Kulan Hadhimo Ah Oo Dhex Maray Guddoomiye Cirro Iyo Mujaahid Cabdiraxmaan AW Cali

0
471

Hargeysa(Geeska):-Kulan qaddo ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa shalay magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal ku dhexmaray guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Md.Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax.

1

Kulankan qadada ah oo u jeedkiisu ahaa mid is-xog-waraysi ah kana qabsoomay hotel Rays ee Boorama, ayaa sida oo kale waxa ka soo qeyb-galay xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka iyo weliba sida oo kale siyaasiyiin, wax-garad, aqoon-yahan iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobalka Awdal.

Siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobalka Awdal oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay, ayaa guddoomiye Cirro iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey magaalada Boorama, waxaana ay tibaaxeen sida ay diyaarka ugu yihiin in isbedel dhab ahi siddii uu uga qabsoomi lahaa guud ahaan dalka, iyaga oo carabka ku dhuftay ay diyaar u yihiin wixii taageero ah ee ay kula barbar istaagayaan xisbiga WADDANI.

Madaxweynahii xigeenkii hore ee Somaliland Md.Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminaayo guddoomiye Cirro, isaga oo ku dheeraaday xidhiidhka ay lee yihiin isaga iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in guddoomiye Cirro uu yahay hoggaamiyeyaasha ugu mudan ee ay rajo ka qabbaan in uu qaranka hoggaamiyo, isaga oo ku ammaanay in uu yahay in dhowr soon oo siyaasaddiisa ay ku ladhan tahay degganaashiyo iyo lexlo-jeclo badan oo uu qaranka ka lee yahay.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad-weyn u tahay in maanta ay kulan qadeed wada qaataan madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax, isaga oo sheegay in kulankani uu kaliya ku ee kaa is-xogwaraysi ku saabsan siddii looggu wada diyaar garoobi lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Somaliland, isla mar ahaantaana ay u wada diyaar garoobayaan siddii loogga shaqeyn lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka