Qaar Ka Mid Ah Cuntooyinka Aan Sumcadda Fiican Ku Dhex Lahayn Dadka Ee Haddana Caafimaadka U Fiican

0
870

1London (Geeska)- Dad badan ayaa aan jeclayn cunista cuntooyin ay ka mid tahay baradhada, cuntooyinka dufanka leh iyo beedku, iyada oo ay la tahay in aanay faa’ido caafimaad lahayn, ama in badan maqlay sheekooyinka dadka qaar ku sheegaan in ay dhibaato caafimaad keeni karaan. Laakiin warkaas waxaa ka daba timid cilmibaadhis cusub oo daahfurtay faa’idooyin cuntooyinkan ku jira oo laga yaabo in ay wax badan ka beddesho fahamkii dhinaca caafimaad ee hore looga haystay. Qormadan waxa uu Geeska Afrika ku soo qaadanayaa qaar ka mid ah cuntooyinkaas lagu xusay natiijada daraasaddan oo uu faafiyey wargeyska Daily Mail.

Bare-sare Scott Harding oo cilmiga nafaqaynta ka dhiga jaamacadda King’s College ee London, ayaa dib u qiimayn ku sameeyey shan nooc oo ka mid ah cuntooyinka ay dadka qaar aaminsan yihiin in ay dhibaato ku keenaan caafimaadka, isaga oo baadhis cilmiya oo xeeldheer ku sameeyey daraasada caafimaad ee hore loogu eegay cuntooyinkan iyo weliba waayo-aragnimada iyo natiijooyinka casrigan hadda ah lagu arkay isticmaalka cuntooyinkan, waxaana u soo baxday natiijo beeninaysa fahamkaas hore. Waxa aanu Harding ku talinayaa in cuntooyinkaas cunistooda dib loogu noqdo oo weliba lagu daro cuntooyinka muhiimka ah.

Haddaba qormada khusaysa cuntooyinkaas kuwooda dalkeenna laga heli og yahay oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa ah:

1. Beedka:

Dadbaa aaminsan in beedku aanu u fiicnayn caafimaadka wadnaha, iyaga oo taas u cuskanaya in beedka uu ku jiro Kalastarool qiyaastiisu dhan tahay 185 Miligiraam, sidaa awgeedna uu kor u qaadayo Kalastaroolka dhiigga ku jira. Laakiin Labaatankii sano ee ina dhaafay, cilmibaadhisaha la sameeyey waxa ay muujiyeen in cunista xaddi macquul ah oo Kalastarool ahi aanu saamayn laga baqo ku yeelan karin heerka kalastaroolka dhiigga.

Xeeldherayaasha caafimaadkuna waxa ay hadda isku dayayaan in ay saxaan fahamkaas hore ee qaldanaa, waxa aanay xaqiijiyeen in beedku uu ka mid yahay ilaha laga helo Barootiinta iyo dufanka caafimaadka qaba iyo sidoo kale Faytamiinno iyo macadanno muhiim u ah jidhka.

2. Baradhada:

Baradhada waxaa ku jira xaddi badan oo ah Kolooris (Calories), sidoo kale waxaa lagu tiriyaa cuntooyinka leh Carbohydrate jidhku si fudud u nuugi karo oo ay tahay in laga dheeraado. 

Laakiin waxa iyaduna taas barbar taalla oo aan la sheegin inta badan in baradhadu ay tahay il muhiim ah oo laga helo Carbohydrate ka jidhku u baahan yahay, Faytamiinnada kala ah C iyo B, iyo sidoo kale macdanno ay naadir tahay cunto kale oo laga helaa. Sidoo kale in baradhada la kariyo kadibna tallaagada la geliyaa waxa ay raad fiican oo jidhku u baahan yahay ku yeelataa bakteeriyada midhicirada.

3. Caanaha:

Caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegto, sida labeenta, burcadku waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha muddooyinkan dambe isticmaalkoodu aad ugu yaraaday dunida, sababta ugu badanina waa wararka sheegaya in ay raad xun ku yeeshaan caafimaadka, laakiin dadka aaminsan in dufankani uu khatar ku yahay caafimaadku waxa ay ka eegeen dhinac keliya, iyaga oo dhinaca kalana iska baal maray xaqiiqda ah in jidhka bani’aadamku u baahan yahay Barootiinta iyo Kaalshiyaamta ku jirta caanaha. Waxa keliya ee qofka la gudbooni waa in uu si hubsiimo leh dhamo caanaha ama u cuno cuntooyinka laga dheegto, maadaama oo ay badhkood leeyihiin dufan nooca aan fiicnayn ah.

Scott Harding waxa uu ku talinayaa in dufanka la yaraysto, laakiin ay qalad tahay in gebi ahaanba la joojiyo, sidoo kale waxa uu sheegayaa in caanaha cabbistooda oo la joogteeyo iyada oo aan lagu talax-tegeyn cabbistooda, ama xaddi badan laga cabbayn aanay wax dhibaato ah ku lahayn caafimaadka.