Xildhibaanada Waddani Oo Abaabulaya Mooshin Wakiilada Lagaga Dalbanayo In La Ansixiyo Gobalnimada Gabiley Iyo Hawd

0
540

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada  ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee ku jira golaha wakiilada Somaliland, ayaa diyaarinaya inay fadhiga u horeeya ee golahooda geeyaan mooshin lagu ansixinayo gobalnimada Gabiley iyo Hawd oo ka mid ah gobalo uu Madaxweynihii hore magacaabay balse aan weli la ansixin.

1

Xildhibaanada ayaa golahooda hor geyn doona mooshinkan oo ay ku dalbanayaan in la qiimeeyo gobalada cusub ee Somaliland, waxaanay si gaar ah u soo xulan doonaan labada gobal ee Gabiley iyo Hawd oo hore u ahaa degmooyin ka tirsan gobalka Maroodi jeex ee caasimaddu ku taalo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa khudbado uu ka jeediyay magaalooyinka Baligubadle iyo Gabiley, wuxuu ku balan qaaday in haddii uu talada qabto uu ansixin doono gobalnimada labadaas gobal ee Gabiley iyo Baligubadle, laakiin shantii sannadood ee la doortay iyo laba sannadood oo loogu kordhiyay ayaa u muuqda inay dhammaanayaan isagoon waxba ka fulin balan qaadyadaas.

Xisbiga Waddani ayaa haddii uu ku guulaysto inuu golaha soo dhigo mooshinkaas, wuxuu labadan Gobal ka heli doonaan kalsooni laga yaabo inay codkooda ku siiyaan wakhtiga doorashada.