Xildhibaan Buubaa Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya

0
745

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah Guddoomiyaha Guddida joogta ah ee Golaha Wakiilada iyo Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa wuxuu ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in tan iyo wakhtigii la bilaabay wada hadalada in aan Golaha Wakiilada la hor keenin waxyaabaha lagu wada hadlay, waxaanu sheegay inay dib u eegi dooonaan wada hadalada iyo waxyaabaha iska bedelay.

1

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada iyo Diiwaangelinta, waxaanu yidhi "Tani iyo Sannadkii 2012, markii ay Xukuumaddani wada hadalada la furtay Somaliya, ilaa maanta wada hadaladu wax midho dhal ah oo ka soo baxay ma jiraan, anjande toos ah oo ilaa hadda laga wada hadlay ma jiro, marar badan ayey Somaliland iyo Somaliya wada hadleen, mar qudha waxyaabaha ay ku wada hadleen Golaha Wakiilada lama hor keenin, loomana sharixin, kolba Guddi iyo Cid gaar ah ayaa tagta, oo hawshaas wada hadalada loo xilsaara, markaas madaama aanu markii hore Golayaasha sharci ogoladeen in lala hadlo Somaliya, imikana haddii aanu Wakiilada nahay waxaanu doonaynaa in aanu dib u eego wada hadaladu inay wax inoo soo kordhiyeen oo ay faa'iido inoo leeyihiin iyo inay khasaare inoo soo kordhiyeen, haddii ay khasaare inoo soo kordhiyeen dib ayaanu ugu noqon doonaa ogolaansha aanu ku ogolaanay wada hadalada Somaliya".

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa  ayaa mar wuu ka hadlaayey Diiwaangelinta ayaa yidhi "Waxaan shacab weynaha reer Somaliland gaar ahaan Shacabka ku dhaqan Maroodi-jeex,  ku gubaabinayaa kuna dhiirigelinayaa inay Kaadhka Diiwaangelinta cod bixiyaha qaataan, si ay hadhaw u muujiiyaan codkooda, waxaana leeyahay ha is dhiganin, hana dhayalsanina kaadhka diiwaangelinta, maxa yeelay qiimo ayuu leeyahay,, qofka haddii wuu is diiwaangelin weyana wuxuu waayaya xuquuqdiisi uu ku codeyn lahaa".

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar wuu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi "Muddo kordhin ayaa Xukuumaddan loo sameeyey, oo laba sanno ayaa muddo xileedkeedii loogu daray, Sannad wuu tagay, Sannad ayaa hadhay, waxaan Komishanka Doorashooyinka ku dhiirigelinayaa inay ku dadaalan sidii ay Doorashadu wakhtigii loo cayimay ku qabsoomi lahayd, waana soo dhaweeynayaa hadalkii Madaxweynaha ee ahaa inay ka go'an tahay qabsoomida Doorashada wakhtigii loogu talagalay, waxaana ka digayaa inay Doorashadu dib u dhacdo, oo wakhtigeedii diib uga dhacdo, oo muddo kordhin dambe la sameeyo, waxaana waajiib ah in Dastuurka, Sharciga iyo Dimuqraadiyada dalka la ilaaliyo,haddii aanu nahay Xisbiga Waddanina diyaar ayaanu u nahay mar kasta Doorashada".