Shirkada Faraska Cad Oo Ganacsi Cusub Oo Kaalin Shidaal Iyo Super Market Ah Ka Furatay Hargeysa

0
644

Hargeysa (Geeska)-Shirkada qaadka ee Faraska Cad  ee loo yaqaano 725 ayaa waxaa ay   Magaalada Hargeysa  ka furatay xarun ganacsi oo cusub oo si casriya loo dhisay,  .Xaruntan ganacsi ayaa waxaa ay iskugu jirtaa Super Market iyo Kaalin Shidaal oo  laga hir galiyey  xaafadda New Hareysa ee bariga Caasimada .

12-6

Munaasibadii furitaanka ee Kaalintan iyo Meheradan Super market-ka ah oo si weyn loo soo agaasimay ayaa  waxa ka soo qayb galay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), Xildhibaano Ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda, Mulkiilaha Shirkadda Faraska Cad, Madax-dhaqameed, Salaadiin, Odayaal, Dhalinyaro iyo dadweyne aad u tiro badan.

Ugu horeyna waxa halkaas ka hadlay Cabdi Xuseen Cismaan oo ah Mulkiilaha  Shirkadda Faraska Cad   wuxuu sheegay in xaruntan cusubi ay ka qeyb  qaadan doonto shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland isla markaana ay  ku dadaali doonan i ay bulshada ugu adeegan si raali galisa, waxaanu yidhi “Waxaanu u balan qaadanynaa macaamishayada in aanu u jabin doono dhamaan ganacsiyada kala duwan ee aanu ka iibin doono Haday noqoto shidaal iyo haday noqoto ganacsiyada kalaba, kaalintani waxa ay noqon doontaa mid shaqaysa 24 saacadoodba oo shaqaalaheedunu heegan u naqdaan gudashada shaqadooda” .

Xildhibaan Xasan Shahar oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa  waxa wuu uga mahadceliyay shirkada Faraska Ganacsiyada kala duwan ee ay dalka ku soo kordhisay waxaanu yidhi “kolay shirkadu waa shirkad ku xidhan ka dawlad hoose ahaan waana shirkad dhaqaake badani ka soo galo Dawlada Hoose ee Hargeysa, mar haddii aad hore u soo qaaday ganacsigaagi oo aad wax cusub ku soo kordhisay caasimadda waxaan ku odhan lahaa maadaama oo aad samaysay kaalinta intan leeg waa in aad samaysaa mastoojooyinkii yar yaraa ee Damdamiska Hadii uu dab dhasho si aanu inuugu Fidin.”

Maayirka Caasimadda Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco)  oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa wuu u  mahad naqay shirkada Faraska  waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay uguna mahadnaqayo ganacsiga iyo shaqo abuurka ay dalka ku soo kordhisay, waxaanu yidhi “ Runtii waa dadaal ay samaysay shirkada Faraska awal hore waxaad maqli jirtay Hebal wuxuu ahaa jaadle oo wuu kacay lakiin maanta waad arkaysaan halka ay marayaan iyo dadaalka ay sameeyeen , dhanka kale hadaan ka eegno waa shaqo abuur oo intaa soo dhalinyaro ah ayaa ka shaqaynasaa oo ka xoogsanysa waxaan ugu hambalyaynayaa shirkadan dadaalka ay ka samaysay xaga ganacsiga waxaana aan leeyahay halkaasi ka sii wada waa gaadhi meel ka saraysa halka aad maanta taagantahaye”.

Dhanka kale wuxuu Maayarka kormeer ku soo maray kaalinta iyo meherada super market-ka ah ee Shirkada Faraska Cad furatay, waxaanu si rasmiya xadhiga uga jaray ganacsiga wuu Faraska cad ku soo kordhiyey Caasimadda.

Dhinaca kale waxa iyana Munaasibadaas heeso iyo sugaan ay ku amaanayaan Shirkadda Faraska Cad ku soo bandhigay Fanaaniinta Qaranka