Sahra-Yartii Miyiga Waxa Qoray Cumar Seerbiya

0
863

Gaaruf oo ahaa ninkii ugu reer magaalsanaa deegaan Miyi ah oo aan yaraantaydii ku barbaaray, waxa uu ahaa Kaari baabuurta Hargeysa iyo deegaanka u kala raaca.

sss

maqribkii markaan xoolaha soo xarayno aniga iyo dhallinyaro wiilal gabdho iskugu jira waxaanu iskugu iman jirnay goob ardaa ah ' halkaasi oo saacado badan oo habeenkii ah aanu ku balweyn jirnay heeso sideed ah oo ku duubnaa laba canjaladood oo aanu ka shidan jirnay Raadyaw guriga Gaaruf yaallay oo National midabkiisu casaan yahay biryarna xaga sare ka taagantahay/eryal 
markasta labada canjaladood mid caddaan ahayd midabkeedu ayaa markaanu raadyawga gelino ee aanu daarno waxay ku bilaabmi jirtay Hees ay wada qaadi jireen Sahra Axmed Maxamuud oo loo yaqaanay Sahra-yar iyo Axmed Gacayte Yuusuf heestaas oo lagu magacaabo 

(gocomada ha ii jarin )
Sahra yar sannado ka dib magaceedii waxa loo bedelay Sahra Halgan

Waxaana marka hore loogu bixiyey Sahra-yar si aan loogu qaldin Sahra Axmed oo ay labada magac ee hore wadaagaan