Dawladda Turkiga Oo Hargeysa U Soo Dirtay Wefti Culus Oo Shalay Soo Gaadhay Iyo Dawladda Somaliya Oo Turkiga U Dirtay Wasiirkooda Khaarajiga

0
626

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Turkiga ayaa magaalada Hargeysa u soo dirtay wefti culus oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka wadanka Turkiga.

1

Weftigan oo shalay dalka yimid, ayaan wax hadal ah siinin saxaafadda, laakiin wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in weftigani ka koobanyihiin guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Turkiga iyo safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, "Waftigani waxa ay ka kooban yihiin laba qof oo kala ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Barlamanka, midina waa Safiirka u fadhiya Muqdisho, kolka waxa aan filayaa inay nagala hadli doonaan arimo la xidhiidha horumarka iyo wada hadalka, wali ismaanu hor fadhiisan lakiin socodkoodu waxa uu la xidhiidhka labada dal iyo wada hadalka.” ayuu Wasiir Sacad si kooban u yidhi.

Weftigan ayaa Somaliland soo gaadhay ka dib qaraxii loo gaystay diyaaradda Daallo ee walaxda Qaraxda lagaga raray madaarka Muqdisho, taas oo la aaminsanyahay inuu ahaa qarax lagu waday diyaaradda Turkiga oo ka baaqatay duulimaadkaas, iyadoo qofka qaraxa loo tuhunsanyahay uu ku qornaa diyaaradda Turkiga inuu raaco.

Geesta kale, dawladda Somaliya ayaa qaraxaas, ka dib wadanka Turkiga u dirtay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaan Hadliye, waxaana la saadaalinayaa in qaraxaas ka dib ay wax iska bedelaan xidhiidhka Turkiga iyo dawladda Somaliya.