Caabuqa Cirridku Wuxuu Khatar Ku Yahay Hooyada Uurka Leh Iyo Ilmaha Ay Siddo, Waxaanu Keenaa Wadne Xanuun

0
945

1Washington (Geeska)- Wax lala yaabo ma’aha in ay dhakhaatiirtu afka ku sheegaan albaabka cudurka iyo dawada labadaba, isaga ayaa aynu marinnaa cuntooyinka nolosheennu u rahmantay, laakiin nadaafaddiisa oo la’ ilaalin waayo iyo ilkaha oo caafimaadkooda la dayacaa, waxa ay sababtaa cudurro iyo mushkilado aad u badan.

Warbixin caafimaad oo dhowaan lagu daabacay majallad Maraykanka ka soo baxda oo arrimaha caafimaadka ka faalloota ayaa xaqiijinaysa in cuntada ku hadha ilkaha dhexdoodu ay afka ka dhigto goof ay dhufays ka dhigtaan kumannaan Bakteeriyada noocyadeeda kala duwan ah, kadibna ay ka dhalato asiidh weerarta ilkaha, haddii ay muddo sii jirtana suus ku dhalisa. Haddii suuskaasi dawo la’aan sii jiro oo uu ilkaha dalooliyana waxaa bakteeriyadaas khatarta ku ah caafimaadka u suurtagasha in ay gudaha u gasho godadka ilkuhu sameeyaan illaa ay gaadho neerfka iliigga iyo dhuuxiisa, waana ka sababa xanuunka aan loo adkaysan karin, aakhirkana iliggu u dhinto.

Khubaradu waxa ay sheegeen in marka uu caabuqu muddo dheer hayo cirridka iyo ilkaha in uu weeraro lafaha daanka dhaawac weyna uu gaadhsiiyo.

Arrintu intaas kuma eka, balse nadaafadda ilkaha iyo guud ahaan afka oo la ilaalin waayo, iyo in la daweyn waayo ilkaha bukaa waxa ay keenaan xanuunnadak u dhaca cirridka oo iyaguna khatar ku ah lakabka sare ee iligga, marka uu dhammaadana iliggu uu si aan filasho lahayn isaga soo dhaco.

Wadne xanuun:

Warbixintan caafimaad ee Geeska Afrika soo ururiyey waxa ay sheegaysaa in caabuqa cirridka ee waqtigiisu dheeraado, iyo daloollada suusku ku sameeyaan ilkuhu ay ka mid yihiin sababaha qofka ku keena dhibaatooyinka caafimaad ee wadnaha iyo xididdada dhiigga, wadne istaagga, dhiig-fuuranka maskaxda, isla markaana wax yeesha caafimaadka dumarka uurka leh. Waxaa jira in ka badan 800 oo Bakteeriya ah oo afka gudihiisa ku nool, waxaana ka mid ah kuwo cadaawad badan oo haddii afka la nadiifin waayo inta ay si xawli ah u kordhaan u gudba xididdada diigga ee ku soo furan iligga ay galeen, kadibna sidaa ugu gudba jidhka oo dhan, taas oo aad u kicisa hab-dhiska difaaca oo isu diyaariya ka hortegista Bakteeriyada. Markaas haddii uu hab-dhiska difaacu taag-daran yahay, gaar ahaan carruurta, dadka da’da ah, iyo dadka qaba cudurrada daran sida macaanka iyo wadne xanuunka, waxaa dhacayai n uu iska caabbin kari waayo bakteeriyadan, aakhirkana uu isu dhiibo, oo a dhacdo masiibadu. Alle ma’ qaddaro ee. Caabuqaas oo muddo dheer cirridku qabaa waxa uu dilaa caafimaadka waxa loo yaqaan Valves ka wadnaha oo ah marinno is xidha marka uu dhiiggu soo galo si aanu dib ugu noqon. Sidoo kale xaaladdani haddii aan si fiican loo daweyn waxa ay dhaawacdaa caafimaadka muruqa wadnaha, illaa heer ay keeni karto wadne-wareen kedis ah, sambabada oo caabuqu u gudbo, neefsiguna qofka ku adkaado, gaar ahaan marka neefta dib loo nuugayo.

Hooyada Uurka leh iyo Ilmaha ay siddo:

Hooyada uurka leh oo nadaafadda afkeeda ilaalin weydaa waxa ay dhibaato caafimaad darro ku keentaa nafteeda iyo ilmaha ay uurka ku siddo labadaba. Isbedellada hoormoon ee jidhka hooyada ku yimaadda inta ay uurka leedahay waxa ay keenaan in Kaalshiyaamtu ka yaraato, sidoo kale cunto aan caafimaad ahaan fiicnayn oo ay cunto, sida mac-macaannada iyo xalwadaha oo dhan iyo waxyaabaha la moofeeyo, sida keegagga, buskuddada iwm, haddii aanay hooyadu aad uga nadiifin ilkaheeda, ilkaha dushooda waxaa ku samaysta lakab aakhirka keena caabuqa iyo in ay firfircoonaato bakteeriyada khatarta ah, waxa aanay gaadhi kartaa in hooyada uurka leh uu dhiig maskaxda kaga furmo, in keluyuhu shaqadooda gabaan iyo in ay dhiig baxdo xilliga umusha.  Waxaa iyaguna jira xaalado iftiimiyey in carruurta ay dhalaan hooyooyinka dhibaatada cirridka iyo ilkaha qabaa, ay inta badan shan laab ka miisaan yar yihiin kuwa hooyooyinkood arrimahan ka caafimaad qabaan.

Xanuunnada kale:

Caabuqa ilkuhu waxa uu aad ugu xun yahay dadka macaanka leh, waayo caabuqani waxa uu keenaa in ay isu dheelli-tirmi weydo sonkorta dhiigga ku jirtaa. Waxaa intaas dheer in uu caabuqa cirridku keeni karo, dhabar xanuun, iyo madaxa oo qayb ahaani qofka aad u xanuunto. Caabuqani waxa uu caqabad ku noqdaa calaalinta saxda ah waxa aanu keenaa in muruqyada qoorta iyo dhabarku ay qofka xanuunaan.

Ugu dambayntiina khubarada caafimaadka ilkuhu waxa ay isku raacsan yihiin in nadaafadda afku ay ka mid tahay waajibaadka ugu mudan ee qofka laga rabo da’ kasta oo uu yahay iyo jinsiga uu yahayba, waxaana sida saxda ahi ay tahay in qofku uu maalin kasta ilkihiisa nadiifiyo hurdada ka hor iyo cunto cunista kadib, waxaa iyaduna muhiim ah in qofku uu afkiisa ka nadiifiyo hadhaaga cuntada in ilkaha uu si fiican dun ugu findhicilo iyo in uu la socdo caafimaadka cirridkiisa, si haddii ay wax jiraan, xilliga ugu fiican wax looga qabto, ugu dambayntiina qofka waxaa laga rabaa in uu sannad kasta hal mar dhakhtarka ilkaha tago, xitaa haddii aanu wax dhib ah dareemayn ama isku ogeyn.