Abaartii Aynu Ogeyn, Eedaadkii Ka Danbeeyay Iyo Biyahaa Baylahda Ah Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

0
1034

Abaartu waa masiibo dabiiciya Illahey ayaana inooga gargaari kara, waa imtixaanada aduunka lays mariyo ee Ilma Aadan lagu eegayo mid kamid ah kaligeed maaha ee waxey wadataa oo hoos yimaada masiibooyin kale sida gaajo, haraad, kuleyl iyo mararka qaar cuduro.

indexkjkjk

 Mudooyin dhawaana waatii abaaro ba,ani inagu habsadeen wallow aan magac loo bixin, wakhtigooda oo iska gaabnaa awgood, haddana mudadii koobnayd ee aynu ka cabaneynay waatii cir iyo dhulba ina qaadi waayeen, ee boqolaalka booyadod waxba tari waayeen, oo maxey tari ma kolay dhulka doog kasoo saarayaan mise kolaa dhib lagaga raysanayaa waa barina keene, alla nimcadu wanaagsanaa markaan laguu xisaabinayn een laguugu mano sheeganeyn “ meel hebla ayaanu gaynay saddex boqol oo booyadood iyo soddon gaadhi oo raashin ah” intaasey meel walba ka sheegayaan oo shaashadihiiba daaliyey. Alle (SW) arsaaqdiisa cir iyo dhulba buuxisay inooguma mano sheegto, inana ma mahadino haddeynu mahadinona ma badino.

Aan holado halkaan u dan leeyahaye imika nimcadii waynaa ka hirqaney ee aanu roobku hadh iyo habeen inaga qaadeyn, xareeduna meel walba mulacyeynayso, dhirtiina cagaarka iyo quruxda waa taa durtaba la daawanayo, xoolihii shaley gaajada iyo haraadka u madhanayey durba ka dhacdey dhogortii madoobayd iyo diiftii abaaruhu ku reebeen, rihiina wakaa foodhida miciinsadey, biyihiina dooxba doox siduu ugu sii dhiibayey waa kuwaa khasaare iyo badda ku dhamaadey, baalayadu sideedaba ka hortag bay leedahee ka daba tag malaha, inta hadhaw la kadh kadhlayn lahaa ee kolba baaq iyo baroor la diri lahaa miyaaney ka habooneyn in la asteeyo qorshe wax ku ool ah oo biyahan looga faa,iidaysan karo?. Kolayba dhaqaale waa kii baxee, miyaaney inala gudbooneyn intaaney gaadhin Qudhbax iyo in la le,do dad iyo duunyaba  in Lacagta la huro?

Dadkeenu maba badna oo afar dhaam oo hareeraha laga kala sameeyo ayaa aad inoo anfacaya oo mudo badana ina haynaya, wax kasta waa la fishaaye, saddex, laba bilood markeynu tahli waynay bal ka waran sanad iyo ka badana.

Sidan haleysku dhaamo waliba waxa ay qormadani abaareysaa dawladda oo masuul ka ah shacabkeeda iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta, kol aynu iskaa wax u qabsona u dhisno oo dhalinyarta dugsiyada iyo jaamacadaha dhigta into la geeyo ay iyaga laftoodu dhisaan.

Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com