“Waxa Innaga khaldan Koox baa Dalkii Qabsatay”Sheekh Aadan Siiro

0
779

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa isbarbar-dhigay Sababihii keenay in Muslimiintu ku jabaan Dagaalkii UXUD iyo Sababaha Somaliland u horseedaya Mushkiladaha baahidu ka mid tahay.

1

Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu sheegay in Sababaha ay Saxaabadii Nebigu ugu jabeen Dagaalkii UXUD ahayd in Koox gaar ahi isku deyday inay qaadato wixii Muslimiinta ka dhexeeyay ee lagala hadhay Gaaladii Reer Qureysh, laakiin markii ay ku mashquuleen Xoolahaasi la dhabar jabiyey oo laga adkaaday, isagoo taasi ku mataalay in dhibaatooyinka kala duwan ee haysta Shacabka Somaliland ay Sababteedu tahay in Kooxo Gaar ahi u heshiiyeen inay qaataan Hantida Ummadda ka dhexeysa.

Sheekha oo arrimo badan kaga hadlay Khudbaddii Jimcaha ee Shalay, ayaa isaga oo arrimahaa isbarbar-dhigaya yidhi, “Naar baa lagu galay Go’ Muslimiinta ka dhexeeyay oo Nin gaar ahi iska qaatay, maxaa innaga inaga khaldan, waxa inaga khaldan Koox baa Dalkii qabsatay, maca kuwa soo socdaa waa Kooxo heshiis ku ah waxa Ummaddu leedahay.”

Sheekh Aadan-Siiro, oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Nebigii Qu’aanku ku soo degayey muxuu ILAAHAY ka yeelay, markii Kooxi ku heshiisay inay qaadato wixii Ummadda Muslimk ah ka dhexeeyay, muxuu ILAAHAY ka yeelay oo lagu xukumay kuwaasi (Saxaabadii Nebiga ee Dagaalkii UXUD), si aynu u fahamno oo aynu uga noqonno halka wax ka qaldan yihiin. Aa’imada Muslimiinta ee Taariikhda wax ka qortaa waxay yidhaahdaan 733 Nin ee Saxaabada waxa Nebiga ku soo hadhay 14 Keliya (Markii Dagaalkii UXUD lagu jebiyey), Ciidankii Qureysheed wixii dhintay iyo wixii la dhaawacay mooyaane intii kale waxay ku soo jeedeen Rasuulka (CSW). Waa intaan u sheegayo inta Maanta talada Ummadda Gacanta ku haysa, waa intaan u sheegayno inta Aqoonta leh, Markaynu ka jawaabeyno halkay wax ka qaldan yihiin, markaynu ka jawaabeyno maxay Carruurteennu Badaha ugu dhimanayaan, markaynu ka jawaabayno waa maxay Maatidan soo wada oodatay. Waa Maxay Mushkiladda Maanta ina haysataa, waxa weeyaan Koox baa doonaysa inay Lacagta Dalka oo dhan qaadato, Koox baa dooneysa inay Dhulka Dalka oo dhan qaadato.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay dhaqan Xumo  uu Nin Gaal ah oo Falal dhaqan xumo ah si joogta ah uga sameeya Hargeysa, “Maxaa Hargeysa ka jira?, Nin Gaal ah oo Swedish ah, ayaa Habeen walba yidhi Inan hala ii keeno, Habeen Walba Inan buu qaataa. Waa Nin Nolosha ka dhacay, oo aan Aqoon lahay, Diin lahayn, oo aan Karti lahayn, ahna kuwaa marka ay Nolosha ka dhacaan ee ay Waddooyinka ka soo qaadaan shaqo looga sameeyo Dalalka Muslimiinta iyo Waddamada Afrika. Ninkaa waxa ku dhaaranaya Afarta Inan ee Habeen iyo Maalinba la shaqeynaya, oo leh waar Ninkaasi waxaas ayuu sameynayaa. Intaas oo jeer baa la yidhi Ninkaa wax ha laga qabto.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu  ka hadlay sababaha dhiiri-gelinaya Tahriibka, “Tahriibka aad ka sheekaysaa waa maxay, bal waxaad ii sheegtaa Masuulka Maanta aan haysan Baasaaboor Dal ajaanib ah, inta aan Baasaabooro haysanna qorshahiisa ayay ku jiraan, taasina waa Sababta Keenaysa (Tahriibka). Inanku markuu arko in Waxa Masuuliyadda lagu helayaa tahay inaad soo yar war-wareegto (Qurbaha) oo kii hayey Masuuliyadda hayey uu Hantidii Ummadda ku baxayo, maxaad ka sugeysaa inta kale?. Waar Dalka u tudha oo Caqligiina iyo Cilmigiina Dadka iyo Diinta ugu gargaara, waar kuwaa aynu ka warrameyno ha isbarbar taagina.”