Cibaarooyinka Mucjisda Ah Ee Ku Duugan Dabeecadda Iyo Hab-Dhaqanka Shimbirta Tukaha Loo Yaqaanno

0
1262

ddddHargeysa (Geeska)- Tukuhu waxa uu ka mid yahay shimbiraha aanay dhaqan ahaan Soomaalidu ammaanin, waxa aana ku haaraamaan qiso ay ku sheegaan in Nebigeennii Muxammed (SCW) uu ka daba waaqleeyey markii uu Makah ka soo haajirayey xilli uu dhuumasho ku jiro oo cadawgii ku raad joogaan isaga iyo saaxiibkii Abu Bakar Siddiiq (Alle ha ka raalli ahaado ee). Taasi waa mawduuc kale ooo aynaan hadda u socon, Laakiin qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Shasha News waxa ay ka eegaysaa dhinac kale oo ah xaqiiqooyin ina tusaya xikmad Rabbaani ah iyo cibaaro yaab leh oo ku jirta nolosha iyo dabeecadda Tukaha.

Sida la og yahay dhagartii ugu horreysay dunida ee naf aadame lagu dilay waxa ay ahayd tii ay isku khaarajiyeen labadii wiil ee Nebi Aadam (CS), Qaabiil iyo Haabiil. Waxa ay ahayd markii uu Qaabiil dilay walaalkii Qaabiil, sababtuna ay ahayd xaasidnimo iyo calool xumo uu dhex dhigay Ibliis oo hore Alle hortiisa uga ballan-qaaday in uu illaa maalinta qiyaame ilma Aadam karkaar weydaarintooda ku hawlanaan doono.

Qaabiil markii uu walaalkii Habiil dilay, ma’ uu garan si uu yidhaahdo mayd, kadib waxa uu Alle soo diray tuke si dadban Qaabiil u baray in uu aaso maydka walaalkiisa uu dilay, sida Qur’aanka ku cad Qaabiil waxa uu arkay Tukahan oo aasaya tuke dhintay, waxa aanu halkaas ka qaatay dersi ah in aanu ka liidan tukahaas oo isna uu maydka walaalkii aaso. Uma soconno qisadaas balse waxa aynu hoosta ka xariiqaynaa marka koowaadba in Tuke uu yahay shimbirka bani’aadamka baray in maydkooda ay aastaan. Waxaa ka fikiris iyo u fiirsi mudanina waa in Alle shimbirihii kale oo dhan ka soo dhex doortay Tuke si uu dersigaas culus Aadamaha u baro. Aynu eegno dhowr ka mid ah dabeecadaha shimbirkan Alle u doortay in uu ina baro aasidda maydka:

– Dadka sii baadhay xikmaddan Rabbaaniga ah oo ka sarraysa mid dhayal Aadame ku wada garan karo, waxa ay ogaadeen in shimbirka Tukuhu uu yahay shimbirka ugu fariidsan shimbiraha oo dhan. Cilmibaadhis gaar loogu sameeyey garaadka shimbirkan waxaa lagu ogaaday in labada waaxood ee maskaxda shimbirka Tukuhu ay ka weyn tahay maskaxda dhammaan shimbiraha la yaqaanno.

Tukuhu waa noole bulshaawi ah sida aadamaha, waxa aana yaab leh in uu leeyahay nidaam maamul oo ay jirto kala dambayn iyo in la abaal mariyo kooda gef gala. Tusaale ahaan khubarada ku xeeldheer daraasaynta dabeecadaha xayawaanka ee u kuur-galay nolosha tukuhu waxa ay ogaadeen in uu leeyahay nidaam sida maxkamadda ah, oo lagu ciqaabo ciddii qaldanta. Waa nidaam uu dheer yahay noole kale oo badan, walow ay jiraan kuwo iyaguna leh nidaam u eeg ka dawladnimo ee aadamaha. Macluumaadka la xidhiidha nidaamka maxkamadeed ee tukaha oo lagu ogaaday daraasadaha kala duwan ee lagu sameeyey waxaa ka mid ah: Marka mid ka mid ah tukuhu uu ku kaco wax gef ku ah niidaamka sharci iyo garsoor ee Alle (SWT) ku beeray Tukaha, waxaa isu yimaadda xeer beegti tukaha ka mid ah oo xukunka tukahaas ridda, sida ay xukumaan ayuun baana lagu fuliyaa.

Ciqaabta dembiga ah in tuke weyni uu cuno cunto loogu talogalay dhasha aan weli awoodin in ay qadhaab tagto: Koox tukayaal ah ayaa loo saaraa in ay tukahaas ku soo hoos noqday cuntada dhasha baalalka afkooda kaga rifaan, illaa heer ay baalka oo dhan ka dhammeeyaan oo sida dhashii uu cuntada ka cunay, uu awoodi waayo in uu duulo oo qadhaab doonto.

– Ciqaabta dembiga ah in tuke burburiyo buul-cawska tuke kale: Garsoorka tukeyaashu marka ay dul fadhiistaan buul shimbireedka la burburiyey, cabbaar kadib waxa ay qaadaan tallaabo khubaradu ay ku macneeyeen xukun ay gaadheen oo ah n tukahaas burburiyey lagu qasbo in uu isagu kelidii buul cusub u dhiso tukaha uu ka burburiyey.

– Ciqaabta ka taalla tukaha ku xad-gudba tukaha dheddig ee lammaanaha ku tuke kale oo lab: Xeerka tukeyaasha ayaa ah in tukaha ku xadgudba tuke dheddig oo tuke kale ay wada nool yihiin, xukunkiisu uu noqdo dil. Koox tukayaal ah ayaa ku soo xoonta oo tukahaas xad-gudbay afka ku mud-mudda illaa uu dhimanayo.

Khubarada fiirada gaarka ah u yeeshay hab-dhaqanka tukuhu waxa ay sheegeen in maxkamadda tukayaashu ay ku qabsoonto beeraha dhexdooda ama dhul ballaadhan oo ay ku soo wada degaan waqti go’an, kadib waxaa la keenaa tukihii eedaysanaha ahaa oo ay hareero socdaan tukayaal si aad ah u ilaalinaya si aanu u baal marin maxkamadda, haddiiba uu isku dayana weeraraya. Marka uu soo fadhiisto golaha maxkamaddu ka dhacaysana waxaa hareero fadhiista koox tukayaal ah oo ilaalinaya. Tukaha dembiga qabaa maxkamadda horteeda waa uu foorarsadaa oo baalasha inta uu kala bixiyo hoos u dhigaa, waxa aanu joojiyaa cida, taas oo ay cilmibaadhayaashu ku macneeyeen in ay tahay qiraal uu dembiga ku qiranayo.

Marka xukunka la gaadho waxaa lagu gartaa, durbadiiba waxaa bilaabata fulintiisa oo kooxdii tukayaasha ahayd ee ilaalada ka ahayd tukaha dmebiga loo haysto ayaa mar keliya ku jeesta oo afkooda baalasha kaga rifa. Arrinta mucjisada ahi waxa ay tahay in mid ka mid ah tukayaashani uu qaado maydka tukaha la dilay, kadibna uu ku rido god uu afkiisa ugu qoday oo le’eg, marka uu ku ridana uu ciidda sida xabaasha caadiga ah ugu soo rogo, taas oo ah halka ay aadamuhu ka barteen xurmaynta maydka ee ah in la aaso. Dhammaad.