Sheekh Aadan-siiro Oo Is Barbardhigay Xaaladda Abaareed Iyo Olelayaasha Siyaasadeed Ee Lacagta Badani Ku Baxdo

0
588

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xaaladda Abaareed ee Dalka ka taagan iyo Ololayaasha Siyaasadeed ee Dalka ka ka socda, isagoo isbarbar dhigay Dhaqaalaha ku baxaya Ololayaasha socda iyo Xaaladaha qalafsan ee ay ku sugan yihiin Dadka Abaareysani.

1

Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu sheegay in Dadka Reer Somaliland ee Xoolo dhaqatada ah ay Abaar baahsani haysato, laakiin, Shacabka badankiisa iyo Masuuliyiinta Dalku ku mashquulsan yihiin Doorashooyin iyo wax la mid ah.

Sheekha oo labadaa arrimood isbarbar-dhigaya, ayaa yidhi, “Waxa Dalka ku habsaday Abaaro sababay in Dadka iyo Xooluhu isla le’daan, haddana waxaynu arkaynaa tartan badan oo socda, oo Dad badan ay u ololeynayaan oo ay ka sheekaynayaan Madaxnimo iyo Masuuliyad. Waxaad la yaabaysaa Dad badan oo Magac iyo Aqoon lagu tuhmayo oo Huteellada waaweyn iyo Majaalista lagu Qayilo kaga murmaya Hebel baynu meesha saareynaa iyo Hebel baynu Meesha dhaafinaynaa.”

Sheekha oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Waxaynu ka sheekaynaynaa Doorasho iyo Boqol LandCruiser oo la is-daba geliyo iyo Casuumado ay ku baxaan boqollaal kun oo dollar, iyadoo aynu hor-taagan nahay Go’doon Siyaasadeed iyo Go’doon Abaareed oo Dadkii soo ooteen.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inuu ku qaldanaa Olole uu sheegay in Xisbiga KULMIYE looga sameeyay Masaajidka uu Khadiimka ka yahay ee Xaafadda Xawaadle ee Hargeysa, sidaa daraadeedna uu ILAAHAY Dambi dhaaf ka waydiinayo, maaddaama buu yidhi ay Xisbigaas ka soo baxeen Arrimo aan laga fileynin, “Waad ogeydeen oo hore ayaanu Masaajidkan uga ololeynay KULMIYE, waxaanu leenahay waanu Qaldanay ee ILLAAHAY (SW) ayaanu Dambi dhaaf ka waydiisanaynaa, waayo? Ismaanu lahayn Hargeysa ayaa lagu kala tagi, Ismaanu lahayn Dugsiyada Carruurta ayaa la iibin, Ismaanu lahayn Dugsiga Waxbarashada Dumarka “Women’s Club” ayaa la iibin, ismaanu lahayn waxa la isku qabsan boqolka Guri ee Mid walba Jaamacad uu noqonayo ama uu Dugsi sare noqonayo, ama haddii Dalkan la ictiraafo uu mid walba noqonayo Safaarad, ayaa koox inoo heshiisay ay qaybsan doonaan ismaanu lahayn. Bashar baynu nahay oo mar baad is odhanaysaa Malaha halkaas ayay ka dhowdahay, laakiin, markaad aragto inaad ku jabtay waa inaad ILAAHAY dambi dhaaf waydiisato.”

Sheekha oo sii hadlaya, ayaa sheegay inuu Islaamku la dagaalamay in Koox gaar ahi talada Muslimiinta qabsato, “Islaamku wuxuu la dagaalamay oo uu diiday in Talada Muslimiinta ay Koox qabsato, markaad u baahan tihiin wax idin badbaadiyana waxaad u baahan tihiin ka ILAAHAY ugu dhow, waxaad u baahan tihiin ka ugu Caqliga badan ee garanaya waxaad doonaysaan, waxaad u baahan tihiin mid aan Hunguriga uun aan ka shaqeynayn, waayo? ILAAHAY isagoo isku dhaaranaya wuxuu yidhi ‘waanu Xisaabin doonaa Rusushii loo diray (Ummadda), waxaanu waydiin doonaa wixii loo diray siday u dhamaystireen, kuwii loo diray ee Shacabka ahaana waanu Xisaabin doonaa siday yeeleen.’.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo Arrinkaa barbar-dhigaya Xaaladda Hanti boob ee Somaliland ka socota, “Bal ka waran markaad qaadato wax Dadka Hargeysa ka dhexeeya oo ay Aakhiro kuyuu kuu soo galaan, adiga oo shanta Salaadood Dirqi ku haleeli jiray. ILAAHAY baynu ka magangaleynaa in Hargeysa inoo soo Xaadirto maalinta Qiyaamaha.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu ka hadlay Dugsigii Hablaha Hargeys ee la sheegay in Xukuumaddu iibisay iyo Dugsiga Sheekh Bashiir ee la hadal hayo in la Xaraashayo, “Waynu ku wada jirnaa (Dambiga dalka ka dhacaya) haddaynu Marag ka nahay Dugsigii Dumarka Hargeysa oo ay dhiganayeen 1200 oo Hablood. Anigu waan ku Garaadasay oo wuxuu Dugsigaasi dhisnaa 68 Sannadood. Hablihii ka baxay ayaa Maanta Ayeydii labaad ah, imikana waxay mareysaa Sheekh Bashiir, macnaha Xaaladdu waxay mareysaa wixii Taliskii Dalka ka tagay uu ka xishooday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Xaaladdu ku socoto in Xukuumaddu iibiso Masaajiidda markay ay dhammaadaan Dhulka kale ee Danta Guud, “Marka Dhulka Ummadda ka dhexeeya la dhameeyo waxay imanaysaa Masaajidka, ee intaydaan Iibin Annagaa iibin, ileyn way imanaysaa (In Masaajiidda la iibiyo’e).”

Ugu dambeyn, Sheekhu waxa uu Dadweynaha ugu baaqay inay la dagaalamaan Maandooriyaha Khamriga iyo Xashiishadda oo uu sheegay in lagu iibiyo guryaha Hargeysa dhexdooda.

Sidoo kale, waxa uu Dadweynaha iyo Xukuumadda ku dhiiri-geliyey in loo gurmado Dadka Abaaruhu hayaan.