Diiwaangelintii Oo Shalay Ka Bilaabantay Gobalka Maroodi-jeex

0
627

Hargeysa(Geeska)-Diiwaangelintii cod bixiyayaasha ayaa shalay ka bilaabantay gobalka Maroodi-jeex.

ffffffff

156 goobood oo ku yaalla gobolka Maroodi-jeex ee ka tirsan tahay magaalada Hargeysa, ayaa shalay waxaa ka bilowday diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada la filayo in ay Somaliland ka dhacdo March  2017.

Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda xisbiyada mucaaridka ayaa ka mid ahaa dadka shalay is diiwaangeliyay.

Diiwaangelinta gobolka Maroodi-jeex, oo ah gobolka ugu dadka badan Somaliland, ayaa socon doonta bil, waxaana la filayaa in lix boqol oo kun oo ruux la diiwaangeliyo.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa ammaanay qaabka ay diiwaangelintu uga bilaabantay gobalkan oo ay ku tilmaamay qaab wanaagsan inay tahay.