Mashruuca Banka Qoolcaday Xal Mushkilad Qaran Mise Mid Deegaan?Qalinkii Dr.Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog)

0
711

in abwaan ah oo gabay fiican meel fagaare ah ka tiriyey ayaa gabaygiisa ku bilaabay:

Kolkastoo la gaadhaba                 adduun kiis hor laa imane

Midh kutidhi-kuteen ihi                Mar buu hadimo keenaaye

Kelmed layska sheeg-sheego         oo loo kufaa badane

Kolley iyo kolleytana                     khilaaf waa karaahiyo  eh           

Anigoo kaskay doodayoo                kal iyo laab xaadhan

Kaftan laguma daalee                      run baa gole la keenaaye

War bal kowdhe faallada                 abwaan kaadsadaan ahaye

Anigu abwaan ma ihi laakiin waxan u daliishaday tixdan kas doodistayda iyo kal iyo laabxaadhnaanta aanan cidna ku xumaynayn dan gaar ahina igaga jirin. Akhristeyaal idinkoo salaaman waxa in badan aynu aragnaa, maqalnaa amaba akhrinaa iyadoo laga hadlayo mashruuca qoolcaday oo ay dadku ugu qaybsanaayeen mid diidan iyo mid ogol, iyadoo in badan oo dadkaa ka mid ahi aanay xog ku filan ka hayn waxa uu asal ahaanba yahay mashruucani, halka kuwa kalena ogsoon yihiin xaqiiqadiisa balse ay turjumaad qaldan samaynayaan. Haddaba dadka diiddan in banka la xidho waxay u badan yihiin dad u arka in aanu banka xidhiddiisu furdaaminayn mushkulad deegaan halka in yar oo ka mida laga yaabo in ay cid ku xumaynayaan ama dan u gaar ah ay ka dhex arki waayeen.

Dhanka kale, kuwa ku doodaya in banka la xidho oo ay horumar iyo dan wayni ugu jirto dadka iyo duunyada deegaanka waxay u qaybsamaan xoglaawe aan mashruucaba akhriyin oo dhegta loogu tuuray eesh-calaa mashruuc iyo mid badheedhaya dadkana been u sheegaya oo ay dan gaar ihi ugu jirto mashruuca, Tusaale ahaan wuxuu quud-darraynayaa amaba loogu ballan qaaday in la siin doono qaybta wacyi-gelinta dadwaynaha, qodista balliyada, qodista riigga, wareejinta dayrka, qandaraaska dhismayaasha, kiraysiga gaadiidka iyo masuul woxoogaa wanaagsan oo duco ah(?) ka qaadanayaa qandaraaslayaasha kala duwan een soo sheegay iyo wixii la mid ah ee dan shakhsi ah.

Haddaba dadkaas danaha gaarka ah lihi waxay ka mildhaabayaan in ay dadkooda runta u sheegaan dacarna ha ka qadhaadhaatee oo ay qanciyaan, waxaanay leeyihiin dadka dan ayaanu u wadnaa, waanay garan la’ yihiin, sidaa daraadeed annagaa u garanayna dantooda oo ku khasbayna illeyn waa dantoodee!. Waaba sidii dadka maskaxda wax ka qaba ee cuntada diida kolkaasna dhakhaatiirtu amarto in tuubada quudinta sanka laga geliyo si aanay u dhiman illeyn waa dantoodee hayskaba firig-firigleeyaan marka tuubada la gelinayee.

Haddaba akhriste magaca mashruucu waa mashruuca haynta xoolaha ee qoolcaday sida uu caddaynayo magaca mashruucu (project title). Sideedaba mashruuc waxa u shardi ah in ay jirto mushkilad la garawsan karo oo uu furdaaminayaa, haddii aanay taasi jirinna mashruucaasi maaha mid la aqbali karo ama maal-gelin heli kara. Sidaa daraadeed waa in lagu caddeeyaa qaybta hore ee hindisaha mashruuca (project proposal) mushkuladda uu furdaaminayo mashruucu oo faahfaahsan ama haddaan si kale u idhaahdo sababta kelliftay in mashruucan la hirgeliyo maal-gelinna loogu raadiyo.  

