Dawladda Ingiriiska Oo Mar Kale Cusboonaysiisay Digniinta Ammaanka Somaliland Iyo Hargeysa Iyo Berbera Oo Ay Sheegtay In Loo Tagi Karo Uun Arrimaha Muhiimka Ah

0
550

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa cusboonaysiisay digniin amni oo la xidhiidha inta badan magaalooyinka Somaliland, waxaanay muwaadininteeda u sheegtay inay tagi karaan oo keliya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo iyagana ay sheegtay in loo tagi karo arrimo muhiim ah.

1

Digniintan amni oo ay wasaaradda arrimaha dibadda, waaxdeeda socdaalka dibadu cusboonaysiisay 9 february, waxa ay ka digtay xaaladda amni ee guud ahaan wadankii la isku odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland ku jirto, waxaanay warbixintoodan ugu soo hadal qabsadeen qaraxii toddobaadkii hore ka dhex dhacay gudaha diyaaradda Daallo Airline. “ “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwoaaqo sooranka (FCO) wuxuu ku talinayaa inaan loo socdaalin Somaliya oo ay Somaliland ku jirto marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo uu xafiiska FCO ku talinayo in  loo tagi karo uun safarada muhiimka ah.” Ayaa lagu yidhi qoraalka, waxaanu intaas raaciyay, “Muwaadin kasta oo ingiriis ah oo ku sugan dhulka Somaliya oo uu xafiiska FCO socdaalkooda ka digayo waa inay ka baxaan. Muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo Hageysa iyo Berbera aan u joogin socdaalo muhiim ahi waa inay ka baxaan.”

Dawladda Ingiriiska ayaan weli muddo saddex sannadood ah wax isbedel ah ku samayn khataro ammaan oo ay ku sheegto inay ka jiraan Somaliland, iyadoo markii hore Somaliland guud ahaanteed sheegtay inay tahay dhul aan la tagi karin. Balse dawladda Ingiriiska ayaa bishii April ee sannadkii 2014 sheegtay inay xayiraadii amni ka qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera  oo ay sheegtay in iyagana loo tagi karo uun arrimaha muhiimka ah, kuwaas oo ay haddana dib u soo cusboonaysiisay.