Danjire Cawil Oo Ka Hadlay Ahmiyada Ay Wada Hadaladu Ugu Fadhiyaan Somaliland, Kana Jawaabay Hadalada Siyaasiyiin Ku Baaqa In Wada Hadalka Laga Baxo

0
573

Hargeysa(Geeska)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa si mug leh uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, isagoo tilmaamay faa’iidada Somaliland ugu jirta wada hadalada socda.

IMG_61B372-C03E88-7D3F15-BEE3EF-81BD0B-309F7D

Danjire Cawil, oo ah la taliyaha madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha ictiraaf raadinta iyo wada hadalada, wuxuu baaq farriin ah u diray siyaasiyiin iyo xildhibaano mucaarad ah oo uu kula taliyay inaanay qaddiyada wada hadalada u adeegsan mucaaradad, isagoo sheegay in haddii Somaliland ka baxdo wada hadalada ay dunidu ka qaadan karto sawir khaldan. Waxaanu Cawil Tusaale u soo qaatay laba qodob oo kala ah sida ay Yuhuudu ugu ololayan jirtay in Carabtu diidantahay wada hadal iyo sida uu markii dambe doodii Yuhuuda u wiiqay safarkii uu magaalada Talaabiib ee Yuhuuda ku tagay Madaxweynihi Masar Anwar Saadaat. Sidoo kale Wuxuu Cawil ka hadlay soo jeedin uu madaxweynaha dalka Yuganda Yuweri Museveni u jeediyay Marxuum Cigaal sannadkii 1994, kulankaas oo uu Cawil goob joog u ahaa.

Cawil, oo isaogo Hargeysa ku sugan shalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu isagoo ku soo hal qabsanaya siyaasiyiinta ku baaqa in wada hadalada Somaliya laga baxo uu yidhi “Maalmahan waxaan warbaahinta ka arkaa siyaasiyiin ama xildhibaano odhanaya hala joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, joojinta ka sokow, kuma daraan wax tallo ah oo badiil u noqota wada hadalada halkaan uga gudbayno haddii aan ka baxno.” ayuu yidhi danjire Cawil, waxaanu intaas raaciyay “Shirkii London dhawr iyo konton dawladood ayaa isku raacay inay wada hadlaan Somaliland iyo Somaliya oo arrintooda si nabadgelyo leh ku dhamaystaan, markaas markaad eegto miisaanka dawladahaasi leeyihiin waan ku qasbanaahay inaan wada haadalada la sii wadno Somaliya. Wada hadal waxa ka maaga am diida cid aan qadiyadooda si buuxda ugu kalsoonayn, inagu qadiyadeena waan ku kalsoonahay, wax shaki ahina  inagama jiro, aynu iska dhawrno hadalada u muujin kara beesha caalamka fulaynimo inaga muuqata iyo inaynaan kalsooni ku qabin inaynu horfadhiisano Somaliya. Yaan la inaga qaadan dareen ah in cabsi inaga muuqato, wada hadalada dawladuhu ma diidi karaan, dunida cid wada hadal diidi kartaa ma jirto hadday tahay Marayikan iyo dawlad kaleba. Dawladaha adduunka ka jira wada hadalo ayaa u socda maalin kasta nooc kasta ha noqdo, dawladnima ma diidi karto wada hadal si aan rayul caamka adduunku uga jeedsan.”

