Xoggo Yaab Leh Oo Ka Soo Kordhay Qaraxii Diyaarada Daallo

0
625

Hargeysa(Geeska)-Diyaaradii Daallo Airline, ee horaantii bishan qaraxa lagu waxyeeleeyay magaalada Muqdisho ayaa waxa ka soo baxaya xogo kala duwan.

1

Telefishanka CNN ayaa habeen hore baahiyay in walax qaraxda oo lagu xidhay Kombiyutarka gacantu ay sababtay qaraxa.  Dawladda Somaliya ayaa baahisay muuqaalo laga soo saaray kamaradaha qarsoon ee ee garoonka Muqdisho, kuwaas oo muujinaya laba ruux oo isu dhiibaya koombiyuutarka, waxaana labadaas ruux oo ka mid ah shaqaalaha madaarka loo taxaabay xabsiga. Hase yeeshee arrinta yaabka leh ee uu Telefishanka CNN sheegay ayaa ah in saddex cisho ka dib qaraxii diyaaradda, qarax kale  lagu dilay mid ka mid ah labadaas ruux. Telefishanku wuxuu sheegay in qofkaas lagu qarxiyay baabuur uu la socday, ka dib markii uu wadihii baabuurka oo ahaa ruuxa kale ee isna muuqaalka kamarada kala soo baxay uu gaadhiga ka degay una sheegay inuu tukaan alaab ka soo iibsanayo, markaas oo baabuurkiina qarxay.

Sababta keentay in qarax lagu dilo, labada nin ee muuqaalada qarsooni soo saareen islamarkaana xabsiga looga sii daayay ayuu Telefishanku tilmaamay inay dareeno iyo su’aalo badani ku gadaamanyihiin.

Telefishanku, wuxuu kaloo falanqayn ku sameeyay sababta keeni karta in walax qaraxdaa ay si fudud u dhaafto qalabka casriga ah ee yaalay garoonkaas Muqdisho ee lagu baadho alaabooyinka iyo dadka dhoofayaba.

Dawladda Somaliya, waxa ay qaraxaas ku tilmaanay mid argagixiso, laakiin cid ilaa hadda sheegatay ma jirto, waxaanay sheegasho la’aanta qudheedu ka mid tahay mucjisooyinka la arkay qaraxa diyaaradda Daallo ka dib.