Shiidaal-Jabka Dunida Oo Keentay In Ay Aad U Korodho Dhimashada Ay Sababaan Shilalka Baabuurta Ee Maraykan

0
559

1Washington (Geeska)- Tirada dhimashada dadka ay sababaan shilalka gaadiidka ayaa sagaalkii bilood ee u horreeyey sannadkii 2015ka kor u kacday, marka la barbar dhigo isla bilahaas oo ah sannadkii ka horreeyey ee 2014ka, waxaana arrintaas sababteeda loo tirinayaa gaadiidka waddooyinka maraya oo aad u kordhay muddadaas kadib markii uu qiimaha shidaalku aad hoos ugu dhacay.

Haayadda nabadgelyada waddooyinka waaweyn oo hoos tagta wasaaradda gaadiidka ee dalkaas ayaa sheegtay in tirada dhimashada shilalka gaadiidku ay kor u kacday boqolkiiba 9.3, taas oo noqonaysa in 26 kun oo qof ay dhinteen sannadkii 2015ka oo keliya, waana tiradii ugu badnayd ee shil gaadiid ku dhimatay tan iyo sannadkii 2008dii. Waxa ay haayaddu caddaysay in boqolkiiba 94 shilalkaas ka mid ah ay sababtoodu tahay qalad ka yimid darawaliinta gawaadhida. Tan iyo intii uu shidaalka dunidu aad u jabay waxaa dalka Maraykanka kordhay dhaqdhaqaaqa gaadiidka, taas oo sii kordhisay suurtogalnimada shilalka.