Faa’idooyinka Istaagga (Sara-Joogga): Waxa Uu Ilaaliyaa Caafimaadka Wadnaha Iyo Heerka Kalastaroolka

0
647

Paris (Geeska)- Cilmibaadhis ay dhowaan faafisay majaladda European Heart Journal ayaa daaha ka rogtay in keliya in qofku uu taagnaado waqti ka badan inta uu fadhiyaa, ay qayb libaax ka qaadato ilaalinta caafimaadkiisa. Maadaama oo uu sara jooggu uu sabab u noqdo in uu wanaagsanaadaan heerka dufanka (Kalastarool) Xaydha, iyo Sonkorta dhiigga kuwaas oo haddii xaddigooda saxda ah ay ka bataan aalaaba keena in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiiggu.

Khubaradu waxa ay sheegeen in sara-jooggu uu sidoo kale socodka kaga fiican yahay wax ka qabashada xaydha ku ururta dhexda qofka. Bare-sare Francisco Lopez-Jimenez oo ka tirsan xarunta Mayo Clinic ee dalka Maraykanka aya mar uu arrintan ka faalloonayey waxa uu yidhi, “Daraasado badan ayaa muujiyey in dhaqdhaqaaqa jidhku uu si guud hoos u dhigo sababaha dhimashada keena, mushkiladaha wadnaha iyo xididdada dhiigga, Macaanka noociisa labaad oo aad dunida ugu badan, buurnimada iyo noocyo badan oo kansarka ka mid ah”

Khabiirkani waxa uu sheegay in halka imika ay ka tahay in qofku uu waqti go’an jimicsi iyo orod sameeyo, kadibna hawlihiisii ka bilowdo ay ka fiican tahay kana waxtar badan tahay in uu caado ka dhigto, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waa in aynu ka hor nimaadnaa nolosha reer magaalka, dadka yeynaan ugu baaqin keliya jimicsiga joogtada ah. Qofka laba saacadood u socda shaqadiisa, afar saacadood oo kalana istaag ku dhammaysta, saacad kalana shaqooyinka guriga ee istaagga iyo socodka ah wax ka qabtaa, waxa uu gubayaa in ka badan inta uu kubo qofka saacad ordaa” Francisco waxa uu ku taliyey in xafiisyada lagu soo kordhiyo miisas iyo qalab ogolaanaya in qofku uu marar qaarkood sara joogga ku shaqaysan karo”