxa uu weli dhoob-dhoobayaa warka ah in hawlgalkaasi uu ahaa mid gebi ahaantiiba u gaar ah Maraykanka, iyo in Janaraallada sare ee Milateriga Pakistan iyo haayadda sirdoonka Pakistan ee Inter-Service Intelligence Agency (ISI) aan lagu sii wargelin weerarkaas. Taasi waa been. Sidoo kale warar badan oo maamulka Obama arrintan ka sheegay ayaa been ah”

Dhinaca kalana Hersh waxa uu su’aal shaki leh gelinayaa qaabka uu Usaama Bin Laadin ku joogay Abbottabad, waxa uu is weydiinayaa sida ay ku dhici karto in magaalo yar oo 64 Kilomitir u jirta caasimadda dal Pakistan oo kale ah uu u aamini karo uguna badbaadi karo ninka dunida oo dhami raadinaysay ee hoggaaminayey ururka Al-Qaacida waa Usaama Bin Laadin ee. “Bar bannaan ayaa uu isku qarinayey, ayaa uu Maraykan ina leeyahay” ayuu yidhi Hersh.

Seymour Hersh buuggiisan Dilkii Usaama Bin Laadin waxa uu ku soo bandhigay xog beeninaysay sheegashadii Maraykanka ee ahayd in sababta Usaama ay nolol ugu qaban waayeen ee ay u dileen ay ahayd is-difaacid.

Waxa kale oo uu Seymour Hersh baadhistiisan ku beeniyey warkii Maraykanku sheegay ee ahaa in aanay cidi la ogeyn weerarkaas oo xitaa Pakistan oo uu ka dhacay laga qariyey. “Beenta ugu cadi waa in sarkaalka ugu sarreeya Milateriga Pakistan Janaraal Ashfaq Barfees Kayani, iyo Janaraal Axmed Shuja Basha oo ah agaasimaha guud ee sirdoonka Pakistan ISI aan la ogeysiin hawlgalka Maraykanka” ayaa uu yidhi Hersh, oo sida qoraalkiisa ka muuqata helay xogo muujinaya in dawladda Pakistan ay ka warhaysay, si gaar ahna sirdoonka Pakistan uu uga qayb qaatay qorshaynta iyo dhamaystirka weerarka lagu khaarajiyey Usaama Bin Laadin. Hersh waxa uu ku doodayaa in sababta ay Pakistantu sidan u samaysay ay ahayd in ay wanaajiyaan xidhiidhka ay Maraykanka la leeyihiin oo daciifay, iyo in Maraykanku uu caawimooyin ay u baahnaayeen siiyo. Hersh waa uu sii waday oo waxa uu sheegayaaba in qaar ka mid ah masuuliyiinta Sirdoonta Pakistan ay qaateen abaalmarintii lacageed ee Maraykanku uu dul saaray madaxa Usaama Bin Laadin oo qiimaheedu dhamaaa 25 Milyan oo doolar.

Hersh inta aanu sii gudo gelin caddaymaha iyo maragga uu hayo iyo doodda laf-dhabarta u ah buuggiisan waxa uu soo qaadanayaa caddaymo guud oo uu u arko in ay marag u noqon karaan, waxaana ka mid ah:

– Waraysi uu talefishanka Al-Jazeera la yeeshay Asad Dawraani oo ah taliyihii hore ee sirdoonka Pakistan, oo sheegay uu xooggan yahay malaha ah in Pakistan ay hore u sii ogeyd tallaabada uu Maraykanku ku khaarajinayey Usaama iyo qaabka uu u dhacayo weerarka lagu galayey guriga uu deggenaa.

– Waxaa kale oo uu soo qaatay warbixin ay wariye lagu magacaabo Carlotta Gall oo ka tirsan New York Times ka qortay Afghanistan muddo hadda laga joogo 12 sano, taas oo ay ku sheegtay in masuul Pakistani ahi uu si toos ah uga warramay in taliyaha sirdoonka Pakistan Janaraal Axmed Shujaac Basha uu hore u sii ogaa hawlgalkan Maraykanku fulinayey.

– Waxaa isna uu soo qaatay buugga “Pakistan Usaama ka hor iyo kadib” oo uu qoraaga Imtiyaaz Qul soo saaray sannadkii 2012ka. Imtiyaaz oo ahaa agaasimaha fulinta ee xarunta cilmibaadhista iyo daraasaadka Amniga ee Pakistan waxa uu buuggiisa ku xusay in afar masuul oo ka tirsan sirdoonka Pakistan oo uu la sheekaystay ay dhammaantood u xaqiijiyeen in laamaha milateriga ee Pakistan ay aaminsan yihiin in sirdoonka Pakistan uu hawlgalkan lagu dilay Usaama hore u sii ogaa. La soco…