Haddaba muxuu yahay mushkiladda uu xalka u raadinayaa mashruucani? Bal aan wax yar wadaagno  sida ku qoran hindisaha mashruucan qaybta ka hadlaysa habboonida ama caqli-galnimada mashruuca (project rationale) iyadoo kooban:

Waxa uu sheegayaa qoraalku in maadaama aynu ku tiirsannahay dhaqaale ahaan xoolaha nool, ay muhiim tahay in aynu tayayno neefka inaga dhoofaya si uu caafimaad iyo miisaanba u yeesho oo uu tartan uga geli karo sayladaha dunida sidaa darteedna loo baahan yahay meel lagu daryeelo caafimaadkooda laguna naaxiyo.

Waxa jira sharci cusub oo dawladda sucuudigu soo saartay November 2013kii kaas oo loo qaybiyey dhammaan dadka keena xoolaha, kaas oo amraya in neefka xoolaha ah ee sucuudiya la keenayaa uu ku jiro karantiin muddo 30 cisho ah, sidaa darteedna aanay suurto gal ahayn in muddada intaa leeg lagu hayo xeebta Berbera loona baahan yahay meel bur iyo biyo leh oo aan xeeb ahayn oo uu daaqo 21 cisho laguna dhawro caafimaadkiisa.

Waxa kaloo mashruucu wax ka tari doonaa beerista iyo kaydinta calafka xoolaha, daryeelka deegaanka iyo la dagaalanka nabaad guurka iyadoo sidoo kale laga qaybin doono siidhka calafka xoolaha.

    Haddaba mashruucu waa ka caynkaas ah muhimadda mashruucuna waa labada qodob ee hore qodobka saddexaadna waa rimoodh uu jiidanayo  oo aanay labada qodob ee hore ka maarmayn. Kol hadday sidaa tahay sow maaha mashruucu xal u helid mushkilad qaran? Haa bay ila tahay waana daw in xal loo helo illeyn qaranka wuu innaga dhexeeyaaye. Haddaba waxay tahay in la is waydiiyo sida ugu habboon ee loo xallin karo mushkiladdan qaran.

Aniga waxay ila tahay in marka horeba halkay ka xumaatay ay tahay ka meermeerista xaqiiqada loo samaynayo mashruuca. Waxan haddaba ku talin lahaa in dadka sidaa loogu caddeeyo lana waydiiyo waxay ka xambaari karaan mushkiladda qarankooda, wixii ay qaadi kari waayaan ee soo hadhana la geeyo meelo kale oo munaasiba illeyn bannaanada iyo bananka Soomaaliland way badan yihiin, dhammaantoodna kama foga waddooyinka muhiimka ahe.

Banka qoolcaday wuxuu soo maray dhacdooyin tan oo kale ah ama u eg. Bilowgii lixdamaadkii waxa jirtey mar uu nin la odhan jirey Cali masiixi uu damcay in uu bankan ka sameeyo mashruuc beero ah, hasa yeeshee dadka degaanku way ka soo horjeesteen waxanay rasaas ku soo eryeen cagafyadii ninkaa sidaan warka ku qaatay, dhacdadaa waxa gabay ka tiriyey Alle haw naxariistee Cabaade Geelle oo gabyaa wayn oo la yaqaan ahaa isagoo tilmaamay in banku yahay meesha geelu uu ku nasto markuu aroorka ku yahay laasaska woqooyi halkaas oo kuraygu ku hakiyo geela inta raggii waraabin lahaa ee ku hakaday sallaxley soo gaadhayaan waxanu yidhi:

Marka haradigeed geelayagu                     waayo ku harraado

Isagoo huruuddiyo tifta                             iyo heeli ka casaaday

Hareer kama maree                                    waa bankaa wuxu u hoydaaye

Halkaasuu ku soo gaadhi jirey                  haarigii wadaye

Waxba yaan mashruuc la hinjiyo              iyo heed la ii qodine

HAAWIYE LA GEEYOOW                      MAXAAD NAGU HALLAYNAYSAY

Sidoo kale bilowgii todobaataneeyadii ayaa dawladdii Maxamed Siyaad ay xoog ku xidhay iyadoo dadku diidanyahay waxana dhacay dhimasho, dhaawac iyo dad badan oo la xidhxidhay. Dunidan casriga ah maantana ma taabbo geli karo mashruuc aan dadka ay khusayso quluubtooda laga dhaadhicin oo aanay yaqiinsanayn in ay mashruucan iyagu leeyihiin (project ownership), taasna wax masuuliyad ah layskama saarin waana halka mashruucu u dhimanayo waxase laga doorbiday qaabkii la eeday ee amar kutaaglaynta.