Danjire Cawil, oo soo xiganaya sida uu Anwar Saadaat, madaxweynihii hore ee Masar diblomaasi ahaan uga guulaystay Yuhuuda, markii uu wada hadalka la furay wuxuu yidhi “Carabta, ayaa muddo dheer odhan jirtay Yuhuuda la hadli mayno, rayul caamkii beesha caalamku wuu ka jeestay oo waxay la safteen Yuhuuda oo ku doodaysay annagoo Carabta dhul badan ka haysana oo kanaalkii dhinac ka fadhina oo magaalada Port Siciidi 500 oo mitir noo jirta ayay Carabtu diidanyihiin inaan wada hadal isugu nimaadno. Laakiin Anwar Saadaat oo ahaa siyaasi caqli badan ayaa arkay dhibaatada arrintani ku hayso qaddiyadda Carabta iyo beer laxawsiga ay Yuhuudu arrintaas kaga faa’iidaystaan, waa kii ka degay magaalada Talaabiib 1977, taasi waxay keentay in beeshii caalamku Carabta u soo jeestaan Yuhuudana culays la saaro, laguna qasbo raysalwasaarihii Yuhuuda ee wakhtigaas Mr. Menachem Begin inuu heshiiskii Camp David la saxeexdo Anwar Saadaat, culays la saaray ayay ahayd oo beesha caalamku saartay.”

Cawil oo tilmaamaya sida ay Yuhuudu uga cadhootay dareen ahaan dagaalka diblomaasiyadeed ee Anwar Saadaat wuxuu yidhi “Markii Anwar Saadaat la dilay ayaa wiil uu dhalay raysalwasaarihii wakhtigaas ee Yuhuuda Mr. Menachem Begin,  oo ooyaya ayaa u soo galay aabihii oo raysalwasaarah aahaa, wuxuu ku yidhi war baa imika soo dhacay oo sheegaya in Anwar Saadaat la dilay, Begin ayaa wiilkiisii ugu jawaabay nacas ayaad tahay ma waxaad u ooyayaysaa cadowga qudha ee ay Israa’iil leedahay ee ina dhaafay, kaas oo adduun weynihii inala safnaa inaga kaxaystay.”

Cawil wuxuu hadalkiisa ku sii xidhay, “sidaas Carabta haysatay ee uu Anwar Saadaat takoorkii ka saaray ayaa dawladii diida wada hadal culays la saarayaa. Markaas waxaan leeyahay weligaa lama diido wada hadal markaad dawlad tahay, lama arag dunida dawlad wada hadal diida, dawladii diidana dunidaa takoorta.”

Isagoo Cawil soo xiganaya kulan dhex maray Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Yuweri Museveni sannadkii 1994, wuxuu yidhi “Sannadkii 1994 ayaan Cigaal u raacay kulan uu la lahaa Museveni, waxa la socday saddex wasiir oo kala ahaa Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo ahaa wasiirkii duulista, Yuusuf Sheekh Ibraahim oo ahaa wasiirkii hawlaha guud iyo Deeqa Colujoog oo ahayd wasiirkii madaxtooyada, aniguna waxaan ka raacay Nayroobi. Cigaal wuxuu Museveni uga waramay qaddiyadda Somaliland, waanu  ku qancay Museveni, laakiin wuxuu Cigala ugu jawaabay “Cigalaoow wax fiican ayaad qabsateen nidaam iyo dawladnimo ayaad dhisateen, haddii Somaliya wax noqon weydo waa cadaalad darro inaad u dabranaataan Somaliya, Cigaaloow ma iga balan qaadaysaa in haddii aan ku ictiraafo aad markay Somaliya dawlad dhisato aad wada hadal la bilaabi doonto, waayo waa lagama maarmaan labadiinii dawladood ee is raacay in maantana idinkoo walaalo ah si wanaagsan u kala baxdaan, wuxuu Cigaal ugu jawaabay, “Haa waan kaa balan qaadaayaa waayo arrimo badan ayaa naga dhexeeyo oo aanu ka wada hadli doono.’ Markaas wuxuu dareenkaas Museveni tusaale ka yahay mudnaanta dawladuhu siinayaan wada hadalada.”

Ugu dambayn Danjire Cawil, oo la hadlaya siyaasiyiinta Somaliland wuxuu yidhi “Waxaan markaas siyaasiyiinta iyo xildhibaanada sidaas uga hadla wada hadalada ka codsanayaa inaanay qaddiyadeena u istimaalin mucaaradad maalmo ah, waayo qaddiyadu way ka weyntahay wax sidaas oo kale loo isticmaalo.”