Geeska Afrika Oo Xogo Ka Helay Kulan Nayrobi Ku Dhex Maray Wefti Somaliland Ah Iyo Saraakiil Safaaradda Maraykan Ah

0
668

Hargeysa(Geeska)-Arbacadii 27 April, waxa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya kulan ku yeeshay wefti ka socda Somaliland iyo safaaradda dalka Maraykanka, gaar ahaan qaybteeda qaabilsan arrimaha Somalida.

1

Kulankaas, waxa dhinaca Somaliland uga qayb galay murashaxa iyo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirada khaarajiga Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, halka ay safaaradda Maraykanka uga qayb galeen koox uu horkacaayay safiir ku xigeenka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya.

 Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in kulankaas ay masuuliyiinta ka socotay xukuumadd aiyio xisbiga KULMIYE ku soo bandhigeen xaaladihii u dambeeyay ee Somalialnd, gaar ahaan diiwaangelinta cod bixiyayaasha, iyagoo balan qaaday in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi doonto. Sida ay ilahani sheegeen waxase ay masuuliyiinta Somaliland tilmaameen suurtogalnimada in la kala qaado doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka, iyagoo sheegay in shuruuc qabyo ku ah golaha wakiiladu aanay saamaxayn in doorashada Baarlamaanku mar la qabsoonto doorashada madaxtooyada.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa tilmaamay in doorashooyinka oo la kala reebaa tahay wax adag, maadaama oo hore la iskugu raacay, maxkamaddana sarena ansixisay. Waxaanay masuuliyiinta Somaliand u soo jeediyeen in hal mar la wada qabto doorashooyinka, mar haddii la hayo dhaqaalihii iyo imkaaniyadaadkii kale ee loo baahnaa.

Waxa kale oo ay masuuliyiinta dawladda Maraykanku kulankaas ku soo bandhigeen walaac ay ka qabaan wada shaqaynta ay la leeyihiin xukuumadda Somaliland, iyagoo xusay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uu ka dhex jiro is barbaryaac iyo kala dambayn la’aan saamayn ku yeelanaysa xidhiidhka ay la leeyihiin caalamka.

Masuuliyiinta waxa kale oo ay muujiyeen soona jeediyeen in la kordhiyo awoodda la dagalaanka kooxaha argagixisada ah.

Geesta kale,  Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, oo qoraal kooban ka soo saaray kulankaas ay la yeesheen safaaradda Maraykanka, ayaa wuxuu yidhi ““ Waftigayagii ka socday Xukuumadda Somaliland iyo Gudoomiyaha xisbul Xaakimka KULMIYE ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay ku xigeenka Safiirka Dawladda Maraykanka ee Somaliland Iyo oo ay Wehelinaysay haweenayda kaaliyaha labaad ee arrimaha Siyaasadda.

Saraakiishaasi Maraykanka ah waxaanu yeelanay kulan qiimo badan oo aanu kaga wada hadalnay arrimo doora oo ay ka mid yihiin Xoojinta xidhiidhka Dawladda Maraykanka iyo Jamhuuraiyadda Somaliland. geedi socodka Dumuquraadiyada. Arrimaha diiwaangalinta cod-bixiyeyaasha iyo guud ahaan Doorashooyinka Somaliland. wadahadaladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah, dhamaan qodobadii aanu ka hada hadalnay waxaanu ka gaadhnay is afgrad buuxa iyo najiito wanaagsan."